HADAAN AHAY WASIIRKA GADIIDKA WAXA AY SHACBIGU IGA XADEEN BOBIL KAYGII AHAA NOKIA 3100

Aduunkan aynu ku Nool nahay waxkastaa waa ay kusoo marayaa ,malinkasta oo Noloshada ku biirtana waxa ay kuu kordhinaysaa wayo-aragnimo dheerada.

Madaxda Dawlada waxa aynu u dooranaa in ay Dadka iyo Dalka u shaqeyan , una noqdaan kuwo u Daacad ah ,lakiin waxa ad hada mooda in Aduunkii isbadalayo ,oo Dad waynahii ay iyagu u shaqaynayaan Madaxdii ,Shacbigu xaq ayuu u leeyahay in Dawladiisa iyo Madaxdiisa uu wax ka tirsado una waaya sheegto ,la hadla ku buuqa iyaga oo ka doonaaya in dawladu ay Waddo u samayso,Dhakhtaro u samayso iwm , balse hada waxaba soo Ifbaxaya in Madaxdii Qaranku ay gadheen heer ay maanta Shacbigoodii Tuug ku sheegaan.

Mahamud Binu Ramadan waa Wasirka Gadiidka ee Dalka Tunisia ,waxa uu malin malmaha ka mid ah ku tashaday madamaa uu yahay Wasiirka Gadiidka in uu soo kormeero Gadiidka ka dhex shaqeeya Casimada dalka ee Tunis si uu xog dheerada uga helo qaabka ay Dad waynaha ugu adeegaan.

Waxa uu soo racay si kadisa isaga oo aan cidna sii ogaysiin Bas kamida Basaska ka shaqeeya Casimada Dalka Tunisiya ee TUNIS ,isaga oo u kuur galaya bal in uu Indha indheeyo xalada basaska iyo Dadwaynahu waxa ay dhib ku qabaan, taasoo Dadwaynahu ay in badan ka cawdeen basaskaasi.

Wasiirku markii uu Baska soo koray waxa uu si caadi ah isaga fadhiistay Kuraastii Baska mid ka mid ah ,kadibna waxa uu fadhiistay Dad waynaha dhexdooda ,hadaba Wasiirku sidii uu kursiga u fadhiyay ayaa hal mar waxa uu wayay Qadar lacaga oo dhan 450 Dinaar iyo Mobaylkii uu sitay oo ah Nokia 3100 .

Wasiirkii aad ayuu u warwaray Hareerahiisa ayuu eegay Dadkii dhinacyada ka fadhiyay ayaa waxa uu waydiiyay, Mobilkaygii miyaa aragteen!! Lacagtaydii miyaad aragteen,!!waa la yaabay dad waynahii waxa ay fahmi wayeen wasiirkan dadkisii uu Maanta oo kaliya soo dhex fadhiistay ee hadana ay kasoo yeedhayso hadalada ah MOBIL KAYGII MIYAAD ARAGTEEN!! isaga oo marba qof jaleecaya.

Dadka Mobelada yaqana waa ay fahmi karaan Mobaylkasi Lanbarkiisu kor ku xusan yahay Qimaha uu maanta Aduunka ka tagan yahay ,balse Wasiirkii afka ayuu Furtay isaga oo leh Dadkuba waa Tuug. balse Jara-idka wadankasi ayaa qada dhigay arintan Wasiirkana waxa ay ku noqotay Canbaar ku taal .

Akhriste waxaa laga yabaa in Wasiirka Nin Tuugii ka xaday Qadarka yar ee kooban ee aynu kor kusoo sheegnay, balse waxaa dhici karta in Wasiirku uu Umada ka xaday Malaayiin Dolar ,hanti badan iyo Daaro badana ka dhistay ,balse dadku may ceebayn oo may odhan waa Tuugii WAYNAA lakiin waxa ay ugu yedhaan Sacadatal wasiir.

W.Q : Khadar Ibrahim Aar