Gudoomiyaha Jaaliyada Carriga….. oo si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Hargeisa! – W/Q: Ceelaale

Isbeddello badan Ayaa nolosheena ku dhacey,Dhaqan badan Ayaa is bedelay,Dhinaca horumarka Talaabooyin loo qaadey ayaa Jira,sidoo kalena dhalan gediyo badan oo waayadan la arkey hore bulshada raga iyo Dumarka midba laguma arki Jirin.Aqoontiiba la bartey,haddana dad badan waxba u tari weydey oo Weli waa sidoodii,Jaahilkii Ayaa isu arkey in uu noolyahay Xili isaguba yahay ka keliya ee Noloshan looga baahan yahay,Dadkii aqoonta iyo Caqliga u saaxiibka ahaa Ayaa arimo badan faraha kala baxey in ay ku dhacaana diidey,Kuwaasi oo dusha ka daawanaya sida iyo Habka kuwii loo talin lahaa wax u wadaan.Sxbka wanaagsan iyo Ninka daacada ah ayaa la diidey xilkana laga qaadaa.Ka wax cunaya,Dadkana kala fogeynayaa Ayaa Fursad Masuuliyiintu u siiyeen in uu Talada gacanta ku heysto.Kuwaasi danbe ayey dadkeenu Rabaan oo ay Jecelyihiin,Shaxaad iyo Musuq maasuq iyo Dhacdhac Ayaa shicibka intiisa badani u soo toosaa kuna Seexdaa,Ma rabaan nin wax Adkeeya ama Joojiya.Dadkaa xun,Markaasa Dawladuna Xumaatey.

Xil iyo Maamul Jaceyl Ayaa dad badan karkaarki weydaariyey kuna sababey in ay Wax kasta u sameeyaan uguna Kacaan Kursigooda.Dad Kursiga ku wada ordaya,Xilna u wada hamuun qaba Ayaa buuxa.Ninkastaaba sidii uu wadankan siyaasadiisa u soo geli lahaa ama meel magac leh u qabsan lahaa ama loo baran lahaa Ayaa loo tafo xeydan yahay.Dad baa Xil iyo maamul loola yimi haddana iyagu iska diidey oo aan rabin,Kuwo kalena wey ku sii Yaacayaan iyaga oo aan xitaa laga Jecleyn maamulka iyo Siyaasada.

Horumar badan oo aynu gaadhney intii wadanka la soo galay lama Dafiri karo,haddana dadkeenaasi qaar badan oo ka mid ahi marka ay hadlaan waxaad Moodeysaa in ayna weligood Cilmi iyo Aqoontoona arag,Waxaad Moodaa in Jaamacada loogu soo Dhigey Qabiilka iyo Qabyaalada.Agaasime,Gudoomiye,La taliye,Wasiir,Maamule Ayaa loo baratamayaa.

Sannadihii ugu danbeeyey Waxaad Maqleysey Gudoomiyaha Jaaliyada Cariga,Gudoomiyaha Jaaliyada somaliland ee wax ka barata wadanka…………………………………… Gudoomiyahani Halku ku danbeyn doonaa Mustaqbalka.Ma waxa uu rabaa in si heer qaran ah loogu soo Dhaweeyo Somaliland,Ma waxa uu rabaa in Xilkaasi yahay Jaranjarta loo soo maro In aad caan noqoto ama Siyaasada laga soo galo.Gudoomiyaha Jaaliyada sidee lagu Magacaabaa,Maxaase Qasbey in Jaaliyadaha ama dadka wadan kale Jooga Gudoomiye loo Sameeyo ama sameystaan.

Tirada dadka qurbaha oo sii badaneysa una baahan maamul iyo wada shaqeyn,Qabiilka oo keenay in ninkastaa ninkiisa raadsado iskuna Xidhmaan,Isku duubnida Jaaliyada oo wadankoodana u fiican Wadanka ay ku noolyihiin ay tixgelin kaga Helayaan.Fahanka iyo barashada Shuruucda iyo Nidaamyada wadankan cusub,Horumarinta iyo Gacansiinta Qurbojooga cusub,Ilaalinta sharciyada,in dadka loo doodo,Soo dhaweynta Siyaasiyiinta,Isku xidhka iyo wanaajinta Cilaaqaadka bulshada iyo wadanka lagu noolyahay,ama dadka dhexdooda.Wacyigelinta iyo Wareysiyada.Dhaqaale uruurinta,Heshiisyada,arimaha Deeqaha oo Lala socdo,Qadiyada wadanka oo meelsare lagu hayo,dadka qurbaha ku nool is af garad iyo wada noolansho la dhex dhigo.Horumarka wadanka oo la xoojiyo laguna Xidhnaado iwm ayey qaban karaan.

Sidee haddaba loo doortaa Gudoomiyayaashaasi,Ma dawlada Ayaa ka danbeysa oo nin u xulato ama hoosta ka wadata,Ma isaga ayaa keligii is magacaaba oo isa sharaxa cidna lama tartanto,Sidee loo badali doonaa,Immisa sano ayuu heynayaa Jagadaasi,Khilaaf iyo kala fogaansho dadka la dhex dhigo oo Dhinaca qabyaalada ka socda ma laga dhaxley Gudoomiye Jaaliyadeed.Rag baa laga qaadi kari wayey oo ku dhagey Kuraastii laga casiley,una bartey in ay ku hadlaan Afka ama magaca Jaaliyada wadanka ay Joogaan.Khilaafyo dhinac Xafladaha ah Ayaana ka dhasha.Rag baa Siyaasada ka soo galay Gudoomiye Jaaliyadeed Qurbaha meereysanaya oo Marka uu wadanka imanayana odhanaya ha la iga horyimaado ama saxaafada la kulmaya una tagaya.

Ardeyda Asia ama Africa wax ka dhigata ee ku Maqan Degree ama Masters Ayaa beryihii ugu danbeeyey iyaguna sameystey Gudoomiyayaal.Wadamada Caanka ku ah in waxbarashada loo doonto sida Africa iyo Asia Ayaa laga sameeyey Jaaliyado dhinac ardeyda ah oo leh Gudoomiye.Sida loo doorto Gudoomiyaha,Wakhtiga uu heynaayo,Arinta Keliftey,Waxyaabaha sababa in Khilaaf soo kala dhex galo Ardeyda ama wada Shaqeynta Jaaliyada ardeyda ahi burburo iyaduna meesha kama maqna Qabyaalada ayaase hogaamineysa.Seniors iyo Nin is magacaabey ama Nin Rag kale wataan Ayaa iska Noqon doona Gudoomiyaha Jaaliyada Ardeyda.

Isku soo wada duub Associations waa wax aduunyada ka Jira Xitaa soomalida marka laga tago dad badan oo kale Ayaa leh markaa bal yeynaan maqlin uun Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee ku nool Combodia.

Qalinkii: Abdifataah Mahamed Ahmed (Ceelaabe)