GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR QALINKII : LIBAAN XAJI FAGADHE

Qormadii 5aad

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Dhowr jeer oo marxuunka la weydiiyey arinta qadiyada Somaliya waxaa ka mid ahaa hadaladisiii,,,, Anigu ina Cigaal ahaan Soomaaliya ma nebci waayo Riisal-wasaare ayaan kasoo noqday laakiin maanta waa la-kala danaystay, Dhowr jeer oo ka hadlay qadiyada Somaliland haddii labada Gole Somaliland goostaan inay tagaan Soomaaliweyn anigu idin raaci mayo ayuu yidhi halkan ayaan ku hadhayaa…….. Sanadkii 1994 ayaa wareysiyo badan su,aalo ku weydiyeen Mar uu ka hadlaayey kalmada Muqadis (Israaca Somaliyeed waa muqadis) ee ay kaga dhegtay dadka somalida qaar ka midda siiba madaxdooda ayuu ka hadlay Marxuun Cigaal . isagoo leh ,kalmadaa muqadis inay garanayaan u maleynmaayo,, muqadis waxay tahay wax dhowrsan oo ilaahay loo nisbeeyo oo nadiif ah, ninka muqadis kuu sheegaaya waxaa maanta Somali dhexmaray, kala dilay, kala kaxeeyey, isagaan garanayn micnaheeda , wax alaaliyo wax ay tahay., wax alaaliyo waxaan uga baahanahay iyo wax aanu marti-uga nahay,aanay jirin, erayada ka soo baxaaya lama go,i karo,
lama tegi karo, waar walaalnimo inooga ah iyo laba qoys oo wada jira dhaqan iyo dhiig ka dhaxeeyo, isuna beer xaadhan,ayaa jirtay, ee joojiya hadalkan muqadis ee dagaalna waxba kaaga tareyn , nabadna idinka kaxeynaya.
Waxaan goostay ayuu yidhi:, in dalku kala go,o , markii aan arkay dadkii Somaliland oo tashanaya, oo waxii dhexdooda ah beri ka noqday, oo maamulanaaya dalkoodii iyo dadkoodii, waxaan umadda Geeska afrika leeyahay ayuu yidhi

Marxuun Cigaal maanta ayey somaali caafimaaday ,oo sadex raas yeelatay (Somaliland, Somalia Iyo Jibouti) ,dadkii ay jaarka la ahaydna la wada nabad tahay, waxii aanu islahayn israac ayaad ku helaysaan ee aanu ku weynay , maanta ayaa inagoo sadex qoys ah , haddii laga helo reer Somaliya oo aanay dhiiqayn ama ay walaqayaan walaalnimadii , Maanta ayaanu sidaasi aduunyada qiimo ku yeelanaynaa. Xukuumadii uu gadhwadeenka ahaa Max,ed Siyaad Bare ayaa ayaa xasuuq iyo gumaad aan kala sooc lahayn ,loogu geystay dad maato iyo shacab aan waxba galabsan, oo Somaliland ku dhaqnaa ,kaas dadka si koox-kooxa laysugu xidhay oo anshaxana iyo dadnimada ka baxsan , diinta islaamkuna aanay ogalayn, ka-dibna la aasay,Mar uu khudbad ka jeediyey xabaal ka midda oo ahayd xasuuqii xabaalaha malko-durduro oo biyo ay soo sareen ayaa waxuu yidhi, ”Xigmad ayaa jirta maanta biyahani meydadkani u soo saran, waxaa weeye factabiruu –waar ku cibro-qaata ,si aynu dabadeeto wado u helno,aynu kagaga badbaadno ,ayna mar danbe inoogu dhicin waxaas oo kale,” ayuu yidhi marxuun cigaal Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurti da Somaliland oo hadal ka jeediyay Xus mar loogu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa, waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabaha lagu xasuusan doono Marxuum Cigaal. “Waxaynu Ilaahay uga baryaynaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal in Ilaahay u naxariisto.

. Marxuun Maxamed wax tilmaam ah uma baahna, haddiise laga tegiwaayo dawladnimada aynu maanta ku fadhino isaga ayaa hantidiisii ku bixiyey…Waxaana sharaf ugu filan guriyihiisii uu Burco ku lahaa waa dundumooyin hadda.
Waxa lagu xasuusan karaa shanta Soomaaliyeed ha inagu dayato ayuu yidhi markii aynu Calanka qaadanay oo afarta kalena ha inagu daydaan, xilkii loo dhiibay markiiba wuu ku qancay, waxaase u xigtay in sideed sanno uu xabsiga u galo. Waxa Jabuuti iyo NFD u diideen wixii la inagu sameeyey. Seeskii dawladnimo ayuu qabyaalad la’aan iyo hanti la’aan inoogu dhisay , tacabka maanta lagu fadhiyo ayuu inoo dhigay, wax la dayaco iyo wax lagu dheeldheelo maaha. Xamar waad arkaysaan, Jigjiga-na waad arkaysaan, ayuu yidhi Xaaji Cabdi .
Iyadoo aan la dafiri karin shaqooyinkii ay qabteen madaxdii ka horeysay iyo kuwa ka dambeeyeyba, waxa la odhan karnaa guulaha muuqda ee uu qarankeenu maanta ku faano badankooda Marxuun Madaxweyne Cigaal baa horseeday amaba seeska u taagay, Ku darsoo weliba dhaqaale uu isagu lahaa oo kaga galay Somaliland mooyaane, hanti uu inaga urursaday lama sheegin.
Marxuun Cigaal wuxu udub-dhexaad ayuu ahaa oo marxalado badan oo dalkani soo waajahay aadna u adkaa ayuu kala soo dabaashay, isla-markaana oo uu mid kasta furdaamiyey kana tagey mahadhooyin taariikh badan xambaarsan oo aan ka maydhmayn maskaxdeena, Wuxu hormood ka ahaa halgankii cuslaa ee dalkeena lagaga furdaamiyey gumaystihii Ingiriiska. Kadib markale ayuu Somaliland dhidibada u taagay dibu-dhiskeedii .. Waxaa uu maanta Marxuun cigaal taariikhdeena kaga jiraa kaalintii ay halyeeyo badan sida Nelson Mandela(Koonfur Afrika), Mahatma Gandhi( Hindiya) ama Abraham Lincoln (Maraykan) ay kaga jireen wadamadooda.

{(Waxaan aad idiinku mahad naqayaa sida aad ula socotaan qormooyinkan waxaan gaar ahaan umahad naqayaa bahda saxaafada madaxa banaan koley taariikhii hore wax yar yar ayuun baan ka xusayaa balse waxaan usoo socdaa taariikhda iyo siyaasada ABAAH QASKA ah ee Siilaanyo waxaanu noqon doonaa madaxweynihii uhoreeyey ee taariikhda baal madow kagala waad ogtiin inuu tii SNM baal madow ka galey waase loo dhaafey balse imika buugaag ayaa laga buuxindoonaa ana intuu nool yahey ayaan wax ka qorayaa bal inuu duceysto oo uu shacbiga saamaxaad weydiisto waa markuu dhib tuu sameeyey soo bandhigo.Waxaan soo wadaa 15 maqaal oo kale oo 12 isaga iyo taariikhdiisa baalka madow uun ka hadleysa Mr . Siilaanyo ee waxaa inoo bana Qormada 6aad iyo ramadaan kadib waanad mahadsantiin) RAMADAAN KARIIM dhamaantiinba insha allaahu waa inoo kulanti dambe iyo qormooyinka oo aynu sii wadno}.

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco…………