HADAL OO HEL IYO XUKUNKEEDA SHARCI

BARNAAMIJKA HADAL OO HEL IYO AXKAAMTIISA SHARCI.

Waxa isna la xukun ah barnaamijka shirkadda Coca cola – SBI- Hargaysa.

BARNAAMIJKA HADAL OO HEL IYO QAAB DHISMEEDKIISA.

Shirkadda Somtel waa shirkad bixisa adeegga isgaadhsiinta, gaar ahaan adeegga telefoonada gacanta iyo internetka.

Shirkaddu waxa ay muddo ka hor soo bandhigtay barnaamij ay ku magacowday “HADAL OO HEL”.

Barnaamijkani waa barnaamij ay shirkaddu ku bixinayso abaal marin maalinle ah iyo mid kale oo dhammaadka barnaamijka oo laba bilood soconaya lagu bixinayo.

Shirkaddu maalin kasta waxa ay bixisaa abaal marin dhan hal milyan oo shilin soomaalilaand ah, halka dhammaadka barnaamijkana ay bixin doonto qalabeyn guryo oo dhammeystiran.

UJEEDDADA SHIRKADDA EE BARNAAMIJKANI WAA: 

1- Inay shirkaddu macmiisheeda qayb ka mid ah ku celiso waxay ka iibsadeen.

2- Inay macaamiil dheeraad ah ku soo jiidato.

3- Sidoo kalena inay iibkeeda kor u qaaddo.

SHURUUDDA LAGAGA QAYB GELAYO TARTANKA ABAAL MARINTU WAA:

1- In macmiilku telfoonkiisa shirkadda ku shubto ugu yaraan 0.25 dollar muddada barnaamijku socdo, isla markaana isticmaalo.

2- Qiimaha adeeggani kama duwana qiimaha caadiga ah ee adeegga shirkadda- sida ay ii sheegeen maamulku mar aan su’aashaas waydiiyey, ka qayb galkuna maaha mid ku xidhan niyadda qofka ee waa mid dadka oo dhan u furan. 

3- Qaabka loo soo saaro qofka ku guuleystay abaal marintu waxay u dhaceysaa si elektaronik ah, mishiin baa wareejinaya maalin kasta dhammaan dadkii 24 kii saacadood ee u danbeeyey lacag ku shubtay, ka dibna number ayuu is dultaagayaa, qofka numberkaas iska leh ayaa lala xidhiidhayaa loona sheegayaa inuu abaal marintaas helay.

Intaasi waa suureynta qaabka barnaamijkani u shaqeeyo iyo ujeeddadiisa.

ANIGA IYO MASALADAN?

Arintan dad badan ayaa is waydiiyey xalaalnimadeeda sharci, sidoo kale culimada qaar ka mid ah ayaa sheegay inaanay banaanayn oo ay qamaar tahay.

 Marar badan ayey dad kala duwani wax iga waydiiyeen, sidoo kale waxa ila soo xidhiidhay maamulka shirkadda oo wax iga waydiiyey, waxaanan u sheegay inaanan ka jawaabi karin ilaa aan baadhitaan ku sameeyo, waxay u tageen Sh, Muxamed Cumar Dirir, isna waxa uu u sheegay inay guddida culimada ee bangiga Dahabshiil waydiiyaan, maadaama oo somtel ay ka mid tahay group-ka dahabshiil, sheekha ayaa ii sheegay arintan.

Intaas ka dib waxa aan go’aansaday inaan arinta baadhitaan ku sameeyo, gunteeda sharcina wax ka idhaahdo.

QAWAACID GUUD:

Waxa jira qaaciidooyin sugan oo culimadu ay u celiyaan, halbeegna uga dhigaan marka ay ka hadlayaan arimaha mucaamalaatka guud ahaan, gaar ahaan kuwa maaliyadda iyo ganacsiga, waxaana ka mid ah:

1- Qaaciidadan (الأصل في الأشياء والعقود والشروط الحل والإباحة), ama (الأصل في المعاملات الإباحة), oo macnahoodu yahay: “mucaamalaatka, shuruudda iyo heshiisyada waxa asalkoodu yahay xalaalnimo” waxa looga jeedaa shay kasta oo mucaamalo ah oo aan cibaado badhax tiran ahayni wuu banaan yahay oo asalkiisaa banaani ah, ilaa laga helayo daliil sharci oo xaaraantinimeeyey, tusaale ahaan khamriga waa la cabi jiray bilowgii hore ee islaamka, lamana diidin ilaa nusuus quraan ahi ka soo degtay oo xaaraantimeysay.

2- Wax yaalaha sharcigu xaaraantinimeeyey culimadu markay diraasadeeyeen waxa ay u celiyaan sababa loo diiday qodobadan: 

1) Dulsaarka – oo loo xaaraantinimeeyey dulmiga ku jira awgeed.

2) Bakhtiyaa nasiibka- oo loo diiday khasaaraha la hubo ee labada dhinac midkood ku dhacaya awgii.

3) Kedsiimada iyo hubaal la’aanta- oo sharcigu u xarrimay qarsoonida cidhibta danbe ee mucaamalada.

Arimahani waxa ay noqon doonaan kuwa aynu u cuskano xukunka masaladan ina hortaalla, inagoo sidoo kalena soo guurin donna culimada waaweyn ee Islaamka ee wakhtigani masaladan iyo kuwa la midka ah waxa ay ka yidhaahdeen.

Qaab dhismeedka baxsigan

Intaanan gabogada tarjumaddan yar u gudbin aan idinla wadaago muuqaalka guud ee baxsigani u yaalo:

1- Gogol dhig iyo qeexid – تمهيد وتعريف

2- Muuqaalka masalada – صورة المسألة 

3- Sheeko- waxa u dhexeeya daliilka iyo adeegsigiisa – قصة—بين الدليل والإستدلال

4- Manhajka cilmi baadhista منهجية البحث –

 5- Gabogabada iyo natiijada baxsiga الخلاصة والنتيجة –

6- Ka jawaab celinta ishkaalaatka الرد على بعض الاشكالات – 

7- Dardaaran iyo talooyin توصيات ونصائح – 

8- Ilaha cilmi baadhistan مصادر البحث – 

9- Cilmi baadhaha بحاحث-

NATIIJADA BAXSIGA:

1) Baxsiga aan masaladan ku sameeyey oo carabi ah, kana kooban 9 bog, iskuma aan taxaluujin inaan dhammaantii wada tarjumo, hase yeeshee si qofka u baahan inuu masaladan dhuuxo oo waxa xukunkan loo cuskaday ogaadaa uu u helo baxsigan, waxa aan isaga oo carabi ah oo dhammeystiran ku baahin doonaa baraha internetka, waxa kale oo xusid mudan inuu baxsigu ku soo bixi doono majallad caalami ah oo dhaqaalaha islaamka wax ka qorta soona baxda bishiiba hal mar kana soo baxda dalka Baxrayn

2) Barnaamijka hadal oo hel markaan qawaacidda sharci ee kor ku xusan ku qiimeeyey, fatwooyin kala duwan oo culimo waaweyn oo caalamka islaamka laga yaqaano dhuuxay, wixii madmadow geli karo oo dhan aan waydiiyey maamulka shirkadda, waxa ii soo baxay oo natiijada baxsigu noqday inay camaliyadaasi banaan tahay.

3) Usuusha sharcigu wax ku xaaraan tinimeeyaana aanay ku dareerayn, qamaar kuma jiro oo qamaarku waa heshiis dhex mara laba dhinaca oo midna wax helayo midna khasaarayo, hadal oo hel cid khasaaraysaa kuma jirto, waayo qofka iibsada units uu ku hadlo lacagta uu ku shubtay kama lumayso xataa haddaanu abaal marin helin, oo isagu marna khasaare ma joogo, hadduu abaal marinta helona waa dheeraad uu helay, 

4) Arintan waxa saameyn ku leh oo ay tahay in laga dhowro, dhowr arimood:

1- Waa in qiimaha lagu iibsanayo units-ka abaalka lagu helayaa aanay ka qaalisanayn qiimaha caadiga ah ee qof kastaa marka uu lacag ku shubanayo wax ku iibsado- qodobkan markaan maamulka shirkadda waydiiyey waxay ii sheegeen inaanay qiimaha waxba ka bedelin.

