Halkaynu u Bugnaa, Yaase Bogsiin kara? – W/Q: Suleyman Cabdisitaar

suleiman

Inkasta oo jamhuuriyada Somaliland tirsanayso sanadkii 22aad waqtigii dib ula soo noqoshada qaranimadii inaga habowday 1960kii, hadana ma dadaal yara madaxdii afarta ahayd ee xilka iska bedeshay tan iyo waagaas, marka la eego geyigan Afrika gaar ahaana geeskan afrika ee mashaqooyinka iyo dagaaladu aafeeyeen mudadaas.

Waxa labadii sano ee bilawga qarankan u ahayd gadhwadeen ahaa Alle naxariistii Jano ha ka waraabiyeeCabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur),inkkasta oo uu waqti adag la kulmay hadana wuxuu ku dadaalay inuu qabto shiraar nabadgelyo iyo isuimaaansho bulsheed isla markaaana wuxuu suurageliyey inuu mudadii lagu heshiiyey uu doorashadii ku qabto.

Waxa isna 1993 xilka tirsaday Alle isna ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo dalkan ka hirgeliyey nabadgelyo taama waxaanu alifay fikirka in dalkan lagu dhaqo hanaanka dimuqraadiga ah oo xisbiyo hogaamiyaan waxaanu ku guulaystay in dalkan loo sameeyo lacag, passport iyo dastuur u gaar ah oo loo codeeyey.

Waxa Cigaal dhimashadiisii 2002 mayalka u qabtay dalkaMadaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo fuliyey nidaamkii xisbiyada badan isla markaana qabtay ilaa afar doorasho oo intooda badani u dheceen six or oo xallaal ah , wallow dibudhacyo koobani ku yimaadeen iyo inuu sadex xisbi u xidhay saaxada siyaasada, waxaanu dhidibada u sii aasay nabadgelyadii jirtay isla markaana wuxuu horumar ka sameeyey mashaariic badan oo mudaduu xilka hayay dalka ka fuliyey.

Madaxweynaha Hada mudane Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) oo hada xilka haya 2 sano iyo dhawr bilood ayaa isna mudadaas kooban ku qabtay horumar firfircoon, wuxuu sare u qaaday dhaqaalaha dalka,  waxaanu lacagta Somaliland gaadhsiiyey gobolada bariga oo ay mudadaas Somaliland jirtay ka aradnaa, wuxuu dabarkaa ka furay furashada ururad siyaasada, isla mudadana wuxuu xoogaa horumariyey garoomada diyaaradaha, iyo wadooyinka waxaana laga dhursugayaa 3da sano ee hadhsan waxa uu ku qabto.

Hadaba wallow dalku marayo marxalad wanaagsan hadana maynaan gaadhin meeshii in badan oo dadkeena ahi ay doonayeen, waxaad ka warqabtaan ardayda kumanaanka kun ah ee sanad walba jaamacadaha dalka ka soo qalin jebinaya iyo tobanaanka kun ee kale ee iyagoo dhameeyey dugsiyada sare aan shaqo qaran iyo mid gaara toona helin isla markaana aanay u suuragelin inay jaamacado dhigtaan dhaqaale darteed, iyadoo qalinjebinta ardayda jaamacadaha intaas leeg aan wax qorshe ah loo hayn iyaagoo qarankoodii ku hoos qalin jebiyey madaxdii dalka ugu saraysayna kala qayb gelayso iyagoo hadal aan loo baahnayn ka yidhaahda hal ardayna aan ka shaqaalaysiin mid kamida jaamacadaha.

Waxaydun ka dheregsan tihiin dayaca iyo daryeel la’aanta haysata deegaankeenii nolosheenu ku xidhnayd oo xaaluf, nabaadguur, carro guur iyo biyo la’aani halakaysay, sanad walbana abaaraha iyo biyo la’aantu tahay qaylada keliya ee aynu ka sugno xoolodhaqatada iyo reer miyigeenaba waqtiyada xagaaga iyo jiilaalka dabayaaqadooda, isla markaana aynaan danayn wax-soosaarka dalka bad iyo beriba iyadoo ay tahay tiirka keliya ee dhaqaale ee dalkani ku kaban lahaa.

