Fashilka Isbahaysigii Xisbiyada Mucaaradika Ah Ku Yimi Waxay Jidka U Jeexaysaa In Shir Guddoonka Golaha Wakiiladana Lagala Wareego

Kadib markii ay soo baxday natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashooyinkii Somaliland ka dhacay 31 may 2021 Labda Xisbi mucaarid ee Somaliland Ucid iyo Waddani waxay ku dhawaaqeen inay samaysteen isbahaysi siyaasadeed oo ay ku hananayaan hogaanada sare ee Golaaysha deegaanada iyo Wakiilada madaama marka xildhibaanada cusub ee u soo baxay laysku geeyo ay tiro ahaan ka badnayeen kuwa usoo baxay Xisbul xaakimka Kulmiye. Ugu danbayntiina Guddomiyayaasha labada Xisbi waxay soosaareen heshiis ay warbaahinta la wadageen taas oo ay ku cadaynayaan inay midoobeen oo ay Xildhibaanadoodu mid qudhaata yihiin kuwaas oo argti mid ah xambaarsan, lakiin arrin kaasi waxa uu ahaa mid ay ku dag dageen oo aanay hubsan madaama aanay hoggaanadu Xisbiyadu la tashaan ama aanay xog fiican ka haynin xildhibaanada cusub ee uu soo baxay ibo furkii guuldarada isbahaysiguna waxay ka dhacaday magaalooyinka Berbera , Gabiley ee xaruumaha gobolada Saaxil iyo Gabiley.

Gabiley iyo Berbera waa laba magaalo oo dhaqaale ahaan dhisan in maayiradooduna noqdaan Xildhibaanada Kulmiye ka soo baxay waxay xukuumada iyo Xisbiul xaakimkuba ku bixiyeen mood iyo noolba halka Xisbiyada mucaaridku ay arrintaa ka hurdeen oo aanay warba ka hayn dadaalkaa ay Dawladu ku jirto.

Golayaasha deegaanada Magaalooyinkaas tirada Xildhibaanadoodu waxay ka kooban yihiin 13xildhibaan magaaladiiba isku gayntooduna waa 26 xildhibaan waxay Xisbiyada mucaaridku heleen 15 xildhibaan marka laysku geeyo labadoodaba oo u dhigmaysay 75% taas oo ay aqlabiyada lahaayeen mucaaridku haddii uu shaqayn lahaa heshiiskii ay gadheen hogaanada sare ee Xisbiyaduna maayirada magaalooyinkaa Xisbul Xaakimka kulmiye si fudud kumuu qaateen isagoo ka Xildhibaano yaraa wadarta dhinacyada kale.

Doorashadii Maayirka Berbera Iyo Dhacdooyinka Xiisaha leh Ee Ku Duugan

Doorashadii uu golaha deegaanka cusub ee magaalada berbera ay dooranayeen maayirka iyo maayir ku xigeenka magaaladaasi waxay ka dhacday xafiiska badhasaabka Saaxil iyadoo ay goob joog ahaayeen kowba iyo toban xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada cusubaa ee la soo doortay, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Gadiidka iyo hormarinta jidadka iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Xildhibaanada xisbiga kulmiye uga soo baxay degmada Berbera waxay ahayeen 6 Xildhibaan halka xisbiyada mucaaridku ay heleen 7 Xildhibaan taasi waxay ku tusaysaa inay xisbiyada mucaaridku ay aqlabiyada lahayeen go’aan ka gaadhista xubanaha sare golaha deegaankuna ay iyaga ka go’aysay.

Markii la gudo galay u codayntii maayirka magaalada Berbera waxaa goobta joogay 11 xildhibaan waxaana u tartamay laba xildhibaan oo ka socoda xisbiga kulmiye kuwaas oo kala ahaa Cabdishakuur Ciddin Iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji inkastoo aanu ka soo qayb galin madashaasi musharixii sida weyn loo sadaalinayay inuu noqodo maayirka magaalada Berbera ee ka soo Xisbiga Ucid Xildhibaan Maxamed Ibraahim Ismaaciil Dable.

