FARSAMO MISE FURSAD ?

Qurbaha waxaa ka jira dad xirfad ka dhigtay inay dadka lacago ka aruuriyaan, dadkaasi waxay wataan gawaadhi waxay isaga kala gooshaan gobal ilaa gobal, tuulo ilaa tuulo, qaar kood waxay sitaan buugaag waaweyn iyo faylal ay kusoo qorteen mashruucyo maal galin ubaahan iyo rasiiddo ay u jaraan qofka lacagta ugu yabooha. Xirfad layaashaasi marba xeelad ayay ku shaqaystaan. Mar waxay kuu sheegayaan ina masaajid la dhisayo ay lagac ururinayaan, mar waxay ku tusayaan sawiro laga soo qaaday caruur iyo dad tabar daran waxay kuu sheegayaan inay doonayaan inay dadkaa caawiyaan adigana sidaa kuugu yimaadeen. Mar waxay ku dhahayaan meel hebla oo aan madaraso caruurtu wax ku barato lahayn ayaa dugsi loo dhasiyaaye wax keen oo ka qeyb qaado.

Xaqiiqaduse intaaba way ka duwantahay oo lacaghan ay gurayaan iyagaa cuna oo isticmaala waxa laga yaabaa inay wax yar siiyaan dadkaa ay ku qaraabteen magacooda. Waa caan, wadaado ayay iska soo dhigaan, waa dad lawada yaqaan waa kuwo la ogyahay inay sidaa ku xamaashaan, lalama yaabo oo waa dad shaqaysanaya!

Dhowr sano ka hor soomaalida ingiriiska dagan ayaa ubaahday inay iibsadaan guriweyn oo ay doonayeen inay masaajid ubadalaan, gurigu qiimo lacageed oo aad ubadan ayaa lagu iibinayay, taasi waxay keentay in dadkii gurigaa rabay inay iibiyaan ubaahdeen awood dhaqaale si ay dhaqaalahaa u helaanna wuxuu qorshihii noqday in telefishinka laga baahiyo, in muuqbaahiyaha rag culimo ah lasoo fariisiyo si ay dadka ugu qanciyaan inay lacag bixiyaan kuna booriyaan sadaqada iyo masaajid dhisidu fadliga ay leedahay. Barnaajikaasi wuxuu ahaa kii u horeeyay ee telefishin laga baahiyo intaan ogahay waanu guulaystay oo sidii larabay ayuu udhacay.

Waxaa jiray isna barnaamij 2006 dii lagac adag loogu aruuriyay dadkii ku barakacay fatahaadii wabiga shabeelle kasoo kabixi jiray idaacadii hornafrik. Waxaan xasuustaa in hal habeen kaliya lagu soo xereeyay lacag boqolaal kun oo dollar ah. Waxay ahayd arin aad u wanaagsan oo muujiysay gacan furnaanta iyo isu kaalmeynta soomaalida, waxay marag u ahayd in soomaalidu wax wada qabsan karto hadii maamulayaal wanaagsan la helo.

Lacagtii faraha badnayd ee la aruurshay ma jirto cid si dhab ah u og meel ay martay iyo qaab loo bixiyay toona.waayo? Ma jirin nidaam daah furnaan ah oo lagu maamulayay iyo cid maamulayaasha la xisaabtamaysay toona.

Maanta muuqbaahiyayaasha soomaalida waxaa kawada socda lacag aruuris xad dhaaf ah oo dadka lagac looga guranayo. Barnaamijii halka masjid lagu bilaabay maanta wuxuu marayaa meel aad u foolxun, waxaa lala baxay magacyo kuwii xawaaladaha oo kala ah oo midba wax gooni ah lagu sheego, waxaad arkaysaa hal nin oo maalinba hay’ad magac gargaarleh oo cusub soo bandhigaya oo leh waa hay’ad gargaar oo dadka caawinaysee kusoo rida!. Waxaa laga yaabaa dadka badankii inaanay la socone waxaa jira mid kamida wadaadada lagacaha dadka ka gura oo quraanka cod macaan ku aqriya kalkuu dadka lacagaha weydiinayo, ninkaasi wuxuu iska ahaa macalin tvga quraan ka akhrin jiray wuxuu furtay hay’ad gargaar markay si fiican u shaqaysay ayuu mid kalena furtay oo ilsa tiifiigii midba habeen kasii daayaa! Intaa kuma joogsane xaaskiisuna mid bay furatay oo iyaduna habeen ayay tiifiiga ku leedahay iyadaana dadka lacagaha ka gurta. Halkaa marka ay marayso ummalayn maayo inay cidna shaki kaga jirto siifinimada siday wax u socdaan

Sidee lagacahaa loo qeybsada

Lacagaha la aruuriyo %25 waxaa qaata tiifiiga. 20% waxaa qaata nimanka mashruuca wata. Waxay dhahaan 10% xawaaldaha ayay ku baxdaa. 10% kalana waxaa qaata dadka dalkii jooga ee qaybinaya siday sheegaan, dadkaasi intooda badani waa qaraabada mushruuclayda ama qaar ururkooda ka tirsan. 5% waxay ku baxdaa tasiilaadka iyo gawaadhida la is ticmaalayo. Maxaa soo haray 30% sow maha? Intaa ayay dhaheen waxaa lagaarsiiyaa dadkii magacooda lagu soo aruuriyay. Waxaa shaki ku jiraa in xitaa intaa dadkii gaareen.

