Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Intuu Ku Hawllanyahay Sii-daynta Gacan-ku-dhiiglihii Aabahayo Dilay Waxa Uga Haboon Isagoo 13-kayagii Uu Marxuumku Ka Tagay Badhka Geeya 0 W/Q: C/salaam-Abuhurayra

abuhurayraUgu horreyn waxaa mahadoo dhan iska leh Ilaahay (SWT). Marka xigtana waxaan u mahad-celinayaa bulshadayada qiimaha badan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku kala sugan, ee ka damqatay dhibaatada nagu dhacday ee haatanna lanoogu biiriyey dibin-daabyooyin lagu rabo sidii loo fakadsiin lahaa Gacan-ku-dhiiglihii Aabahayo dilay.

Wax la ogaa iyadoo marar dhawr ah aanu warbaahinta marinay isla markaana xafiisyadii ay khusaysay u gudbinay, digniino iyo cabashooyin xooggan  oo aanu kaga dardaar-werinay, Shirqoollo dhagaraysan oo ku xidhiidhsan isla Shirqoolkii Aabahayo lagu khaarajiyey taariikhdu markay ahayd 22/02/2005.

Ma illawno maalintaasi iyo masiibadii nagu habsatay. Qoyskayagu caruur yar-yar ayey u badnan yihiin, goobihii waxbarashada ayey xilligaas uun kasoo rawaxeen, qaarkoodna jidkay kusoo jireen. Miridho gudahood waxaa nasoo gaadhay Warkan dhiillada ah ee sheegayey Dilka Aaabahayo. Wax yar ka bacdiba, waxaanu gaadhnay goobtii, waxaanan ka dul-dhacnay Aabbahayo oo Mayd ah oo si aad u fool-xun oo axmaqnimo ah Rasaas madaxa lagaga shaandheeyey, dhiigguna qulqulaayo oo tin iyo cidhibna uu qariyey. Sidoo kalena gaadhigii u watayna ay xinjirihii dhiiggu dhan walba u dhaafeeen una dareereen. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo Aaabbahay xilligaasi wuxuu kusii socday Masjidka.

Ma aanan jeclayn soo hadal-qaadka dhacdadaasi oo maankayaga degtay, goor walbana na hor-taagan. Si alla si aan maskaxdayada uga saarnana aanu garan laanahay. Waxaase noogu biiray wer-wer iyo walbahaar nagala soo dersay dhanka Maxkamadda Sare, gaar ahaan wixii ka dambeeyey hadidaadyo aanu kala kulanay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil, oo si toos ah iyo si dadbanba noogu caddeeyey damaciisa ah sidii uu u sii dayn lahaa Gacan-ku-dhiigliha u xidhan fulinta dilkii aabahayo. Kaasoo ku xukuman Xabsi-daa´in, inkastoo maxkamaddii hore ay cadaaladda waafajisay kuna xukuntay Dil Toogasho ah.

Godob ay agoontayadaasi ka gashay Guddoomiye Yuusuf ma jirto. Hadana tan iyo intii la magacaabay, gaar ahaan intii Kiiskan dhaq-dhaqaajintiisa uu toos u bilaabay, wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay, sidii uu u sii dayn lahaa Gacan-ku-dhiiglihii bururiyey xinjirtii Aabayo.

Rag ka mid ah kuwo aanu u tuhunsannahay inay ka dambeeyeen Shirqoolkii Aabbahayo lagu dilay, ayaa sidaanu marar badan oo horeba soo sheegnay ugana dignay, waxay abaabuleen Odayaal ay u dhiibeen wax ay ku sheegeen Mag. Kuwaasoo doonaya si khiyaanaysan inay ugu soo furtaan isla markaana ugu fakadsiiyaan, Gacan-ku-dhiiglahan xidhan ee fuliyey Shirqoolkii ay maleegeen ee Aabbahayo lagu dilay.

Qayla-dhaantayadii iyo Digniinahayagii aanu Maxkamadda geynay 21/02/2012, inta dhagaha laga furaystay, ayaaba la isku shubay Maxkamadda Sare, waxaanay Odayaal abaabulani dalbadeen in lasii daayo Gacan-ku-dhiiglaha, iyagoo ku doodaya in la heshiiyey Mag-na lakala  qaatay. Odayaashaasi waxay garab-sanayaan Shirqool-wadayaashii oo iyaguna is-muujiyey.