Waxaad ogsoon tihiin dadka danyarta ah een awoodin noloshooda inay kafeeyaaan iyagoo magaalada dhex degen, ee maalin walba loo daadgurayo geeri go’anta aanay nolol ka suuragalayn ee ka aradan biyaha iyo laydhka isla markaana dhaxanta iyo kulaylka labadaba aan lahayn waxay ka dugsadaan, ee aanay madaxdii halkaa geysay dib uga wardoonin iyagana xaalkooda ilaahay uun og yahay, Alle haw naxariistee Gaariye ayaa isagoo dadkan ka hadlaya yidhi :- “Dad haduu is toydana, Danyarbaa Sokeeye leh,  dugsigeenu way-yaga”

Inakoon ka war la’ayn dayaca wadooyinka magaalooyinka waaweyn iyo kuwa isku xidhaba isla markaanaa aanay jirin wado cusub oo inta la dhisay isku xidha laba magaaalo oo ka danbaysay taa hore u jirtay, iyo qorshayn xumada magaaalooyinka ee aad arkayso meelo magaalada ka baxsan ilaa 10KM oo qorshaysan ee meeshii shilingalaaba la qorshaynayo taas oo sababysa magaaalooyin six un u dhisan iyo ta ugu weyn oo ah baabiinta deegaanka iyo dhirta.

Adigoo ogsoon kumanaanka kun ee dhalinyarada iyo waayeelkaba isugu jira ee  markay dalkoodii hooyo ka Rajo beeleen u tahriibay debedaha ee in badan oo ka mid ahi ay ku le’deen saxaraha iyo badda ama jeelal dawlado shisheeye ku jira oo aan la ogayn.

Inakoon iska indhotirayn musuqmaasuqa iyo maamul xumada ragaaadisay inta badan haykalkeena bulsho iyo haayadaha dawladeed iyo kuwa aan dawliga ahaynba ee aan marqudha ka daahirayn Xatooyada, Eexda, Qaraabo kiilka, kujiqsiida, kuxumee hebel iyo qabyaaaladaysiga oo intuba ay calaamad u tahay u bisayl la’aanta nidaamka maamul ee casriga , qeexid la’aanta kalaqaybsanaantaa shaqo ee dawligaaa, shaqo la’aaanta baahsan iyo mushahar yaraanta dawlaadeed, taasina waa shaqadeenii sida  uu leeyahay Suldaan Timacade “Musuqmaasuqu maa Somali meheradeediiye’’

Inakoo horseednay nidaam dadka dalkan u dhashay oo dhan ay ku soo ururaan degaana caasimada isla maraaana ganacsigooda iyo shaqooyinkoodaba keenaaan caasimada, taasina waxay sababtay in magaalooyinkii waaweynaa oo dhami isubedelaan cidlo cid kasta oo dhaqaalohoodu kor u yara kacaana ay u soo guuraan caasimada, tana waxaa sabab u ah in ay caasimada ka wada helayaan adeegyaadii dawladeed iyo ganacsi ee y u baahnaayeen oo waxa wanaagsanaan lahayd in saddexda waaxood ee dawladeed ee kala ah (Sharcidejinta, Xukuumada iyo garsoorka) in la dejiyo xarumohooda guud midba magaalo muhiim ah si ay iyaguna u dhismaan tusaale ahaan dalka South Afrika oo aahirkiina noqday dal aanay magaalooyinkiisa waaweyni kala dhicin.

Iyadoo aaanay inaaga qarsoonayn safafka dhaadheer ee habeenkii saqda dhexe hooyooyinka iyo caruurtu jirikaamada kula buuqsan yihiin meelaaha biyaha laga dhaansado ee magaalooyinka waaweyn iyo gaar ahaan caasimada oo 70% ay biyo aan nadiif ahayn ay cabaan oo dooxyada iyo meelo aan wanaagsanayn laga soo dhaamiyo inta hadhsana ay intooda badani aanay helin biyo joogto ah oo nadiifa iyadoo aan la waayin biyaha laftoodii halkii laga soo saari lahaa.

