HIIL-SHARCI: Golaha Wakiilada ee Garan Waayey Xilka + Awoodaha Wasiir Xirsi, Way Adag Tahay Inay Arkaan Khaladaadka Sharci ee Xeerkan Xeer-Xirsi ‘Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka’ Ee BERRI Ay u Codaynayaan!!

Garyaqaan Salidhige
Garyaqaan Salidhige
Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige) isla markaana ah Gayqaan Tabliiqi-Sharci (Voluntary Lawyer) isla markaana ah Qof iskiis iskaga mashquulsan arrimaha Sharciga, ayaa halkan waxaan Wasiirka Madaxtooyada JSL mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada aan usoo jeedinayaa Talooyin Sharci oo aan arko in ay haboon tahay in ay iga aqbalaan iyo in ay fiiro u yeeshaan arrimahan aan kala hadlaayo iyaga, sidoo kalena dhinacyada ay isla qiraan dhacdooyin xusid mudan oo ah guulo hore dhinacyada Xeerkan ay ku kala guulaysteen.

Illaahay (SWT) sida ku xusan Aayadda 46aad ee Suuradda Al-Anfaal ee Quraanka Kariimka ah wuxuu Eebbe Korreeye inagu Amray in aynaan Murmin ama iskhilaafin, oo haddii aynu sidaa yeelno Aynu Fashilmi doono, oo ay inaga tegi doonto Riixdeenu (Burjigeenu). Waxaan Aayaddan Quraanka Kariimka u soo xiganayaa waa Xaalad liidata oo Golaha Wakiilada iyo Xukuumadaba ay ku kala sugan yihiin oo ah kala taganaan Ruuxi ah, waxaad moodaa in uu jiro Siraac iyo wax kala jiidasho, kala wadid arimo dano oo u dhexeeya labada Gole Siyaasi ee Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka oo sida laba is-dar-daray oo is-liqay ama iska qaalib noqday. Ayaa arrintaas oo dhinacyada ku keentay in uu ka lumo Arag badani, Garasho badani, Is-Aamin badan iwm, ayaa si ay isu-firfircooni geliyaan Xildhibaanada Golaha Wakiiladu oo shaqadooda ay u gutaan sida saxda ah, ayaan u soo qaatay Qormadaydan ah Is-Baraarujin.

Sidaynu ogsoonahayba Golahan Wakiilada waxa in muddo ahba laga doodaayey Xeer Qabyo Qoraal ah oo berito 24/09/2013 Golahu ay u kala codaynayaan in Ansixiyaan iyo in ay Diidaan Ansixintiisa.

Haddaba, halkan waxaan Saxaafadda iyo dhamaanba Dadweynaha JSL aan ugu soo bandhigayaa si ay u akhristaan, u gorfeeyaan, u miisaamaan iwm laba Xeer Qabyo Qoraal ah oo isla Hal Xeer ah oo laba jeer Xildhibaanada Golaha Wakiilada loo kala qaybiyey, oo isla nuqulada berito loo codaynayo, aniga oo awoodi waayey in Garyaqaan ahaan aan tacliiq ka soo qoro Xeerkaas ayaa waxaan halka Wasiirka Madaxtooyada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada aan ugu soo bandhigayaa Hiil-Sharci oo aan qoloba dhankeeda ugu sheegayo in ay dhanka kale ka guulaysatay, iyadoo aniga ujeedadaydu ay tahay oo keliya Hiil-Sharci iyo sidii dhinacyada aan ugu qancin lahaa in berito aan la Ansixin oo la Golaha Wakiiladu ay diidaan Ansixinta Xeerkaas, ayaa dhinacyada waxaan wax ka tusayaa doc muhiim ah oo wax lagu Qiimeeyo oo iyagu aanay hore u dhaadsanayd.

