Haweenku Gobsanaa! – W/Q: Saddaam Carab

Saddam Carab
Saddam Carab
Saddam Carab

Haweenku gobsanaa, gaarisanaa oo geesisanaa. Ina rag tolow intaas ma laga wada heli karaa ama intaas in ku dhowdhowba?

Hiirta waabari ee habeenka u dhow, dhulka oo madow iyo dadka oo wada hurda ayey hurdada ka kacdaa. Ka kallahdaa gurigeeda marka sheekhu daakiro oo ay u baxdaa dibadda iyo suuqa. Iyadu waa ganacsato; ganacsato faras magaalaha ku iibisa khudrad. Marka ay gaadho goobteeda ayey bilawdaa goglidda iyo habaynta booskeeda. Waxa ay hoos fadhiistaa hoy ka kooban afar qotin oo qotoma iyo afar kale oo ku gudban dushooda oo la saaray maryaha la isku alooliyey ee ay cadceeddu ka awood badato. Intaas waxa dheer bacda iyo jawaannada ay ciidda uga gogosho khudradda ay iibiso. Inta aanay aroortii bilaabin hawl maalmeedkeeda kakan, ayey rushayn ku bilowdaa qolqolka hooskeeda ah oo ka halwisaa boodhka iyo basaaskaba sidaas na ku bilowdaa shaqada aroor kasta oo ka mid ah nolosheeda oo ka soo bilaabantayberi hore.

Ma hubto wax laga iibsan doono iyo wax ay iibin doonto, waxay se Ilaahay ka baridaa ka midho dhalinta ganacsigeedan, iyada oo ku niyadsanna waa ay ka heshaa  biilka reerka aqbaalaadda baryada Alle ka dib. Reerka ay  u shaqaysaa waa toddoba ay dhashay, mid ay la dhalatay, iyada iyo odaygeeda iyo intii kale ee martida mararka qaar. Taasi waa go’aan iyada ka go’an in ay shaqayso inta ay karayso ee ay shaqayn kartoba. Waxa kale oo ka go’an in ay u dhabar adaygto dhib kasta oo kaga timaad shaqada iyo shaqaalaha ay wada shaqeeyaan.

Kallahaadda dhaxanta badan  waxa kaga daran baqashada ay tuug ka baqayso. Haddidaadda cashuur qaadahana waxa kaga daran hanjabaadda xamaalka ee haysata aroor iyo galab kasta. Waxaas oo idili waxay noqonayaan salleello haddii ba ay ka nabad hesho caga-juglaynta iyo marar camaa-jurraynta ragga waalan ee suuqa wareega u gaystaan. Cadceedda, boodhka iyo basaaska haysta ayey ku faraxsantahay mar haddii ay keenayso quutal daruuriga xaafadda iyo qayilaadda odayga!

Haa, odaygeeda iyada ayaa bariiskiisa iyo ka caruurtiisa bixisa oo baystayn isagu kuma darsado. Daaye isagana qaadkiisa u qaadda maalin kasta, si uun! Maalinta ay keeni kari waydona waxa guriga laga dareemaa qaxar iyo qaylo iyo qawadaad iyo qalalaase oogma. Iyada oo aan ku faraxsanaynna meel uun uga soo qaadda amaah ahaan si uu u helo mijinta! Maxaa yeelay?  Waxay dareemaysaa in ay ceeb ku tahay odaygeedii oo ka hadhay raggii galabta qayilka iskugu soo qamaamay. Taas culayska ku ah ayaa iyada ceeb ula muuqata isaguna ceeb ugu arkaa iyada! Waa kala maan saw maaha?  Haweenku gobsanaa!