2- In macmiilku aanu lacagta ugu shuban aad abaal marinta ku heshid, haddii uu lacagta ugu shubto aad abaal marinta ku heshid iyadoo aanay jirin baahi uu u qabo inuu telfoonka adeegsado, arintaasi waxa ay noqon kartaa israaf iyo xad gudub sharci oo denbigeedu ku kooban yahay macmiilka, hase yeeshee xukunka sharci ee barnaamijka hadal oo hel ma saameynayo.

5) Caalimka wayn ee Muxamed Ibn Salix Alcuseymiin – Alle ha u naxariistee- mar la waydiiyey su’aal noocan oo kale ah waxa uu sheegay qaaciido uu ku tilmaamay inay tahay halbeegga musaabaqaadka abaal marinta lagu qaato, qaaciidadaas oo macnaheedu yahay “Haddii qofka heshiiska ama camaliyadda galay uu u dhexeeyo inuu faa’iido ama khasaaro, wax helo ama wixiisii waayo, waa qamaar, mana banana, haddayse tahay in qofku uu u dhexeeyo inuu wax helo ama aanu waxba helin, isagoon wixiisii khasaarin, qamaar maaha waanay banaantahay”

 6) Barnaamijkan hadal oo hel iyo barnaamijka u dhow ee shirkadda SBI , barnaamijyo la mid ah oo la waydiiyey Sh. Muxamed ibn Saalix alcusaymiin, Guddida joogtada ah ee Hay’ada culimada sucuudiga, Sh. Dr, Yusuf Alqardaawi, guddida sharciga ee bangiga wayn ee Dubay Alislaami iyo lajnadda shareecada ee hay’adda maaliyadda ee kuwayt , waxa ay isku raaceen xalaalnimada barnaamijyadaas la waydiiyey.

7) Qormada baxsigan waxa aan u bandhigay oo qaarna gacanta uga dhiibay qaar kalena email ugu diray culimo badan oo dalka gudihiisa iyo debeddiisaba jooga, soomaali iyo carabba leh, waxa baxsigan ka soo jawaab celiyey ilaa imika:

1- Sh. Muxamed Sh. Cumar Dirir oo aad u ammaanay baxsiga natiijada baxsigana ila qaatay, sidoo kale talooyinka baxsigu xusay adkeeyey.

2- Sh. Dr, Abdulbari Mashcal – waxa uu ammaanay baxsiga waxaanu waafaqay natiijada iyo gunaanadka xukunka ee aan gaadhay, Dr, Abdulbaari waa caalim ku takhasusay mucaamalaadka maaliyadeed, waana qoraa can ah, waa gudoomiyaha shirkadda Raqaba ee ka talabixisa arimaha shareecada ee bangiyada iyo ganacsiga xarunteeduna tahay Kuwayt, sidoo kale waa xubin ka tirsan golaha culimada ee dejiya halbeegyada sharci ee bangiyada islaamku ku shaqeeyaan AAOIFI Shari’a Standards

3- Prof, Samir Mudahar Kantakji oo ah khabiir ku takhasusay mucaamalaatka maaliyadda islaamka iyo dhaqaalaha, kutub baddan oo caan ahna qoray, sidoo kale waa tafatiraha majalladda caalamiga ah ee dhaqaalaha islaamka ka hadasha, isagoo fariin qoraal ah i soo gaadhsiiyey sheegayna in baxsigani yahay mid aad u qiimo badan, maamulka majaladduna ay u aqoonsadeen inuu mudan yahay in majalladda cadadkeeda soo socda lagu faafiyo, iyagoo iga codsaday inaan arintaas ka ogolaado.

4- Sh. Dr. Khadar Cumar Jaamac oo ka mid ah golaha imaamyada muslimiinta Mareykanka, Jaamacadda GTF- professor ka ah, isagoo baxsiga aad ula dhacay, natiijadana waafaqay.

5- Sh. Muxamuud X. Yusuf – Garoowe , Sheekhu jawaab qoraal ah ayuu ii soo diray, telfoonkana waa igala soo hadlay, waxaanu xusay inuu meelaha qaarkood igu khilaafsan yahay, in laysaga yimaado oo ishkaalaadka qaarkood laysla xaddidan ay fiican tahay.

