Haddii aad aaminto garsoorka waad gaadhaysaa Cadaalad iyo u-sinnaanta Sharciga – W/Q: Garyaqaan Cabdikariim Maxamuud

Caddaalada ayaa umadda oo dhan wada deeqda marka ay helaan, haddii aan cadaaladi jirna waxba ma hagaagayaan oo nidaamka dawladnimo ma noqonayo mid shaqaynaya kala danbaynta ayaa baaba’aysa.

Sida aan la wada socono nidaamka maamul ee dalkeenu raacaa waxa uu ka kooban yahay saddex awoodood oo iskaashanaya isna dheelitiraya waxaanay kala yihiin sidan :

1. Waaxda sharci dejinta  (Guurtida iyo Wakiilada)

2. Waaxda fulinta iyo

3. Waaxda Garsoorka

Saddexdaa waaxood ama awoodood oo leh wada shaqayn balaadhan  waa habka uu ku dhisan yahay nidaamka maamul ee dalkeenu.

Haddaba waxaan doonayaa inaan maqaalkaygan ku soo qaato waaxda garsoorka oo ah waax balaadhan una kala baxda qaybo badan sida maxkamadaha degmooyinka, gobolada, racfaanada iyo maxkamada sare iyo ta ciidamada oo gaar ah waxa ayna ka shaqeeyaan ee  uu maandaytkoodu yahaywaa ka garniqida dacwadaha ka dhaca bulshada dhexdeeda, dawlada dhexdeeda ama bulshada iyo dawladaba.

Waxaan la iska indho tiri karin inuu mararka qaar khaladaad ka dhici karo maadaama ay yihiin bani aadam oo aanay malaa’ig ahayn dadkan ka hawgala goobahaas aan soo sheegnay. Cadaaladdu waxa ay imanaysaa marka aad aaminsan tahay nidaamka iyo sharciga dalkaaga waayo cadaalad darada dadka ayaa abuura iyaga oo shaki ama sas ka qaba inay si cadaalada ku helayaan xaqooda, waxaad arkaysaa qof garta xukunka meeshaas ka soo baxaya isagu helayaa ama waxa la isku hayo og inuu isagu xaq u leeyahay oo inuu garsooraha, qareenaka  ama  kaaliyaha intuu u yimaado odhanaya adeer/eddo waxaas qaado oo kiskaa iga hagaaji, waxaana waxa ugu wacan isaga oo aaminay in aanuu kuu galaysanayn kiiskaa haddii aanuu laaluush siin cidda gacanta ku haysa dacwadiisa, ogay garsooruhu xaq uma laha inaad siiso gacan laab ee waxaad xaq ugu leedahay inuu kuu cadaalad falo.

Waxaan aad u dareensanay aaminsanahay in nidaankii garsoor/ cadaaladeed ee dalkeenu uu aad wacan yahay waayo waxaa saaxada soo galay dhalinyaradeenii jaamacadaha ka soo qalinjabiyay waxaanay iskaashadeen bahdii hore ee cadaalada waxan meesha ka soo baxday aqoontii casriga ahayd iyo waayo aragnimadii taasina waxay dhashay cadaalad iyo sinaan waanay sii dhali doontaa insha allaahu. Waxaan amaanayaa odayaasheenii hore ee ku sii jiray garsoorka oo waxbadan soo qabtay kuna simay dhalinyaradani inay halkaas ka sii ambo qaadaan.

Waxaa muddooyinkan danbe ka hawlgala maxmadaha wadaanka oo dhan dhalinyaro aqoon iyo kibrad badan (garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal) kuwaas oo dadkoodana ugu adeegaya cadaalad iyo u sinaan sharciga.

Waxaad arkaysaa dadkeenii oo caayaya waxna ka sheegaya maxkamadaha iyo cadaalada wadanka iyaga oo leh meesha cadaalad darro badan ayaa ka jirta. haa waa la arki karaa qof iyo laba samaynaya cadaalad darro ama musuqmaasuq laakin  taas macnaheedu maaha in dadka oo dhami wada khaldan yahay ama nidaamka meesha yaalaa uu wada xun yahay.

Bulshada waxaan leeyahay sidaas maaha ee waa in aaminnaa masuuliyiinta ku hawlan bahda cadaaalada, haddii aad la kulantay ama aad tirsanayso cadaalad  daro dadka oo dhan maaha ee waa cidda aad ka tabanayso uun khaladkaasi, ilaahayna waxa uu quraanka inoo sheegay inaan nafna dusha loo saaray oo aanay qaaday danbiga qof kale uu galay Bahda caddaalada waxaan u soo jeedinaya in ay dadka ugu adeegaan midka cadaalada iyo u sinaanta sharciga si dadkuna u aamino maxkamada iyo garsoorka wadankooda taasina waxay meesha ka saaraysaa shakiga iyo saska ku dhacay bulshada ilaahayna ha inagu hanuuniyo dariiqa toosan iyo sida ay cadaaladu ku jirto Dawlada waxaan u soo jeedinayaa in ay daryeesho oo ha dhawrto xaaladooda nololeed iyo baahiyaha haysta garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha dalka waayo garsoorku waa lafdhabarta nidaamka maamul iyo habsami socodka dawladnimada (good governance).

Allaa mahad leh

Allahayoow ka yeel dalka Somaliland degel Barwaaqo iyo Guri lagu negaado

Guul iyo gobonimo

Qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim Maxamuud Cabdilaahi

suldaancabdi4@hotmail.com

9042120