Cabdishakuur Ciddin oo loo doortay inuu noqodo maayirka magaalada Berbera waxaa u codeeyay oo farta u taagay 8 Xildhibaan oo iskugu jira mucaarid iyo muxaafid ba.

Doorashadii Maayirka Gabiley Iyo Dhacdooyinka Xiisaha leh Ee Ku Duugan

Doorashadii uu golaha deegaanka cusub ee magaalada Gabiley ay dooranayeen maayirka iyo maayir ku xigeenka magaaladaasi waxay ka dhacday xafiiska badhasaabka gobolka Gabiley iyadoo ay goob joog ahaayeen saddex iyo tobankii Xildhibaan ee cusubaa kuwaas oo la soo doortay, Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley.

Xildhibaanada xisbiga kulmiye uga soo baxay degmada Gabiley waxay ahayeen 5 xildhibaan halka xisbiyada mucaaridku ay heleen 8 xildhibaan taasi waxay ku tusaysaa inay xisbiyada mucaaridku ay aqlabiyada lahayeen go’aan ka gaadhista xubanaha sare golaha deegaankuna ay iyaga ka go’aysay.

Markii la gudo galay u codayntii maayirka degmada Gabiley waxaa goobta joogay 13 kii xildhibaan waxaana u tartamay laba xildhibaan oo ka kala socoda labada Xisbi ee kulmiye iyo Ucid kuwaas oo kala ahaa Maxamed Amiin Cumar Iyo Cabdirashiid Maxamed Faarax.
Maxamed Amiin oo loo doortay inuu noqodo maayirka magaalada Gabiley waxaa u codeeyay oo farta u taagay 7 xildhibaan oo iskugu jira mucaarid iyo muxaafidba.

Dhacdada kale ee magaalada Gabiley lagu arkay doorashadii maayirka waxay ahayd Talaabo uu ku kacay maayirkii hore ee magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar oo imikana loo caleemo saaray maayirka cusub ee magaaladaasi taasi oo ahayd inuu xildhibaanadii isaga tabacsanaa ee u codeeyay si u maayir unoqodo kuwaas oo ka soo kala baxay saddexda xisbi uu maalin ka hor magaalada Gabiley ka saaray oo uu la tagay magaalada xeebta ah ee berbera si aan loogala wareegin.

Lama filayn oo marnaba may dhacayn inuu ama laysma lahayn Xildhibaan Waddani ama Ucid ka soo baxay ayaa u codeeyan doono mid kulmiye ah si uu maayir u noqodo haddii qorshaha xisbiyada mucaaridka Somaliland sidiisa uu ushaqayn lahaa, guuladarooyinkaa ka soo gaadhay magaalooyinka qaarkood may dhacadeen.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay heshiiskii isbahaysiga ahaa ee ay gadheen labada guddoomiye Xisbi mucaarid ee mudane Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Ciro aanu ahayn mid lugo adag ku taagn madaama ay labadan masuul hore Maxakamad isula galeen iyagoo ka wada tirsan Xisbiga Ucid iskuna haystay lahaanshaha Xisbigaas Maxkamaduna ay u xukuntaya Gudoomiyihii waqtigaas ahna Guddomiyaha waqti xaadirkan ee Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan ciro na cadhadii uu ka qaaday xukunkaas ay Maxkamadu soosaartay uu ufurtay Xisbiga Waddani oo ka mid noqday saddexdii xisbi eek a soo gudbay Doorashadii Dawaldaha hoose ee dalka ka dhacaday 2012.

Sidaa Awgeed, Guddomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ma aha kuwo isku lab xaadhan ama isku kalsoon taasina waxay jidka u jeexaysaa ama ay ku tusaysaa guuldarooyinka sugayasa ee ah in hogaanada dalka oo dhan lagala wareego gaar ahaan shir gudoonka golaha wakiilada ee sida aadka loo wada sugayo.

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine