Halyeeyo Horumarka ku Hawlan iyo Shakhsiyaad Haybnimo u Heegan! – W/Q: Cabdirasaaq Askar

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Hiigsashada horumarka ummadeed iyo Qaran waxaa la gaadhi karaa oo kali ah marka laga xoroobo ku dhaqanka iyo Kool-koolinta Qabyaalada iyo Qabiil jeclaysiga. Haddaba, horumar maxaa la odhan karaa? Haddii aynu dib ugu noqono labada erey ee ay ugu yeedhaan reergalbeedku oo kala ah “  Culture” oo qolooyinka Jarmalku hormoodka u ahaa ay u isticmaali jireen iyo “ Civilization” oo iyana ay u adeegsadaan qolooyinka kale ee uu Faransiisku hogaaminayey. Dhinaca kale , qolooyinka carbeed ama afka carbeed ayaa waxay ku tilmaamaan Horumarka inuu yahay ; Xadaarad, Saqaafa iyo Madaniya.

Haddaba, raasamaalka ummadi ay ku horumari kartaa waxaa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin: Dhul, Dadka iyo wakhtiga. Dhinac kale haddii aynu ka eegno haddii ay ummadi hesho shantan qodob ee soo socda waxaa la saadaaliyey in ay gaadhi karto horumar taama. Waxaana kamid ah qodobadaa; 1)  Dhul:  laga faaidaysto waxa gudihiisa ku jira iyo waxa dulsaaranba. 2) wakhtiga :  wakhtiga oo laga faaidaysto oo aan la lumin 3) Dadka:  dadka oo fakira oo aqoontooda ka faaideeya 4) Maamuul dawladeed: inuu jiro nidaam maamul oo shaqaynayaa 5) Taabacaad/Ogolaanshiyo: dhaqan ogol ashyaada ama qodobada  aynu soo sheegnay.

Haddii aynu dib u milicsano qodobadaa aynu sare kusoo xusnay ,  waxaa ugu muhiimsan uguna horeeya in ay leedahay ( Human resources) dad cilmi, aqoon iyo xirfado leh oo si wadajir ah uga hawlgala wakhtigoodana u hura horumarka dalkooda . tusaale haddii aynu usoo qaadano Dalka Japan malaha wax khayraad dabiiciya (Natural resources) haddana, waxa uu kamid yahay ama uu kujiraa safka hore ee wadama hogaaminaya horumarka aduunka. Waxaana uu dhab ahaan ka faaidaystay  dadkiisa oo la yimid midnimo iyo iskaashi iyaga oo adeegsanaya xirfadahooga aqooneed.

Dhinac kale , horumarka waxaa cadawga kowaad u ah Qabyaalad  oo iyana dhasha tafaraaruq ku yimaad bulsho-waynta guud ahaan , natiijadeeduna ay ku dambayso dib u dhac dhinac walba leh oo saamayn kakan ku yeesha bulshada guud ahaan iyo waliba carqalado ku yimaad habsami u socodka hawlaha dawladnimo.

Sidaadarteed,  haddii aan usoo noqdo ujeedada aan kalahaa maqaalkaygan ee igu kalifay inaan ummadda usoo bandhigo waxay tahay; arimaha baryahan dambe rag waaweyn oo aqoon iyo cilmiba u saaxiib ah loona baahnaa inay dalkooda iyo dadkooda ugaga faaideeyaan, ayaa waxaa kasoo burqanaaya odhaahyo iyo abaabulo qaloocan iyo xulafaysi qabyaaladaysan oo ah runtii foolxumo shacabkani ka korey oo hadda ay ka bogsadeen boogihii dhaawac ee hore ugasoo gaaadhay . 16 August 2014 cabaaro 10 kii aroornimo ayay ku beegnayd markii rag Dhakhaatiir iyo Aqoon-yahan kaleba  lahaa iyaga oo jooga hoteelka SABA ee magaaladan Hargeisa ay ku mashquulsanaayeen hab-dhaqankan khariban ee aynu sare kusoo xusnay, waxay ahaayeen ragaasi Indheer-garadkii dalka ee loo baahnaa in ay ka qayb qaataan horumarka balaadhan ee xawliga ku socda ee ay hormoodka ka tahay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo) .

Gabagabadii;  waxaan  hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland ee jecel in ay ka qayb-qaataan horumarka dalkooda ka socda islamarkaana aan dhagaysan hadimooyinka qabyaalada ku dhisan ee ay la dhex-wareegayaa ashkhaasta horumarka ku bukoota. Halyeeyada Xukuumada Axmed Siilaanyo ee Horumarka balaadhan dalkooda u hureyna waxaan leeyahay hambalyo halkaa kasii wadda.

 

Wabilllahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,Somaliland