GUDDIDA ICTIRAAF RADINTA MAXAA LA GUDBOON !!

Guddida Ictiraaf raadinta heer qaran ee saaka madaxweynuhu magaacabay ugu horeyn Masuuliyiinta loo magacaabay uguma hambelyeynayo balse waan ugu duceynayaa, waayo waa waajib qaran oo qof walba oo reer somaliland ah saran, waxaanan rajeynayaa in ay guddidani la mid noqon guddiyo hore oo xafiiska madaxweynaha laga magacaabay, balse aan dib loo maqal, madaxweynuhu ka gaabiyey qaar badan in uu dib ula xisaabtamo.

Wakhtigan hada la jooga oo qaranimadda somaliland rubuc qarni tahay, waxaa dhiiga cusub ku shubay oo dardar galiyey arrimaha dibaddawasiirka cusub ee arrimaha dibadda somaliland Dr Sacad ali shire, oo dadaal badan muujiyey mudadii koobaneyd ee uu xilkan hayey.

Hadii qaranimadda iyo dal dhisida daacad laga yaheyna masuul walba waxaa la geyn lahaa meesha ku haboon ee uu aqoonteeda iyo khibradeeda leeyahay, waxanay taasi muujineysa in masuuliyiinta dowladda xil looga magaacabo aan la aqoon iyo khibrad xulane nin jecleysi iyo wax kale lagu xusho.

 Tan ictiraaf raadinta, mudaddii ay somaliland ku dabo jirtay in ay beesha caalamka ka hesho ictiraaf, mar walba looma mari jirin wadadii ku habooneyn, macal iyadoo la ogyahay ayaa la iska indho tiri jiray oo la mari jiray waddo khaldan taas oo maanta ay keentay in 25 sanno ka dib wali guddi uun loo saarayo arrin aan ku habooneyn magaacibista guddi balse midho dhal manta joogi lahaa.

Xalka koowaad ee ictiraaf helidu waxaaa uu yeelaa miiska wada hadaladda u dhaxeeya somaliland iyo somaliya, wada hadaladii u bilaabmay labada dal oo waliba si daacadnimo iyo garawshiyo leh wadamo kale u dhex dhexaadiyaan waxaa ka dhalan kara in xal kama danbeys ah loo helo qadiyadda gooni isku taaga somaliland,

Talaabada labaad ee ictiraaf helida somaliland waxaa uu yeela wadamadda IGAD Iyo African Union ka, taas ayaana wadamadda afrikaanka ah loga dhaadhicin karaa qadiyadda gooni isku taaga iyo ictiraaf helida jamhuuriyadda somaliland.

Markaas ayaa la qaadi karaa in beesha caalamka kale laga helo ictiraaf kama danbeys ah, somaliland kursi yeelato Qaramadda midoobay sida wadamada kale ee aduun weynaha. Balse yey noqon guddidani mid kolba safar ku kala bixisa yurub iyo maraykan oo aan ictiraaf inoo oolin haba yaraatee.

Guddidan uu Madaxweynuhu saaray waxaan u gunti lahaa saddex talo:

1. In ay awooda saaraan sidii uu u guuleysan lahaa wada hadaladda u dhaxeeya una socda somaliland iyo somaliya, Miiska wada hadaladda u joogi lahaayeen wadamo aan dano gaar ahaaneed ka laheyn labada dal, iyo wadamada xuduuda la lehba.

2. In qadiyadda somaliland ee ictiraaf raadinta laga dhaadhiciyo wadamadda afrikaanka ah oo la helo wadamo saaxiib dhaw la ah ama taageeri kara madaxbananida somaliland.

 3. In albaab walba loo garaaco arrinka ictiraaf raadinta, miisaaniyadda ku filan oo hawlaha sahleysana loo dajiyo, la sameeyo lana diyaariyo qoraal cid walba fahmi karto oo ka turjumaya ictiraaf raadinta qarankan, lagana faaideysoto muwaadininta reer Somaliland ee saaxiibada dhaw la leh bulshadda caalamka eek ala duwan, sidoo kalena guddidani ururisato talooyinka aqoonyahanadda Somaliland meel walba ha joogeene.

W/Q FOUAD ABDISALAM