Inkastoo dabacsanaan badan ay Shirqool-wadayaashu ka haysteen dhanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ay aad ugu dhiiranaayeen, hadana Ilaahaybaa fashiliyey oo been-abuuradkii ay la tageen wuu u socon waayey. Annaguna haddii aanu nahay Agoontii, ma aanaan yaraysan oo Media-yaha iyo meel walba waan ka sheegnay go´aankayaga.

Kudaygaa hore markuu fashilmay ayaa maalin maalmaha ka mida uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Kulan gaar ah igula yeeshay Xafiiskiisa. Waxaana kulankaasi ku weheliyey ku-xigeenkiisa iyo qaar ka mida garsoorayaasha Maxkamadda Sare. Kulankaasi oo qiyaastii Rubuc Saac qaatay, ayuu guddoomiyuhu iigu soo bandhigay dulucda uu iga leeyahay, Waxaanu ii sheegay inuu doonayo Codsi ah, in Magta aanu qaadanno, gacan-ku-dhiiglahana iska Cafino. Anigoo Codsigaasi aanan u qaadan wax xumaan ah ayaan guddoomiyaha ugu celiyey go´aankayaga iyo halka aanu ka taagannahay. Waxaanan u sheegay, Wax Mag ah in aanaan qaadanayn, Hadh iyo habeenna aanu ugu hawllannahay annagoo Maan, Muruq iyo Maalba hurayna sidii lanoogu qisaasi lahaa Gacan-ku-dhiiglahaasi bururiyey xinjirtii Aabbahayo.

Codsigii guddoomiyaha Maxkamadda Sare, markuu noqon waayey sidii uu jeclaa, ayaa shirqool-wadayaashii hadana soo jileen weji kale. Waxaana 14/09/2012, la iiga yeedhay Maxkamadda Sare. Hoolkii weynaa ee dacwadaha ayaa aniga iyo Shirqool-wadayaashii lanoo furay. Guddoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo Garsoorayaasha Maxakamadda Sare ayaa ila boobay Su´aalo darandoorriya, oo salka ku haya Beentii Shir-qool-wadayaashu dhoob-dhoobeen ee ahayd Mag-bay qaateen. Waxaan anna goobtii ka caddeeyey Been iyo Jiidhsiin inay yihiin waxaa ay sheegayaan Shirqoolwadayaashu, anigoo jawaabahaygii kusoo af-meeray hadday run sheegayaan hanagu soo caddeeyaan.

Ileen Beenaale Markhaatigiisuu fogeeyaaye, Fashil kale dabadeed, waxay Shirqool-wadayaashii miciin bideen oo ay yidhaahdeen “Odayaashiisii oo Itoobiya jooga Magtana aanu u dhiibnay ayaanu u yeedhiye, wakhti hanala siiyo”, Waana laga aqbalay waxaanay Maxkamaddu siiyey wakhti ku filan.

Ballantaa hore iyo dhawr ballamood oo kale markii ay waxba ku keeni waayeen, guddoomiyaha Maxkamadda Sarena dhawrkii jeer ee ballamaha la qabtay oo aan xaadiri jiray Maxkamadda laasimna ahayd inaan  isaga wax weydiiyo uu guddoomiyuhu, anigaygii daalac ii raaco isla markaana hadallo deelqaafa oo aan qaban dhibbanahaygan dulman igula dul-dhaco, ayaan goostay inaan dhabarka u rito hawshii loo diray Shirqool-wadayaasha, oo maalintii u dambaysana fara-madhnaan la shir yimi Maxkamadda. Waxaanan Maxakamadda u ballan-qaaday inaan Odayaashaasi aan wakhtiga ugu dhakhsaha badan ku keeno, si Shirqool-wadayaasha Mar-marsiiyahoodu usoo af-jarmo. Wakhti iyo Adduunkastoo igaga baxayba Odayaashii keenay, balse intaa kadib maxaa dhacay?

