Ganacsigii Adoomaha Afrika – Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale

KHAALID DUCAALEAdoonsiga waa yeelasha qof binu aadama noloshiisa iyo waxkasta uu leeyahay. Waxaa adoonsigu soo bilaabmay mudo aad iyo aad u dheer, waxaa adoonsigu ka jiray qaaradaha Afrika, Yurub, iyo Eeshiya, oo markaas ahaa dunidii la yaqaanay.

Waxaa dhexdooda is adoonsan jiray dadka Yurub,  marka dagaalada dhexmaraan Boqortooyooyinkii Yurub, waxaa kala qabsan jireen maxaabiis, kuwaas oo marka danbe loo iibin jiray sida Adoomaha. Badanaa dadka Adoomaha waxaa qaban jireen shaqooyin badan, waxaa ka mid ah, qodistay Beeraha siiba  kuwa Sonkorta, Bunka, iyo Cudbiga. Halka Dumarka iyaga shaqada Guriga iyo ka ganacsiga jidhkood oo adoonsan jiray.

Dadka ugu badan ee yurub la Adoonsan jiray, waxay ahaayeen dadka Yurubta Bari, ee indhaha buluuga ah leh. Sidaa si la mid ah ayay dadka ku nool Qaarada Eeshiya, ay sameyn jireen.

Ka ganacsiga Adoomaha Afrika waxaa uu bilaabmay qarniyo 10aad, oo Qaarada Eeshiya ayaa loo iibgan jiray, siiba Carabta, waxaa badana ka ganacsan jiray dadka Madawda ee Afrikanka ah.

Waxaa uu aad u sii kordhay iimantinkii ay Yurub yimadeen Qaarada Afrika, waxa xiligaa aad loogu baahnaa dad la adoonsado oo la geeyo Qaarada cusub ee Amerika. Qarnigii 16aad ilaa 19aad ayay dhacay ka ganacsigii Adoomaha ugu badnaa ee Afrika. Waxaa Afrika laga qaaday dad kor u dhaafay ilaa 12 Milyan oo Adoomo ah, kuwaas oo loo dhoofiyay Qaarada Ameerika.

Hadaba Siday u dhacay ka Ganacsiga Adoomaha Afrika? Waxaa dadka badanaa aaminsan yihiin in Gumaystihii Yurub, intuu dhulka Afrika yimada, oo uu qababtay dad badan oo afrikan ah, uu  dhoofiyay ilaa Ameerika.  Balse sidaa way ka duwan tahay dhacdadu,

Waxaa Afrika ka jiray Boqortooyooyin ku dhisnaa Qabiilo, kuwaas oo col ahaa, oo dalaga iyo dagsiimada kala xiiran jiray, Boqortooyo waliba waxay u heelanada ka qabsiga dhul iyo hantiba Boqortooyada kale.

Hadab markii Yurubku oo ugu horeeyaan labad Dawladooda ee Isbaanisha iyo Bortaqooska, ee ay u soo iib geeyay labaata warshadaysan Qaarada Afrika keenan Sida Dharka, Weelal, iyo Hub Casri ah. Xiligaa labada Dawladooda ee Isbaanisha iyo Bortaqiisku waxay u baahnaayee adooomo ay geeyaan Qaarada Cusub ee Ameerika. Waxay iyaguna (Boqortooyooyinka Afrika) u baahnaayeen Dhar, Qalaba, Iyo Hubka Casriga ah.

Waxaa Labada Dawladooda (Bortaqiiska iyo Isbaanishka) ee xiligaa tartanka ka dhexeeyay yeeshan Boqortooyooyin ay ku xidhan yihiin oo ay xidhiidhi ganacsi yeesheen.

Waxaaa markii ugu horeeyay ay bilaabeen inay maxaabiistii ay kala qabsadaan ay  ka iibiyaan labada dawladooda.

Waxaa taas horseeda in ay bilaamato tartan Xaga Iibinta  Adoomaha oo dhaxmaray Boqortooyooyinka Afrika,  tartanka oo kor u qaaday  ganacsigii Adoomaha Afrika, ilaa gaadhay in ay dadka kala qafaashaan oo ay iibgeeyan.

Waxaa taas  keenay in dad kor u dhaafaya ilaa 12 Milyan oo Adoomo Ah, la geeyo Qaarada Ameerika.

Waxaa Aqoomaha lagu qaadi jiray doonyo kuwaas oo cidhiidhi ah, waxaa qaar inta jidka lagu jira ku xanuunsan jireen, qaar kale ku dhintan, Halka Dumar lagu sii fara xuman jiray. Waxa aan ka badan 20% ayaa gaadhay Qaarada Ameerika,

Tirada ugu badan ee Adoomada waxa la geeyay Koonturta Ameerika iyo Wadamada laysku yidhaahdo Karibiyaanka.

Waxaa badanaa Adoomaha qaban jireen shaqooyin badan, sida Qodida Beeraha, Qodista Macnaha Iyo Ka Shaqaynta Warshadaha.

Waxaa adoonsiga horseedeen midab kale soco iyo cunsirinimo xaga midabka ah, halka Afrika u horseeday gumaysi waayo waxaa laga qaaday dhaliyaro badan oo xooga ah, kuwaas oo difaaci lahaa Qaarada Afrika.

Ugu dambayntii Adoonsiga waa masiibo guud, taas oo loo baahan in la cidhib tiro waan sii jiraa ilaa hada waxaa u badan yahay Wadamada Eeshiyada Bari.

 

Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale

Tel: +252634111694

Twitter: @KHDualeh

Email: khdualeh@gmail.com