Fariin Walalnimo.

 

Mudane/Marwo Waan Dareemaya Qaar Badan Oo Idinka Midi Waxad ku Mashqulsantihin, Dajinta Qorsha Sanadka Cusub aad ku Wajihi Lahaydeen, Halka Qaar Idinka Mid ahiina Ayba Suura Gal Tahay In Ay Diyaarsadeen Qorshahoodi 2016. Kuwa kaleena aysan aqoonta iyo wayaahooda noololed u samiixin in ay diyaarsadan qorshaaga oo kale

In Qofku Wakhtiigisa Qaab Cilmiyeeysan U Qorsheysa Waa Hab-Nolooled Inaagu Cusub Oo Waxaaba Suura Gal Noqon Karta iska Da Awoowyasheene in aysan abaayasheen u suura galijirin in ay wakhtigooda Qaab Cilmiyeeysan Uu Qorsheytaan.

Haa, Waa Runta Adu Abaaha, Adeerka iyo Abtigaaba Waad Ka Nasiib Badantahay Mar Hadiiba Aad Nasiib u Yeelatey in aad Noqoto Qof in Uun Wax-Bartey, Waxa Suura Gal Ah Markii Da’daada uu ahaa Abaaha u ku mashquulsana Sidi u geel ama Xoolo kaleeba u Tabcaan laaha, Tabacashaadasna ku Dhiiri Galisey in uu Noolosha Rajo weyn ka yeesho Halka adiga Wax-barashadu kugu dhiiri galisey in aad noolosha Rajo ka yeelatiid. Kabacdiina aad Noqotid qof ku mashquulsan xili walba sidi uu wakhtiigisa uu Qorsheyn laaha.

Waan Dareemii Kareyna In ay ka mid yihin Qorsho Yaashada Sanadka Cusub, Helista ama Qadashada Shahadooyin Cusub oo Aqoonta madiga ku sabsan, iyo Waliba Gaadhida Mansabyo Noololed, Dhamaan Qorshoyaashad Ma xuma, Laakin Waxa Wajib ah in aad Maankaaga ku haysid Allihi (Jalla Wacala) ku Abuurey Kuna Suura Galiyeey Nooloshan iyo Aqoontan Aad wax ku qorsheeyneysiidba,
Guntii iyo Gunaanadkii Hadalkeyga Mudane/Marwo Waxa Xaq ah in Qorshaayashada Sanadka Cusub Anaad Ka reebin Xoojinta Aqoontada Diimeed,

Waa in ay ka muuqdaan Qorshaahaga Sanadka Cusub, Sanadka inta Kitaaab Ee aad Dhigaan Doontid, Inta Kitaab Ee Aad Dhameyn Doontid iyo inta Qof Ee Alle Dartii aad Wax Tar Aqooned iyo Mid Maadiba u Geysan Doontid, Sido Kale Waa in ay ku Xusnaadan Qorshahaaga Inta Qof Ee Asxabtaada Ah Ee Aad ku Soo Dhiiri Galin Doontid Macaanka Diinteenta Suuban.

Mar Kasta iyo Meelkastaba Ha Hilmaamin Xuska Eebe.

Mahadsanid
AbdiKhadar Hies Abdi
Burco-Somaliland