Odayaashii markii ay hor-yimaadeen Maxakamadda. Waxna la waydiiyey ayaa waxay  caddeeyeen wax Mag ah agoontu in aanay qaadan oo beri´ ay ka tahay, isla markaana aanay ogolayn xasaasiyadna ka qabaan Magtaasi iyo soo hadal-qaadkeedaba. Iyagoo maalintii xigtayna intii ay Maxkamadda ka hor-sheegeen oo Qoraal ah kuna saxiixan yihiin, ay guddoomiyaha Maxakamadda Sare farta ka saareen, una sheegeen dhibaatooyinka ka iman kara Shirqoolka la wado.

Waxa halkaasi isna kusoo idlaaday, wejigii kale ee Shirqool-wadayaasha iyo intii kula socotayba ay soo jileen. Ilaahay uunbaa garan waxa meesha ka socda´e, waxaa hadana la daah-furay weji cusub oo dardartiisa wata, si toos ahna uu bud-dhige uga ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil.

Qawl iyo Qoraalba markay Odayaashii ku sheegeen siday wax u jireen kuna beri´ yeeleen agoontii, ayuu Guddoomiye Yuusuf aad u cadhooday, isla markaana isagoo xanaaqsanna ay jawaab-celintiisii noqotay, is-muujin badheedh ah. Waxaanu goobtii isagoo hanjabaya uu kaga dhawaaqay, Dibu-eegis inuu ku samaynayo xukunkii Gacan-ku-dhiiglaha ee Shanta Sanno ka hor uu Shinkiisii dhammaaday.

09/03/2013 ayey Maxkamaddu u fadhiisatay Dibu-eegistii uu guddoomiyuhu noogu hanjabay. Iyadoo maalintaasi Maxkamadda la dhoobay Booliis aad u fara badan, kuwaasoo nooga dhaartay inaanu foodda gelino Maxkamadda, Kiiskayagana dhagaysano. Tallaabadaasi oo aanaan baciidsan, maadaama dagaalka ba´an cidda nagu haysa ee dulmiga noola soo badheedhay, Shirqool-walayaashuna garabsanayaan uu yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil. Sidii aanu maalmahaasiba u soo gudbinay, wuxuu arrinkayagii noqday “Waxa la yidhibaa La Yidhi” Waxaanu qareenkayagii noo sheegay, in dooddii looyarka gacan-ku-dhiigluhu ahayd, “Mag-baa lakala qaatay”. Markii la su´aalay cidda kala qaadatayna ay jawaabtii noqotay kuna af-go´day “Odayaashii Reeraha”, isagoo waraaqo ay ku saxiixanyihiina halkii kusoo bandhigay. Mar kaloo la waydiiyey Heshiiskaasi cid uun inay kaga jirto Agoonta Ilma Cismaan Cumar-jeex iyo Hooyadood? Ayaa jawaabtiisii oon baydh-baydh lahayni noqotay MAYA. Kadib Qareenkayagii ayaa siduu noo sheegay isna Maxakamadda hor-dhigay, go´aankayagii aanu horreysuti dambaysaba taagannahay, oo ah In Lanoo Qisaaso Mooyee In Aanaan Wax Mag Ah Qaadan, haddii aanu nahay ubadkii uu Marxuumka ka tagay iyo Hooyadood.

Waxa kale oo Qareenkayagii uu daboolka ka qaaday, in lacagahaasi la sheegayo ay Odayaashu qaab khiyaamaysan u kala qaateen oo aanay khusaynba gacan-ku-dhiiglaha xidhan. Waxaanay Waraaqihiii Maxkamadda la keenay sheegayeen in 82% lacagahaasi lakala qaatay taariikhdu markay maraysay 20/02/2013, xilligaasi oo ahayd muddo yar kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhawaaqay Dibu-eegista.

