GABAY:Dadka Oo La Kala Iibsadaa, Doorkan Soo Baxay

GabayGabaygan waxaa tiriyay Abwaan  Ismaaciil Daahir Nuur oo lagu naanayso (Ismaaciil Afweyne)

Abwaan Ismaaciil waa hal abuur  Rabbi hibo u siiyay curinta suugaan hodan ah, haatana kamid ah cuqaasha gobolka Gabiley waxaanu abwaan ismaaciil gabayga  kaga hadlayaa waaqaca hada jira iyo sida ay ugu muuqatay doorashooyinkii iyo marxaladaha dalku ku suganyahay waxaanu ku bilaabay gabayga sidan:

Dibjirka iyo dugaaga isku tegay,dabatadaa naaxdey,

Dusha waxaad ka moodaa inay,dawlad weyn tahaye,

Daakhilkeeda ninkii arkaa,wuu ka didayaaye,

Daydaygii oo dirays loo geshaa,daadsan suuqyada,

Ma dawayn yaqaanaan halkuu,daad ka soo galo,

Hayaduhu waxay soo diraan,shicibka loo diid,

Ninba dawlis buu ceel ku ritoo,uu darsanayaaye,

Dadka oo la kala iibsadaa,doorkan soo baxayoo.

Nin waliba dilaal buu ka yahay,duul uu meel furay

Waxan la isku dilayaana waa ,aniga ii daaye

Hadba ka aynu dooranaa,kii ka sii daran

Maxkamadaa hadaan hoos u dayay,daacad baan jirin,

Hadaan gacantu duubnayn cidbaan,doodba kaa qorin,

Waxba hadalku yuu ila durkine ,waxaan ku soo duubay

Ilaahow na daawee adigu,daa,in baad tahaye.