Hargeysi Waxay u Baahan Tahay Gole Deegaan oo ka Fayow Hab-Dhaqanka Isir Sooca.

Kadib lasoo noqoshadii madax banaanida Somaliland, Sidaynu ka war qabno,waxa bulshada Somaliland, sida ay go’aanka ugu qaateen, inay gooni uga go’een soomaaliya inteedii kale, ay sidaas oo kale  go’aan ugu qaateen inay magaalada hargeysa u noqoto magaalada madaxda dalka jsl,  si taasi loo xaqiijiyo ayaa lagu qoray dastuurka qaranka Somaliland,iyadoo sida laga  dheehan karo qodobkaasi caasimada lagu xardhay, baalasha hore ee buugga dastuurka qaranka.

 Qaraarkaasi la gaadhay ma ahayn mid dhayal iyo si fudud la iskula qaatay,balse waxa uu ahaa go’aan miisaankiisa leh, una dhigma mawqifka Somaliland ku go’aan satay inay dib xorriyadeedii ula soo noqotay.

Haddii aan si kale kuugu dhigo,sida aanay Somaliland u ahayn wax beel  ama 2beelood keli ahi sheegan Karto ,una tahay wax qaranka oo dhammi  wada leeyahay,ayaa caasimaduna u noqotay laga soo bilaabo taariikhdii qaraarkaasi, goob ummadda Somaliland ku abtirsata oo dhammi  wada leedahay oo cid ka sheegan karta cid kale  oo somalilander ah aanay u jiri karin.

 

Miisaanka qaraarkaasi iyagoo ka duulaya bulshada Somaliland waxay dedaal u galeen sidii ay magaala-madaxda dalka u camiri lahaayeen,siyaasi, aqoon yahan,ganacsade caadiya ,qurba joog,badiba dadwaynihii gobolada dalku waxa iyagoon u kala hadhin ay muruq maskax iyo maalba isugu geeyeen hargeysa oo ah caasimadii dalka .

 

Iyadoo ay sidaasi tahay qorshaha  lagu wada joogo ee lagu wada deggan yahay hargeysana uu yahay kan caynkaasi ah sida caasimadaha kale ee caalamka, oo aanay jirin cid marti ah iyo cid marti caasimadda looga yahay toonna , ayaa nasiib darro waxaad arkaysaa ceebo badan oo ka soo if baxaya dadkii aqoonta loo tirinayay qaarkood.

 

Meelaha habdhaqankaasi nusqaanta ku ah qaran-nimada iyo jiritaanka ummadnimo,sida weyn looga dheehanayo waxa kaalmaha hore kaga jira, maamulka dawladda hoose ee caasimadda, Waxa fadeexad iyo xaalad laga naxo ah,in badiyaa cidda dhibaatada iyo adeeg xumada iyo dulmiga kala kulanta dawladda hoose ee hargeysa ay yihiin,muwaadiniinta deggan caasimada ee isir ahaan kasoo jeeda gobolada kale ee dalka.

 

Waxa runtii ceeb ku ah maamulka sare ee dawladda hoose inay isu arkaan kuwo masuuliyadoodu ku egtahay xaafadihii ay ka yimaadeen ama laga soo dooratay.

waxa ceeb ku ah inay garan waayeen maadaama ay yihiin golihii deegaanka ee caasimadda,inay ka duwan yihiin golayaasha deegaanka ee magaalooyinka kale ee dalka,xilkooduna koobsanayo bulsho ka kooban intii caasimada deegaanka u ahayd iyo intii deegaanada kale ee dalka oo idil.

Si kastaba ha ahaatee bulshada caasimada ku dhaqani uma baahna hayb sooc iyo masuul u kala abti tiriya,ee waxay u baahan tahay,maayar cadaalad iyo sinnaan ugu adeega,xuquuqdoodana si dheeli tiran ugu ilaaliya.

 

 

By:Faarax Jaamac Dirir……….Hargeysa Somaliland