Haweenka Hargeysa Muuska ku Iibiya – W/Q: A/Fataax

Waxaan ka iibsadey Laba xabo oo Muus ah suuqa dhexdiisa iyada oo Kaaryoone ku heysa Muus,Waa qof haween ah isla markaasina Hooyo ah.Waxa ay ii sheegtay in ay Muuskaasi kaaryoonaha ka masruufto Caruur ay dhashey oo Todobo ah Mar aan weydiiyey waxa ku kalifey in ay Muuskan suuqa kula wareegto.Waxa ay aheyd Hooyo aad u dhaliileysey Rag badan oo dayacey Kaalintoodii haweenkii iyo Caruurtiina kaga mashquuley Jaad iyo Qayilaad.Haween badan oo inta badan xaas ah Isla markaasina aad garan karto in ay Caruur korinayaan lagaga dhintey ama dayacey oo qaarkoodna da,ah ayaad ku arkeysaa Koonayaasha wadooyinka caasimada hargeisa gaar ahaan Suuqa hoose iyaga oo iibinayaa Muus kaaryoone u saaran ama lagu wado.Intaad suuqa socoto ishaadu waxa ay qabaneysaa haween kaaryoonayaal wada oo muuskaasi la wareegaya,Dhinaca kale Hudheelada wax laga cuno wakthiyada qadada inta badan waxa Dhinaca fadhiista Haween iibinayaa Muuskaasi oo dadka qadeynayaa ay ka qaataan.Somaliland Muuska waxa looga keena Somalia iyo Ethiopia,Waana laba muus oo la kala garto xaga Muuqaalka.Qiimaha ay ku iibineysey Hooyadaasi Muuska ayaana wuxuu ahaa Inta badan Kun shilin iyo Kun iyo shan boqol oo Somaliland ah.

Waa Maxay Faa,idooyinka haddaba ku Jira Cunida Muuska ee Dhinaca caafimaadku

Inkasta oo aanan anigu aheyn Dhakhtar ,haddana Cunida muuska Fa,idooyinka ku Jira ayaa ah kuwo caan ah isla markaasina Laga akhrisan karo Bar kulanka bogaga internetka ee arimaha nolosha ama caafimaadka quseeya,waana kuwan qaar ka mid ahi.

Horta ugu horeyn cunida Muuska waxa aad loo dhiirigeliyaa Aroorta hore ama Subaxii

  1. Waxa la sheega in Muuska laga helo vitaminada sida A,B,C iyo E
  2. Waxa Muuska laga helaa macdanaha jidhku u baahan yahay sida Potassium.Zinc iyo Iron,Waana Mid kordhiya Tamarta qofka.
  3. Muusku wuxuu hoos u dhigaa Dhiig karka oo ay ugu wacan tahay Posasiumta laga helaayo oo Hoos u dhigeysa Dhiig karka.
  4. Muusku sida la sheego wuxuu kor u qaada awooda Fikirka Maskaxda,Waayo waxa ku Jira Vitamin B oo ah mid Neerfaha iyo Awood waxqabadka qofkaba kor u qaada sida wax barashada oo kale.
  5. Muusku wuxuu hoos u dhigaa Khatarka qofka Faalig ugu dhufan karo,Isticmaalkiisa Joogtada ahina wuxuu ka hortagaa “Stroke”.Waxa kale oo cilmi baadhid kale sheegaysaa in uu xitaa hoos u dhigo khatarka Kansarka.
  6. Cunida Muuska ayaa dhinaca kale waxtar u leh Lafaha qofka.
  7. Cunida Muusku waxa ay waxtar fiican u leedahay Habdhiska dheefshiidka qofka guud ahaan Iyo calool Istaagaba.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com