Hanka iyo Hiigsiga Dhalinyarada Somaliland Waxa Tusaale u ah Mayorka Cusub Ee Caasimadda Somaliland – W/Q: C/laahi Maxamuud

soltelcoWaxa War kale oo lagu Farxo Ka soo yeedhay Golaha Deeganka Ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland,Waxa wax lagu farxo noqotay si wayna loo soo dhaweeyey Doorashada Moyorka Cusub Ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Hargeisa oo ah nin Dhalinyaro ah, Waa Mudane Cabdirahman Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo aanu isku arday Jaamacadeed ahayn

Tani waxay Muujinaysaa oo ay Marag u tahay Kaalinta Muuqata Ee ay Dhalinyarada Somaliland kaga jiraan Hab Nololeedka maanta Ee Jamhuuriyada Somaliland,dabarkii dhalinyarada laga furay ee dhinaca hogaaminta dalka wuxuu Caawiyay Hiigsiga iyo Damaca dhalinyarada Somaliland,Waxaana Mahad mudan cid kasta oo door ku lahayd hirgalintiisa.

Hogaaminta dhalinyarada Somaliland waxa ay hormood ka noqdeen dhinacayada wax qabadka Muuqda iyo horumarka dalka kuwaas oo aynu tusaaleyaal usoo qaadan karno Mayorka Magaalada Borama, Mayorka Magaalada Oodweyne,Mayorka Magaalada Berbera iyo  dhamaan dhalinyaradii loo dhiibay xilalka kala duwan ee hogaamineed oo ciyaaray Door Muhiim ah.Waxay dhamaantood muujiyeen Hawlkarnimo,Daacadnimo iyo Shaqo ku dhisan cilmo iyo Caqli suuban,Waxaanay Fariin cad oo marag ma doonta ah u gudbiyeen dhamaan dadkii shakiga ka muujinayay in dhalinyadu aanay hanan Karin mansabyada Hogaamineed.

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxa la gudboon dhalinyarada Somaliland in ay  Caawiyaan Dhamaan Dhalinyarada xilalka hogaamineed  ka haysa Dawlada si loo muujiyo Awooda iyo Kartida ay u leeyihin xataa in ay Hanan karaan Mansabyada uugu sareeya ee Dawladnimo Sida Wasiir,Madaxweyne iyo Hogaaminta sarre Ee Dalka.

Waxa kale oo dhalinyarada reer Somaliland la gudboon in ay jabiyaan Caqabada uugu weyn ee Dalka Haysata oo ah Qabyaalada.

Guntii iyo gunaanadkii Hankii iyo Hamigii dhalinyarada Somaaliland shaki kuma jiro inay fooda saareen jidka hiigsiga iyo hayaanka damaca siyaasiga ah ee ay xaqa u lahaayeen oo mudooyin badan caqabaduhu ka hor taagnaayeen.

 

Qalinkii:

 

Cabdilahi Maxamuud Xassan

Muwaadin Reer Somaliland ah.