Maxkamadda Sare iyadoo dibu-eegistii ku guda jirta ayey hadana 04/04/2013 u yeedhay Odayaashii xigtadayada ahaa, waxaanay Odayaashii ay mar kale Maxkamadda horteeda ka caddeeyeen sidii ay wax u jireen iyo sida aanay agoontu Wax Mag ah u qaadan una diidan yihiin horreysiyo dambaysaba, looguna taag waayey. Waxaanay Odayaashu ay Maxkamada u soo jeediyeen inay aqbasho dalabka AGOONTA ee kasoo yeedhayey tan iyo maalintii aabahood la dilay, oo ay u Qisaasto gacan-ku-dhiiglahan aabahood dilay ee la hor wad-wado, laguna weyrixanayo. Intaas ka bacdi Maxkamadda oo Odayaasha ka dalbatay inay keenaan lacagtii lagu wareejiyey, maadaama Agoontu ay bari´ ka yihiin oo aanay ogolayn, ayaa waxay Odayaashu ugu jawaabeen “Lacagtan Odayaal ayaa heshiis ku kala qaatay imikana haddii lala kala noqonayo Odayaashii uunbay u taalaa”.

Maalintaasna Maxkamaddu sidaasi ayey kusoo dhammaatay, waanay kala fasaxday Odayaashii, oo dhawr jeer Yeedhmadooda isku soo xil-qaamay ugana yimi dalka Itoobiya oo ay deggen yihiin. Intaa kagadaal maxaa dhacay? U Fiirsada Walaalayaal, waayo waa dulucda aan u socdo ee igu kalliftay inaan Qalinka u qaato Qormadan oo aanan jeclayn inaan qoro balse ay dantu igu kalliftay markaan ka geyn waayey, ee fajacisadu nagu habsatay.

Xaqiiqada oo caad-na aanu saarnayn waxay maxkamaddu ogaatoba, hadana waxaan meesha laga saari karin, doonistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu ku rabay inuu xuquuqdayada ku duudsiyo oo uu oodda kaga guro Gacan-ku-dhiiglaha, kaasoo halgan adag uu ugu jiro sii dayntiisa. Anoo taasi og, maalin walbana isleeyahay tolow maxkamaddu xaggeebay hadana ka fad-kudin, ayaan maalin aan fogayn aan mooganaan ku tagay maxkamadda. Maalintaasoo ahayd 07/05/2013, waxaana Waraaq ii dhiibay mid ka mida garsoorayaashii kiiskan waday.

Waraaqdaasi oo ah ta amakaaga nagu ridday, ujeedadeena aanaan fahmin ilaa hadda, ayaa tixraaceedu ahaa MS/DB/C/02/012. Waxaana Cinwaan looga dhigay “QARAARKA MAXKAMADDA”. Iyadoo lagu socodsiiyey Odayaashii ay dhawrka jeer maxkamadda hor-keeneen. Isla markaana Og ama Ogaysiina ay raaciyeen kuna sunteen Agoonta Ilma Cismaan Cumar.

Warqaddan oo Shan Garsoore ay ku saxiixanyihiin ayaa waxaa lagu farayaa Odayaashaasi, inay muddo 14 Cisho ah gudahood oo ka bilaabmaysa 07/05/2013, ku keenaan Magtii ay qaateen taariikhdu markay ahayd 20/02/2013. Waxa intaasi la raaciyey, qoraalkaasna lagu soo gunaanaday labadii layn ee noogu layaabka badnaa oo ah “Haddii Muddadaasi Lagu Keeni Waayo, Waxay Maxkamaddu U Qaadanaysaa In Aad Qaadateen Magta, Arrinkuna Heshiis Ku Dhammaaday”.

Maadaama Maxkamadda iyo cid walba ogtahay go´aankayaga cad ee wax caad ahina aanu saarnayn horreysiyo dambaysayba, bari´na aanu ka nahay waxaasi ay mal-malluuqdeen una gaarka ah Odayaal Shirqool-wadayaal ah oo ujeedo dhagaraysan wax u bixiyey iyo kuwo si khaldan uga guddoomayba, ayaa waxaan isweydiinay, haddii aanu nahay agoontiina uu maankayagu ka ladi waayey “Cidda Maxkamaddu ay leedahay waxaan u qaadanaynaa inaad qaadateen Magta, arrinkuna heshiis ku dhammaaday”.

Yaa lacagta qaatay, heshiiskana galay? Odayaashu se, haddii lacagtan la sheegayo ay keenaan iyo haddii aanay keenin-ba, maxaa la gudboon Maxkamadda? Marinkoodu ma wuxuu noqonayaa sida qoraalkaba laga dheehan karo, Agoontaa Misko La Fuullo Leh, oo u fudud jiidh-siin iyo is-hamba-raacinba.?

Warqaddan markii la ii dhiibay, ee ujeedkeeda aan fahmi waayey, ayaan u geeyey Qareenkayagii, markuu akhriyey isaguna, wuu yaabay. Waxaanu soo waydiiyey garsoorayaashii qoray, kadibna wuxuu ii sheegay inuu garsooruhu qiray khaladka ku jira, gaar ahaan Labada Layn ee hoose. Mar Garsooraha aan aniga laftaydu waydiiyeyna waxa uu ii sheegay in Maxkamaddu ay ogtahay in Agoontu aanay Shaqo ku lahayn Magtaasi, balse Odayaashii loo dhiibay uun ay ka dalbayaan inay soo celiyeen. 

Haddaba ilaa hadda Maxkamaddu si cad uma aanay caddayn ujeedka waraaqdan, waxaana marka la rog-rogo siday u dhigantahay ay dulucdeedu ku arooraysaa uun, dhamaystirka dagaalkii iyo doonistii guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Waayo, intii uu kiiskani socday waxyaabaha aan ka xasuusto ee maankayga aan ka guurin waxaa ka mida:

 –  Isagoo bilawgii si cad u dafiray Waraaqo digniino ah oo ku saabsan odayaasha Shirqool-wadayaasha ah oo xeer ilaalinta iyo isagaba aan u gudbiyey. Markii in muddo ah aanu murmaynay, guddoomiyuhuna leeyahay Waraaqo aad ii keentay ma jiraan, ayuu qirtay kadib markii aan ku idhi Ma waxaan keenaa Waraaqdii caddaynaysay in warqaddaasi kusoo gaadhay ee aad gacantaada ku saxeexday.

–        Isagoo guddoomiyuhu maalmo dhan markaan Maxkamadda tagaba, iisoo jeedin jiray Codsi ah inaanu Magta qaadanno, Maalin maalmaha ka mid ahna Kulan Gaar ah Ila yeeshay, ayaa markii aan ka diiday, go´aankayagiina u sheegay, maalmo dabadeed weji kale iila soo baxay, kaasoo uu leeyahay Magta iska keena, isagoo og in Wax mag ah aanaan qaadan.

–        Isagoo guddoomiyuhu intuu Odayaal isugu yeedhay, isla markaana ka raba, siduu  jelcaa, ay Odayaashiina sidii ay wax u jireen u sheegeen, kadibna uu aad u xanaaqay kuna dhawaaqay Dibu-eegis. Bal u fiirso maalintaasi waxay taariikhdu ahayd 15/02/2013, maalinta lacagtan odayaasha laga doonayo ee doodada dibu-eegistu ku salaysantahay ee xaddigeedu dhan yahay 82%, lala wareegayna waa 20/02/2013.

Haddii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, uu ilaa hadda ku hawllan yahay sidii uu Gacan-ku-dhiiglahaa u sii dayn lahaa, waxaa uga habboon annagana nooga fiican in uu Badhka na joojo. Waayo walaalayaal intii la qaylin karayey waanu qaylinay, kana dignay Shirqoolka laga wado meesha, hadana waxaasoo dhami ma qudh-qudhsana.

Guntii iyo gebo-gebadii, waxaan ka codsanayaa bulshadayada gudo iyo dibad-ba inay noo soo duceeyaan, cidkastoo xaqayaga rabta inay duudsidana Ilaahay u baryaan inuu naga qabto. Waxaanan Insha Allah dhawri doonaa dabayaaqadan bishan go´aanka Maxkamadda Sare oo si weyn loo sugayo, dad badanina naga soo waydiiyaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

 

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra), Oo Metelaya Kuna Hadlaaya Afka Agoonta Ilma Cusmaan Cumar-jeex Oo Ka Kooban 12 Ruux Iyo Hooyadood.

salaanmuctasim@hotmail.com.

Hargeisa, Somaliland.