Waxaa oo dhan maxaa isoo xasuusiyay?

Maalmahan waxaa baraha bulshada aad u dhex wareegayay mashruuc kuwaa la mid ah oo loo bixiyay “fursad fund” mashruucan sida kuwii hore waxaa ku jiro wadaado qamiisyo xiran, siyaasiyiin qamiis soo xirtay iyo dhalin yaro mashruuca lagu sharaxay. Waxaa la sheegayaa mashruucan inay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo niman ah.

Waxaa barnaamijka suuq geyn usamaynaya dhalinyaro firfircoon oo fara fudud kuwaa oo baraha bulshada si fiican ugu faafinaya. Hal ku dhigyadooda waxaa kamid ah; “Noqo deeq bixiye”. “Fursad abuur” “fursad fund waxaa iska leh aniga adiga, waxaa loo sameeyay innaga” yaa? Oo yaa noo sameeyay? Mooji. Yaa kaaga jawaabaya.

Dadbaa taageeray qaarbaa lacag ku tabarucay, qaarbaa amaanay oo bogaadiyay. Intaaba way usacaba tumeen oo waa lasoo dhaweeyay howlo karro halyeeyo ah ayaa lagu sheegay.Bulshada intii dhaliishay ee su’aal ka keentayna waa la huruufay oo layska foogeeyay. Dhalinta suuq geynta samaynaysa hadalkoodu wuxuu dhanna u dhaafi waayay “is aaminaadii ummadda ayaan dib usoo celinaynaa”. “Waa inay dadku is aaminaan”. “Na aamin oo lacag iska soo dir hadii kale naga tag”. Halkaa waxa ka muuqata in wax lala dhuumanyo jiraan, deg deg iyo hoosaasis badanina ku jiro. Dhalinta waxaa laga dheehanayaan howshan loo soo dhiibay inaanay si fiican ugu dhacsanayn waxaana muujinaysa inaanay wajihi kari mowjadaha falcelinta ka soo horjeeda.

Durbaba waxaa soo baxay is heysi, waxaa badka yimid dad sheeganaya fikirka in lasoo xaday oo so sharci darro ah loo adeegsanayo fikiradoodii iyo mashruucoodii. Durba isdiidooyin badan baa kasoo baxay xafladii furitaanka. Waxay sheegeen inuu yahay barnaamij soomaalidu leedahay afkoodaba u hiilinaya hadana macaga mashruuca waxaa kamida ah “fund” ma soomaalibaa? websitekoodu wuxuu ku qoranyahay luqad qalaad. Lacagta ay dadka weydiinayaan maaha shiling soomaali ee waa doolar. Waxay sheegeen inay siyaasad ka madax banaanyihiin hadana nusdambeedka iyo aas aasayaashuba waa siyaasiyiin. Isla siyaasiyiintaa ayaana daah furay.

Dhalinyarada howsha wada markaan arkay waxaa iisoo baxday inay yihiin qaar aan wax badan kala socon waxa loosoo dhiibay. Waayo? Haday wax kala socdaan ama qeyb ka yihiin dadka kasoo horjeeda ayay ku qancin lahaayeen waxan ay wadaan.

In video lasoo duubo ama qoraal lasoo qoro oo dadka lagu yiraahdo occount hebel lacag kusoo rida aan wax kale la socon waa ku muxaafsi munaafaqad badani ku jirto. Suaalahan ayaa ubaahan in si saafi ah oo aan saxar lahayn looga jawaabo;

 

Yaa aas aasay mashruucan? Mashruucani gole dhexe iyo mid fullineed ma leeyihiin? Waa imisa dadkaasi? Dadka madaxda ka ahi ma kuwii mashruuca sameeyaybaa mise waa kuwa gudi doortay oo xili cayiman iyo howl cayiman qababaya? Sharciyadda ay ku shaqaynayaan maxay tahay? Hadii madaxdu musuq gasho yaa ka masuul ah? Howlaha sidee loo qabanayaa? Haduu fashilmo oo uu socon waayo lagacaha account yada ku jira sidee loo maareynayaa? Account yada yaa maamulaya,Madaxda meesha haysata mise dad kale?

Markaad wax badan eegto waxaa kuu muuqanaya in barnaajikani jalbo iyo xamaasad ku dhisan yahay.

 

Goljilicda ummadda ee wax bixinta iyo gargaaridana laga faaiidaysanayo.

 

 

 

W/Q faisal hussein

 

Faisalyacni07@gmail.com