Ugu horayn waxaan leeyahay mudane Wasiir Xirsow Afar-jeer oo hore ayaad ka guulaysatay Golahan Wakiilada’e waxaan kugula talinyaa Golaha Wakiilada u Ogolw in ay kaa Guulaystaan si ay diidaan Ansixinta Xeerkaas aad u soo gudbaysay ee Berri Goluhu uu u codaynayo, isla markaana Goluhu wuu nugul yahay ee ha ku qaadin Golahaas Olole lid ku ah Diidmada Ansixinta Xeerkaagaas, Afarta jeer ee hore aad uga guulaysatayna waxa ay kala yihiin sidan:-

1) Guushii Koowaad: waxay ahayd 16/07/2011 oo ah Maalintii Golaha Wakiilada aad u hor tagtay si ay kuugu Ansixiyaan xilkan Wasiirnimada Madaxtooyada ee 11/06/2011 uu Madaxweyne Siilaanyo Digreetada uu kuu magacaabay. Maalintaas mudane Wasiir waxaad Golaha wakiilada aad ka hor sheegatay nooca uu xilkaagu yahay, shaqadaadu waxay tahay, awoodahaagu intay gaadhsiisan yihiin iwm. Dabadeed, xildhibaanadii G/Wakiiladu iyago ku qanacsan xilalkii, shaqooyinkii, awoodihii iwm ee aad ka sheegatay ayaa waxay cod gacantaag ah kugu ansixiyeen Wasiirnimadaada Wasaaraddan Madaxtooyada, iyadoo 64 mudane oo fadhiyey Golaha ay dhammaan 62 xildhibaan ay kuu Codeeyeen oo ay ku ogolaadeen ahaanshahaaga Wasiirnimo, halka hal mudane uu ku diiday oo sheegashadaada xileed iyo awoodeed uu ku qanci waayey Guddoomiyuhuna muu codayn. Kulkaas oo ahaa kulankaagii labaad ee golahaas aad hortimaadid si laguu ansixiyo;

2) Guushaada Labaad: waxay tahay maalintii aad Golaha Wakiilada ku guulaysatay in la horkeeno Xeerkaagan Xeer-Xirsi ee Xeerka Qabyo Qoraalka Horumarinta Waddooyinka ee si daymo la’aan ah xeerkaas loogu daray liiska Xeerarka ee lagaga hadli doono Ajandahan Berri ee Kalfadhigan G/Wakiilada, kaas oo noqday Xeerka 7aad ee liistada Ajandaha. Markaasina waxay kuu ahayd Guushii Labaad ee aad ka guulaysatay G/wakiilada ee dedaalkaagii kaambayn aad ku meel marisay in Xeerkaagaas la aqbalo oo lagu soo daro Ajandaha Berri;

3) Guushii Saddexaad: waxay tahay Hor imaanshahaagii 04/09/2013 Golahan Wakiilada aad u hor timid si aad uga jawaabtid Su’aalo Xildhibaanada Goluhu ay wax kaa weydiiyeen waxay tahay Masuuliyadaada Shaqo, Awoodahaagu, tirade iyo Nooca Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradaada iwm, dabadeedna mudane Wasiir halkaas Golaha Wakiilada hortooda aad uga akhriday wixii aad ka odhan karaysay, dabadeedna Xildhibaanadii Golaha Wakiiladu markay ku hafteen hadlkaagii taxanaha ahaa iyo waxyaabihii aad halkaas uga tirisay, ay dabadeed sidaas kugu soo fasaxeen iyagoo aan marnaba loodin (naqdin ama beenin) xujooyinkaagii iyo wixii aad hortooda ka sheegatay. Markaa mudane Wasiir taasi Guul iyo Gool Saddexaad oo Golaha Wakiilada JSL aad ka dhashatay ayuu ahaa;

4) Guushii Afraad: waxay tahay immaanshahaagii Golaha Wakiilada aad 09/09/2013 u hor timid si aad u sharaxdid uguna faahfaahisid (iftiimisid) Xeerkaagan Xeer-Xirsi Xeerka Qabyo Qoraalka Horumarinta Waddooyinka ee Golahan Wakiilada horyaala isla markaana aad uga jawaabtid wixii Su’aalo ah ee ay kaa weydiiyaan. Dabadeed waxa dhacday mudane Wasiir waa adigii Golahaas ku qarqiyey Khudbadaadii dheerayd ee la midka ahayd tii sanadlaha ee M/weynuhu ka hor akhriyi jiray labada gole, dabadeedna waa kuwii xildhibaanada Golaha wakiiladu bartii ay qaar badani ku caajiseen kuna luloodeen, dabadeed markii aad u dhamaysay khudbadii ee aad Wasaarado kasta, Hay’ado kasta iyo Wax qabad kasta oo Xukuumadaadan Siilaanyo ay qabatay aad u soo xaadirisay, ay Xildhibaanadii qaar ka mid ahaa oo iyagu wada haleel ahaa ay halkaas kaa weydiiyeen Su’aalo dhowr ah, dabadeed aad u dudubisay jawaabahoodii.

