Ha Faanin Intey 28 November Gaadheyso – W/Q: Ibraahim Keyse

Waxaan salaamayaa saxaafadda xorta ah

Marlabaadka waxaan salaamayaa dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland debed iyo gudaba

Had iyo goor waxaa aan qalinka qaataa markaan waxaan la yaabo Arko ama igu cusub

Hadaba waxaa maalmahan saxaafada ku soo noq noqonayey saadaasha sadexda Xisbi Qaran ee soo baxaya kaas oo dadku ka qiyaasayaan banaan baxyada xisbi ama urur walba maalintiisa dadka uu soo saarayo inta ay leegyihiin

Sidaa daraadeed waxaa ay dadku u badan yihiin inay yidhaah daan

A Ucid

B Rays

C  Waddani

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa dadka inay sugaan 28 November oo ay inaga xigto wiig kaliya

Waxaanan leeyahey taageerayaasha aad wax ku qiimaynaysaan mid walba way raacaan maalintiisa ee waxba ha ku qiimaynina

Ugu danbayntii waxaan inoo rajaynayaa in nabadgalyo inoogu dhacdo sadex xisbi qaran oo wanaagsana ilaahey inoo soo saaro

Shacbigana waxaan kula talinayaa in ay cidii lacag la ordaysaba ka qaataan balse ay u codeeyaan cid matali karta.

 

Qalinkii Ibraahim Keyse A/lahi