Hay’ada Shaqaaalaha: Tayaynta Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime-Waaxyeedyada – W/Q: Axmed Diriye (Toorno)

Inkastoo wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa Banaan ee Somaliland ay dedaal muujiyeen, oo ya u babac dhigeen xaqabadaha dhaqaale darrada dalkeenu ka midka tahay; hadana meelaha qaarkood ayaa u baahan in hoos loo dhugto si loo dardar geliyo hawl-qabadka, loona tayeeyo maamulka.

Kow, meelaha ugu muhiimsan ee wax ka-bedelka u baahan waxaa ka mid ah in Agaasimeyaasha Guud ay madaxtooyadu u magacawdo qaar aqoon u leh Wasaarada ama hayada dawladeed ee Agaasimaha Guud loogu magacaabayo. Waayo, hadii aanu Agaasimaha Guud aqoon u lahayn hawsha uu hayo, waxay la mid tahay anigoo la ii magacaabo Taliyaha Ciidanka Qaranka ama Ciidanka Blooliiska, markaa sow cadaan maaha inuu ciidankaasi jabayo (Allow magantaa!!). Waxyaabaha ay arrintaasi keento waxaa ka mid ah niyad jabka shaqaalaha ku dhaca, iyo aaminsanaanta oo ka lunta markay garan waayaan sababta Agaasime Guud loogu mgacaabayo hawl aanu ehel u ahayn, taasina waxay u horseedaa musuq iyo wax-qabadka oo hoos u dhaca

Laba, Agaasime Waaxyeedyadu waa shaqaalaha dawldeed ee keliya ee aan imtixaan ka qaadin hayada shaqaaluhu, isla markaana aan la bedbedlin. Taasi waxay sababtay in Wasaaradaha ama hayadaha dawlada qaarkood waxaa jooga agaasime waaxeed jagada lagu siiyay saami qaybsigii beelaha waagii xasilinta dalka; kuwaas oo qaarkood waaxdooda u adeegsadaan qaab meherad gaar ah oo ay iyagu leeyihiin.

Sidaa darted, hayada shaqaalaha waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa in la isku bedelo agaasime waaxyeeyada oo wasaarad walba, kuwa jooga qaarkood wasaarad kale loo bedelo; gaar ahaana, agaasimeyaasha waaxaha muhiimka u ah geedi-socodka shaqada wasaaradaha. Hadii kale, waxaa suuroobaysa inay Somaliland-ba ka goostaan waxdooda, ama ay waaga dambe magacooda ku qortaan boodhka waaxda.

Arrintaasi waxay Somaliland ka badbaadin doonta inay ku sifowdo xaaladii ay dacawadii reerka yeesha ka cuntay tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO!!.

Allaa Mahad leh

Axmed Maxamed Diirye (Toorno):

ahmedmdiriye@yahoo.com,

415-5887