5) Guushaada Shanaad: waxay tahay oo lawada saadaalinayaa in Berrina aad dhashanaysid Goolkii Shanaad ee aad Rikoodhka ku jebinaysay in aad qaadaysid, oo Xildhibaanadan Golaha Wakiiladu ay ILDUUFI doonaan, oo iyagoo aan wax u fiirsan oo sidoodii hore ay ahmiyadsiinta XEERNIMADA ka door bidi doonaan HEBELNIMADA.

Marka mudane Wasiir Ogow inaad tahay Wasiir Guulo badan Xukuumadda u soo hooyey, oo Cid walba iska daa madaxda Xisbiyada ee cidla ka wareerka ahoo xataa Golhii Wakiilada ee Baarlamaanka JSL aad ka Saayid-Calaysay oo la waayey cid qudhaata oo Burisa Xujooyinkaagaas iyo sheeshooyinkaagaas. Mudane Ogow in aad Xirsigii La Garan Waayey!!

Markaa mudane Wasiir anigu waxaan kugula talin lahaa ka daa Shaashaynta, oo ugu ducee in ILLAAHAY (SWT) xildhibaanadaas uu Tuso XAQA, Xaqnimadiisa kuna Arsaaqo Raaciddiisa, oo ay joojiyaan (Diidaan) Ansixinta Xeerkaagaas ah Xeerka Qabyo Qoraalka Horumarinta Waddooyinka. Aamiin, Aamiin. Waayo, mudane maxaynu sidaas u leenahay Guusha Golaha Wakiiladu waa Guusheenii Dhammaan JSL, Guuldarooyinkooduna waa Jabjeena. Markaa mudane Wasiir u hanee Golaha Wakiilada Guushaas iyo in ay Berri kaa dhashadaan Goolkaas.

Muwaadin waa Su’aale, Golaha Wakiilada ee hore u garan waayey Xilka + Awoodaha Wasiir Xirsi, ma adag tahay In maanta ay Arkaan Khaladaadka Sharci ee uu xambaarsan yahay Xeerkan Xeer-Xirsi ‘Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka’ ee Berri Golaha Wakiiladu ay u codaynayaan?!!

Fiiro Gaar

Ogaada labadan Xeer waxa soo socda waxay yihiin laba Xeer oo isku dhacaya oo aan si barbaro ah u wada shaqayn Karin labadaas Sharci oo kala ah Qabyo Qoraalkan Xeerka Horumarinta Waddooyinka ee Goluhu berito uu u codaynayo ee Xeer Lr. 64/2013 kaas oo ka kooban Laba iyo Toban Qodob oo aan is-dhamaystirayn; iyo Sharciga Waddo Marista ee Sharci Lr. 82/06 ee 13/3/96 ee hore u jiray oo ka kooban labaatan Qodob (20 Articles) oo ah nidaamsan oo Qabyo Sharci leh oo labaatan sanadood lagu soo dhaqmaayey, Sharcigaas oo Goluhu intii doodu socotay aan la xusin isla markaana aan xildhibaanada loo qaybin, sidoo kalena Xeerkan dambe aan lagu xusin tirtirmiddiisa!!!

TALOOYINKA-SHARCI

Waxaan anigu ku talinayaa sida soo socota:-

1) In Xeerkan Aan La Ansixin Gebi ahaanba;

2) In Fikirkan iyo Hindisan wanaagsan ee ka yimid dhanka Xukuumadda iyo Wasiirka Madaxtooyada mudane Xirsi Cali Xaaji Xirsi ee la rabo in si loo daryeelo waddooyinka dalka dib loo yara dhigto oo swakhti laba bilood ah dib ha loo dhigo si loogu \talo badsado si la isu waafajin karo Hindisa mashruucan iyo Sharciga Waddo marista ee hore u jiray.

WA BILLAAHI TAWFIIQ

By: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)