Geerida Ayaa Waano iyo Tusaale Inuugu Filan

Waxay ahayd markii  iigu horraysay ee aan maqlo qof geeriyooday ama dhintay. Markii aan garaadsaday ee aan kala bartay geerida iyo nolosha, sidoo kale markii aan ogaaday in qofka dhintaa aanu dib ugu soo noqonaynin adduunkan. isla markaana aan garawsaday in dhammaan dadka dunida guudkeeda ku nooli ay maalin maalmaha kamid ah isugu iman doonaan aakhiro. Isla markaana uu ilaahay kula xisaab tami doono qof waliba wixii uu masuulka ka ahaa, sida nafdiisa maalkiisa, ubadkiisa, ooridiisa, iwm.

Sidoo kale waxaan ogaaday in geeridu xaqtahay.  Qof nolol ku waarayaana aanu jirin, in lawada dhimanayaana uma baahna wargelin iyo ogaysiis, marka lagasoo tago Rumayn Diimeed iyo Caqiido geeridu waa
amar hortaada yaalla, sidoo kale uma baahnid in laguu macneeyo ama laguu qeexo geerida, sidoo kale  qof walba oo dhinta ama geeriyoodaa isku si uma saameeyo dadka, eheladiisa iyo  asaxaabtiisa ah.

Qof waliba halka uu kaga jiray bulshada ayaa  lagu xasuustaa marka uu dhinto, sabab too ah dadku isu wada mid maaha, kumana sinna bulshada dhexdeeda oo qof waliba qiimo gaar ah ayuu ku dhex leeyahay bulshada .  Maalin walba waxa inaga baxa qof qiimo iyo qadarin inagu dhex lahaa, markaas ayaan u tirinaa gabayo iyo geeraaro, maalmo yar kaddib na waan iska ilawnaa waayo ilaahii lahaa ayaa qaatay oo uu la kulmi doonaa.

Dhinaca kale marka aad eegto dadka muslimiinta ahi waxbadan kuma qaataan casharadan ina sugaaya inteenna nool maanta, inyar oo ilaahay waafajiyay oo shaqaysata mooyee. Qaybo badani qaflad ayay kaga sugan yihiin, ilaahay hasoo hadeeyo.

ilaahayna wuxuu qur’aankiisa ku leyahay “dadyohow mu’miniinta ahi haddaad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu idiin yeelayaa faraj ‘nabad gelyo’ wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.

Maxaan u soo joognay halyay geeriyooday oo gayigoo dhan laga yaqaannay, sida Abwaan,Wariye,Siyaasi, Aqoonyahan, Madaxweyne, Ganacsade, Sheekh iwm.

Xaggee lagu socdaa?

Aakhiro maxaa inooga horreeya?

Maxaan shaqaysannay ee innoo yaala aakhiro,?

Maxaan sadaqo la baxnay oo inooga horraysa aakhiro?

Imisaan miskiin baahan oo caawimo u baahan caawinay, imisaan masaajid ladhisaayo oo caawimo u baahan ka qayb qaadanay 1 dallor na ha noqotee, imisaan  imisaan …………

Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado. Ma ku fikirtay maalina adigu xiliga aad dhimanaysid?  Dadka ahlu cilmiga ahi waxay yidhaahdaan markay ka hadlayaan dadka geerida iyo Eebe ilaaway:  dadka geerida ilaaway wax kasta haday urursadaan  ma dhergaan, mana gaadhaan waxay ku fikirayaan (yididiiladooda), adduun aan waxba  taraynin ayay urursadaan, meel aanay degaynin  ayay dhistaan, adduunyo aanay gaadhaynin ayay ku fikiraan”.  Wuxuu ilaahay  qur’aankiisa ku yidhi, “iska dhaafa  ha cunaan oo ha raaxaystaan, waxaa mashquuliyey yiddidiilada ay ku jiraan, goor dambe ayay ogaan doonaan”. ( al xijri 3)

Ilaahay inagama dhigo kuwa goor dambe ogaadda.

Ilaahay xaqa ha ina waafajiyo, Qofkasta oo muslim ah waxa laga doonayaa inuu had iyo goor xasuusnaado dardaarankii Nabigeena “NNKH”, wuxuu yidhi “waxaad had iyo goor xasuustiisa badisaan kan macaanka iyo raaxada gooya oo ah geerida”. Waa hadal kooban oo aad ka fahmi karto waxyaabo aad u tiro badan.  kuna xasuusinaaya  inaad u sahay  qaadato guriga aad barri tagi doonto.

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Qalinkii: Khadar Muxumed Muuse “Koodh”

Email: Khadar_dagane@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland