HADHWANAAG – HEEDHE MAY MAQLAYSAA?

Waxaan  marka hore  si  xushmad leh  u salaamayaa  dhamaan  bulshada Somaliland siiba Saxaafadda Xorta ah oo  mowqif wanaagsan oo dhex-dhexaad ah iska taagay gardaradda Hadhwanaagnews. Waxaad   muujiseen   waayo aragnimo iyo bisayl mihnadeed. Waxa  la dhaafay waqtagii wiil yar oo  qalin sitaa  Madaxda ugu hanjabi jiray “  Jeebka baadh  ”  haddii kale shaadhkaan ka  wasakhaynayaa.  Horaantii  bishii Dec ,2018  waxaan  Xafiiska Hadhwanaagnews  ee Toronto goor maqreba  kula kulmay Axmed Naasir Jibril. Waxa dibedda igu sugaysay  xaaskayga oo gaadhiga ku dhex jirtay waqtigaas oo qabow iyo baraf badani dhacaayay. Axmed Nasir wuxuu iiga waramay xaallaadiisa  dhaqaale iyo kirooyin lagu leeyahy waxaanu iga codsaday inaan taageero  joogta ah uga raadiyo dawladda  . Wuxuu ii sheegay inay Puntland iyo Somalila ay taageero dhaqaale u fidiyaan Saxaafadooda  sidaa awgeedna aanay war xun uga qorin  xukuumadahooda. Codsigaa Axmed Naasir kumaan qancin , si deggana waan  uga  ka cudur daartay . Dhawr jeer  oo danbe   telefoon ayuu igula soo xidhiidhay balse kamaan qaban .

Hadaba, maanta oo  ay taariikhdu tahay 4/9/2019,  waxay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex   xayiraad dul saartay Hadhwanaagnews. Waxaan Hay’adaha Garsoorka  u gudbiyay dacwad  nuxurkeedu  yahay shakhsi weerar  & sumcad dil “ Defamation &  character Assassination ”.

Waxaan dacwadda kusoo oogay  Mulkiilaha Axmed Nasir  Jibril iyo Tafatiraha Abdirazaaq Goud oo  deggan Hargeisa. Haddii  denbigaasi   ku cadaado ,ciqaabto  waa xadhig dheer iyo ganaax lacageed. Axmed Naasir waxa la gudboon inuu Hargeisa yimaado  oo  si raganimo leh isu difaaco. Haddii aad maqnaato,   waxa  la qaban doona “ Trial in Absentia”, xukunka kasoo baxana waxa lagagag sheegi doona “ Radio Hadhwanaag” oo ka hadasha mawjadaha gaagaaban.  Ugu danbayna  waxaan ku leeyahay “  Lixdan baan jiree    yaan indhaha laydhi kaa marin”