Tani waxay ka tahay hal, inta hawl iyo hagardaamo uu ku hayo ninkeedu, se wax kasta oo culays ah waxa ay ugu samirtaa asturaadda ceebaha gurigeeda dhexdiisa, si aan cidi u ogaan, si aan loogu ceebayn ama si aan loogu canaanan midkood na, sababtaas ayey u aqbashay culays kasta oo uu ku hayo odaygeedu. Culayska uu la dul qotomaa waa mid soo taagnaa ilaa maalintii ay aqal galeen haystayna ilaa maanta oo ay toddoba caruur ah isku dhaleen. Waxa la ogaa dharaarihii u horreeyay aqal galkooda in uu fadqalada iyo arrin xumada ku kawsaday, sidoo kale waxa la ogyahay in isagu waligiiba ma shaqayste ahaa calafkuna cagaha uga xidhay cadraddan. Dabadeed  iyaduna go’aan ku gaadhay in ay sheesho wax kasta oo ceebaal ah oo uu leeyahay saygeedan sillani. Sidaasna ay ku waajahday nolosha adag ee waddada adag ee horteeda soo adag. Isaga hal habeen oo kali ah garaadkiisu malaha ma shaqayn ayaa la is yidhaa!?. Dadka yaqaanay intii aanu gabadhan guursan, maanta marka ay arkaan waxay garan waayaan in uu isagii yahay iyo in kale. Jimidhka baaxaddiisa iyo caddaanka jidhkiisa ayaad maalqabeen is nacay mooddaa! Ma maalqabeennimaaba u dhiman; dhugo caynka ay tahay iyo camal samaanta ruuxan dumar ah ee xilaha u noqotay! Nasiib badanaa isagu, oo ayaan daranaa iyadu. Xataa barigii ay yarayd waa loo ducayn jiray e’ halkay ka martay ducadii? Jiroo la yidhaa; inta wanaagsan baa la solaa si loo sii saafi yeelo saxnimadooda.

Waxay ay guriga ku soo hoyataa goorta ay cadceeddu hoggeeda ku hoyato. Isla jeerkaasna bilowdaa diyaarinta cashada reerka iyo nidaaminta ubadka! Waxay sidaasna ku dareentaa farxad aan la qiyaasi karin iyo fantasiyo ballaadhan oo yaab leh. Marka aad aragto jawigeedana is odhan maysid waa gabadhii maanta oo idil cadceedda fadhiday ee duufaannada tabaysha ahi indhaha u yaryareeyeen. Ilaahay hortii maskaxda intaas oo culays ah haysa, intaas oo cadaadis ahina saaran yahay ee haddana faraxsani waa ammuur; ammuur culus iyo cilmi Alle. Waa cidda aan la garayn cid u maqan oo mar uun ka furan hawsha, waa cid cidday dhashaa cid ugu dhowday malaha!?  Ilaahaybaa se cid walba cid ugu filan. Intaas oo dhan oo dhakadeeda saaran haddana iyadu waa qof mar walba deggan oo dabacsan, waa qof mar walba faraxsan!! Waa mararka aad si dhab ah u garwaaqsato helidda farxaddu iyo deganaantu in ay deeq Alle tahay oo aan duunyo lagu helin! Hubaal iyadu waxay ka farxad badan tahay kuwo lacag badan oo tiro badan oo aan ka fogayn.

Ma garan karo wax lagu sifeeyo iyada iyo dhiggeeda la waayaha ah, waxay buuxiyeen meel laga waayey ciddii ay ahayd in ay buuxiso, waxay ay qabteen hawshoodii iyo tu kale oo waliba aanay ku nabad helin hadh iyo habeen! Waxay muujiyeen geesinnimo, gobnimo iyo hal-adaygnimo. Waxa se yar inta dareensan daloolka wan ee ay buuxiyeen! Waxa ayaan daran ka la biiliyo, ubadkiisa loo biiliyo, islaantiisu u biiliso ee waliba qayilsiiso ee waliba nafteedana u hurta goorta uu hungureeyo. Waa kaas ka ay tahay in la canaanto had iyo goor. Waxa uu lumiyey sunnihii nolosha iyo sooyaalkii dhaqanka. Dammane iyo damiir laawe waa isaga, dugsi iyo darxumo tirtona waa iyada! Geesiyaddu waa iyada, guntu waa isaga, gobtuna waa iyada! Haweenku gobsanaa, gaarisanaa oo geesisanaa. Ina rag tolow intaas ma laga wada heli karaa ama intaas in ku dhowdhowba?

 Saddaam Xuseen carab

saddamcarab@gmail.com