Gobolkii Gaashaandhiga iyo Huriwaydada Gobolnimada Buuxda ee Galbeedka Sanaag

 Gobolka Sanaag Waa Goboka ugu Balaadhan Somaliland Waxa Dega Bulsho Tiro badan oo isku dhafan ,  Deegaanada gobolka  Sanaag Waa Kuwo Baaxad Badan oo Hogosha waxqabad ee Xukuumadu aanay intooda badan gaadhin ama aan idhaahdee xukuumadihii dalka isga kala danbeeyay , Adeegyada Aas-aasasiga ah , Waxbarashada , Caafimaadka , Biyaha , Dhismayaasha kale ee mashaariiceed ee Dalka Ka  Socda ayaan Gaadhin Deegaanadaasi .

Xukuumada kuma Canaanayo  Inay Dayacday Soo Gaadhsiinta adeegyadaasi  , Run ahaantii Waxa aad logu Farxo ah Wadada Isku Xidha gobolka Togdheer iyo Gobolka Sanaag oo Wax badan Fudaydisay  Isu Socodka Gaadiidka  Marka Laga Reebo Meelaha Loogu Talo galay Buundooyinka  .

Mushkilada Koowaad Waxay Ka taagan tahay In  Guud ahaanba Isu Duwayaasha Wasaaradaha kala Gedisan oo Ku Sifoobay Fadhiidnimo Gaamurtay oo aan Aaminsanayn Inay Ka Masuul yihiin Guud ahaan gobolka Sanaag  Deegaanadiisa  ,  Waxay Isu Haystaan Dhamaan Wakiilada Wasaaradaha Kala Duwan ee gobolka  Sanaag Inay Isu Duwayaal uyihiin Magaalada Ceerigaabo .

Su’aalaha Bulshada Caqligga Fayow Iswaydiiso Waxay Tahay  Gobolku Waxqabadka Ma Wada Leeyahay ?  Gobolku Maamulka Guud ahaan Maka Siman yahay ? iyo Suaalo Tiro badan oo La Xidhiidha kuwaa hore .

Hadii Jawaabtu tahay “HAA” oo hadaa Maxaa Isuduwayaasha laamaha Wasaaraduhu Gobolka Intiisa aanay Ogayn Inay Masuuliyadi ka Saaran tahay Utegi La’yihiin oo Ugaadhsiin Waayeen Waxqabadka Wasaaradahoodu Dalka Ka Fulinayaan , Kuwa Mashaariicda Xukuumadu Soo Bixiso Cayaayrika Ugu luminaya Waxaan Dani ku jirin Maxaay Tahay Sababta ay Deegaanada Gobolka Uga Wada Simi Waayeen ?

Hadaba hadii aanay Taasi Hirgalayn Miyaanay Haboonayn In Tusaale Degmada Ceelafweyn  iyo garadag ee Gobolka  ku Wareeray Maxay Xukuumadu Umagacaabi Wayday .

Arinta Labaad ee aan mawduucayga Kusoo Qaadan lahaa Waxa Weeye  Masuuliyiinta Xukuumada Xilalka Ka Hayaa ee kasoo jeeda galbeedka gobolka oo ah Halka ay ku Dhantahay Baaxada gobolka Sanaag  Inaanay Qudhoodu bulshadoodii Dan Iyo heelo Toona Ka lahayn Waxa kuu cadaynaysa  Waxay Ku Dayan lahaayeen Gobolada Galbeed Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda ee Sida Hagar la’aanta ah ugu hagar baxay Bulshadoodii , Waxay Ka Dhiidhiyi lahaayeen Deegaanka  iyo Dadka Dayacan ee ay ka Yimaadeen .

Waxa Wax Laga Xumaado ah inay iyaguna baabuur Cadcad iyo guryo cadcad ku Dhex laydhsanayaan Bulshadii ay Kalsoonidooda Ku Fadhiyeena ay Udhimanayaan Caafimaad la’aan Jaahilnimo , Baahiyaad kala Duwan oo Saameynta noloshooda Qayb laxaad Leh ka Qaadan lahaa Hadii Loosoo jeesto oo Si Daacad ah Bulshada loogu Adeego.

Gobolka Sanaag Guud ahaan inuu Dhinaca Waxqabadka   Dalka Ka Socda Inuu Ka Qatan yahay miyaad Igu Dafiraysaa marka laga Reebo Qodobka Wadada Sanaag oo Keliya ? .

Waxaad Modaa In Xooga la Saaray Ilaalinta Nabad Galyada Guud ee gobolka Maadaama ay Ka Soo jeedaan Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga Dhawaan la magacaabay Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wasiirka Gaashaan Dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo labadooduba kazoo jeedaan Gobolka Sanaag Arintaas ayaa ii Muujisay in Goboku Yahay Gobol Xooga la Saaray Amnigiisa , Waa Sax Waana Muhiim in Nabad Galyada gobolkan Siweyn loo Xoojiyo Ciidamada Qarankana Aad Baan ugu bogaadinayaa  Balse talooyinka Muhimka ah ee aan Ujeedin lahaa Masuuliyiinta Gobolka Kasoo Jeedaa  Siiba Galbeedka Sanaag ee Degmooyinka Ceelafweyn , Garadag , Huluul iyo Dararweyne  Iyo Wasaaradaha kaleba Waxay Tahay Inay Baahida Aasaasiga ah ee Bulshada ay masuulka ka yihiin Inay Wax Ka Qabtaan .

Dhamaan Isu Duwayaasha Gobolka Sanaag Wasaaradaha Ugu Sugan Waxan Usheegayaa  Degmada Ceelafweyn iyo Deeganada Kale ee Gobolka Inay Si Degddega ufuliyaan  Waajibka Bulshada Deegaanadaasi kaga Aadan  Hadii kale Ceelafweyn waa La Ogyahay Inay Xukunto Baaxada ugu Balaadhan ee Gobolka Sanaage Dee hadiidina Gobol Buuxa In loo Magacaabo.

Wa Bilaahi Tow Fiiq

W/Q : Suxufi Cabdiraxmaan Ismaacii Siciid