Dhankaa kalena inakoo maankaa ku haaynaa 60 ka milyanee dolar ee bil walba iyadoo lacag cadaaana  dalka Ethiopia qaad kaga soo iibsano oo haduu faa’iido leeyahay dhib kkuma jireene bulshadeenii ka dhigay mid nolosha ka dhacday oo aan shaqo guud iyo mid gaar midna qaban oo keliya fadhiga ku   mana-awaala riyooyin aan jirin, Ethiopiana ma ogola in ay wax inagaga bedelato tusaale ahaan inay milixda badeena inaga iibsadaan.

Waxaan kale oo jecelahay inaaan iftiimiyo siyaasada dalkeena ee hebeladu isu muuqdaan ee ay saldhig u tahay qabyaalada iyo mindi mindi ku taagtu, oo aad moodo in siyaasi kasta ay maankiisa ku jirto anaaninimo danaystenimo ah ee aanay marnaba kaaga muuqanayn dantii ummadu iyadoo nin waliba maalintuu dan leeyahay ku kacsada awrkiisa maalintaana wuxuu sidaa afkaar iyo fikir nooc ah oo aan kiisii ahayn oo waa kii alle haw naxaariisteeGaariye inooga digay arintan ee lahaa “ inta hebelba hebel saaranyee, dhiriq ku saydhaayo, iyana waa su’aal idin hortaaal, sidaad ka yeeshaaan”

Inagoo sugayna inoona qorshaysan tahay dalkeenan yare ee aan haysan dhaqaale kafayn kara doorashooyin sanad walba dhacaya tusaale ahaan:                                                                                             sanadka 2012= Deegaanka, 2013 = Wakiilada, 2014= guurtida, 2015 = Madaxtooyada,     taas  oo aan aduunyada kale ka dhicin ee dhaqaalaha haysa, sidaaa daraadeed si aynu dhaqaale aahaan u badbaadno loo baahan yahay in la mideeyo.

Intaas oo dibu dhac iyo dhibaato ah anigoo filayaa inaynu isla gaarwaaqsanay maxay idinla tahay? Ma idiinla muuqataa dalkan inuu daawo u yahay Hogaamiye keliya arka  kursiga? Miyaad isleedihiinse hogaaamiye qabiilkoodu wato oo kursiga la keenaa iyagiina kaa amarqaadanaayaaa inuu hormood inoo noqon karo?  Nin isaguse kursigan u raadsaday kuxumaynta hebelo miyuu qaran dhan hanan karaa?  Ma kula tahayse waynu u baahanahay ninaan garanaynba baahideena iyo halka aynu u  bugno?

Isku soo duuboo dalkani wuxuu u baahan yahay, Hayin Hawl kara oo hogaamiya, dareema, daryeela  oo daadihiya, Hanaanshe hamigiisu yahay horumarinta dadkiisa, dalkiisa iyo dawladnimadiisa, waxaynu u baahanahay Barbaarshe bulshadu u siman tahay oo barwaaqo ina gaadhsiiya, Gaadh haye gudoon adag oo garasho badan, aqoonyahan aduunyada yaqaan oo Aamina, midaan musuqin maalka aynu midigta ka saarnay, midaanay u muuqan mulkiga umada oo ka maarmay,  madaxweyne marwadiisa iyo inta umadan qoyskiisa mareeg kaga adkeeya maamulka dalka ee isaga lagu maamuusay, madaaxweyne majaaraahaa u qabta madaxda ka hoosaysa, waxaynu baahanahay mid aynu ku baahi baxno, aduunka kula beratano gudahaana inoo bila oo ku baraaarugsan boogaha aynu leenahay ee aynu u bugno una biyeystaa sidii aynu uga bogsan lahayn.

 

Wixii aan saxay Eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh

 

Qormadii iyo Qalinkii

Suleymaan  Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com

00252-2-4430873