6- Sh. Muxamed macalin Axmed, sheekhu waxa uu sheegay in arintan waxoogay madmadow ahi markii hore kaga jireen, hase yeeshee qaabka baxsigu u suureeyey iyo natiijada uu waafaqsan yahay, isagoo dhinaca kalena talooyin wax ku ool ah iga codsaday inaan maamulka shirkadda ka gaadhsiiyo. 

7- Sh. Faysal Cali Faarax, sheekhu waxa uu aad ula dhacay baxsiga iyo qaabka loo diyaariyey, waxaanu waafaqay natiijada baxsiga, isagoo sheegay inuu baxsigani buuxiyey kaalin bannaanayd, sidoo kalena daweeyey masalo taagneyd oo jawaab waafiya u baahnayd. 

8- Sh. Iimaan Muxamed Diiriye, sheekhu baxsiga iyo qaabka loo habeeyey aad ayuu u amaanay, sidoo kale waxa uu tilmaamay in natiijada uu waafaqsan yahay, marka laga reebo meelo ay ka mid yihiin niyadda macmiilka iyo saameynta ay xukunka ku yeelan karto, taasoo uu jecel yahay inuu baadhis dheeraad ah ugu laabto, weli u dhiman tahay.

9- Sh. Ibrahim Hirsi Galow- oo si buuxda u waafaqay natiijada baxsiga, talooyin wax ku ool ahna u soo jeediyey shirkadaha.

10- Sh. Ahmed Cabdisamed Cabdulle – sheekhu waafaqaada natiijada ka bacdi waxa uu soo jeediyey mulaaxadaad iyo talooyin wax tar leh.

11- Sh. Abdalla Nuur , Abul fadli oo xubin ka ah golaha imaamyada muslimiinta ee Mareykanka, waxa uu si buuxda u waafaqay natiijada baxsiga.

12- Culimada ii sheegay inay jawaab igu soo celin doonaan welina aan sugayo waxa ka mid ah:

1- Sh. Dr. Faysal Muxamed Cali. 

2- Sh. Dr. Axmed Muxamed Imaam.

3- Sh. Dr. Axmed Jamac Ismaaciil

4- Sh. Cabdirizaq Xuseen Cali (Albaani).

5- Sh. Ciise Muxamuud Cabdilaahi. 

6- Sh. Muxamed Cali Gadhle.

Natiijadani waa waxa iiga soo baxay baadhitaankayga, waa aragti, in laygu khilaafaa ay suuro galtahay, waxaanse rajeynayaa ciddii su’aal ka qabtaa inay marka hore si fiican u dhuuxdo baxsiga oo ah kan carabiga ku qoran, halkanna ku lifaaqan.

Dardaaran iyo talooyin

1- Waxaanu maamulka shirkadaha guud ahaan u dardaarmaynaa inay ganacsigooda ka dhowraan beenta iyo khiyaamada, Alle ka cabsadaan oo ku dadaalaan ka run sheegga shaqadooda, hadday wax iibinayaa, iibsanayaan amaba adeeg qabanayaan.

2- Inay ku dadaalaan waxyaalaha waxtarkiisu bulshada wada gaadhayo, anfaca guudna leh, halkaasna ka raadiyaan kalgacaylka bulshada iyo kasbashada quluubta macaamiisha.

3- Inay hubsadaan waxtarka dhab ahaaneed barnaamijyada hawsha badani gelayo

4- Waa in shirkaduhu dhowraan dhaqanka suuban ee islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada,

5- Inay hubsadaan saxnaanta sharci ee barnaamijyada iyo adeegyada ay soo bandhiyaan culimadana ka hubsadaan ka hor intaanay fulinta dhex gelin.

6- Waa inay ka dheeraadaan waxyaalaha dhaqanka suuban iyo shareecaduba aanay ogolayn sida inay barnaamijyooda xayeysiiska iyo xafladahooda ku soo bandhigaan heeso iyo muusik iwm.

Ugu danbeyn waxa aanu Alle waydiisanaynaa inuu wanaag dhammaantii na waafajiyo dhib iyo xummaanna naga dhowro labada daaroodba.

@**************************************************@

Sh. Abdulqani Hussein Muxamed – Beder

PhD – Dhaqaalaha Islaamka iyo Fiq-higa mucaamalaadka maaliyadeed

Email: bedercenter@gmail.com