Falanqaynta siyaasada cusub ee madaxweynuhu ku dardar galinayo dadaallka citiraaf raadinta.

_____________________________________________________________________________________

Citiraaf buuxa oo uu qaranka somaliland ka helo beesha caalamka waa hamiga iyo hiigsiga koowaad ee ay leeyihiin shacabka reer somaliland ee ku dhaqan gudo iyo dibadba.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed silaanyo tan iyo markii ay la wereegtay talada dalka waxa ay la yimaadeen siyaasad arimo dibadeed oo ka furfuran dhamaan siyaasadihii arimaha dibada ee xukuumadihii ka horeeyey,

Furfurnaantaasi ayaa keentay in inbadan oo kamida indhaha beesha caalamku ay ku soo jeestaan ama soo eegaan arimaha somaliland, waxa xoogaystay xidhiidhada wadamada jaarka iyo qaar badan oo kamida caalamka,

Madaxweyne siilaanyo isagoo maanka ku haya ka midha dhalinta hamiga umada reer somalland oo ah helida aqoonsi buuxa, ayuu sanadkan cusub ee 2016ka u dajiyey siyaasad cusub oo sii dardar galinaysa dadaalkii hore ee socday,

Taas ayaa soo dhawaynaysa ictiraaf somaliland ka hesho beesha caalamka, hadaba qoraalkan kooban ayeynu ku faaqidi doonaa qodobada ugu muhiimsan siyaasada cusub ee arimaha dibada ee ku jirtay khudbadii madaxweynaha ,

Magacaabida gudi ka shaqaysa arimaha ictiraaf raadinta.

In la helo gudi si gaara uga shaqaysa dajinta siyaasad iyo qorshayaal lagu gaadhi karo aqoonsi buuxa oo laga helo beesha caalamka, waa mid ay in badan aqoonyahanada siyaasada arimaha dibada somaliland falanqeeyaa ay ku celcelin jireen abuuristeeda,

Gudidani waxa ay door muhiimada ka ciyaari doontaa siyaasada arimaha dibada iyo dadaalka loogu jiro helida aqoonsi buuxa oo aynu beesha caalamka ka helno, sidoo kale waxa ay dardar gelinaysaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo oo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho hamiga koowaad ee umada reer somaliland,

Abaabulka qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda

Sida laga wada dharagsan yahay qurba jooga somaliland ee ku dhaqan dunida dacaladeeda intooda badan waxa ay qayb wayn ka ciyaaraan horumarka dalka iyo arimaha aqoonsi raadinta, waxana tusaale inoogu filan, dadaalkii ay qurba jooga ku nool dalka uk ay ku keeneen aqoonsigii ay somaliland aqoonsdeen golayaasha deegaanka ee Sheffield, Cardiff, iyo Tower Hamlet, kuwaasi sadexdubana u gudbiyeen Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland, dhiiri galinta iyo abaabulka qurba joogu waxa badanbay ku kordhinaysaa dadaalka ictiraaf raadinta.

Tayeynta xafiisyada iyo wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka dibadda.

Xafiisyo si buuxda u qalabaysan iyo wakiilo aqoon buuxda u leh shaqada ay qaranka u hayaan ee safiirnimo waxa ay kaalin mug leh ka qaadanaysaa inuu wanaagsanaado xidhiidhka u dhaxeeya somaliland iyo wadamada aynu wakiilada ku leenahay, hir galinta xidhiidho caga adag ku taagana waxa ay soo dadajinaysaa ictiraaf buuxa oo aynu helno,

Dardar galinta iyo sii anbaqaadida wada hadalada somaliland iyo somaliya.

Talaabada ah in wadahadalo lala galo dawlada somaliya waa mid hore loo qaaday oo uu madaxweyne axmed siilaanyo ku talaabsaday , maxaa yeelay wadanka somaliya wa dal aynu mar wax isku darsanay sidaa daraadeed wax badanbaa inaga dhexeeya, waana loo baahan yahay inaynu si fiican u kala gurano, in wada hadaladaaa la dardar galiyo oo lasii wadana waa mid loo bahan yahay,

Gabagabdii waxaan ku soo afmeerayaa maqalkan kooban,

Dardargalinta dadaallka citiraaf raadinta, abaabulka qurba jooga iyo tayeynta xafiisyada iyo wakiilada inoo fadhiya dalalka dibada, waa hilinka guul la mahadin karo oo aan ka gaadhno siyaasada arimaha dibada iyo helida ictiraaf buuxa.

W/Q : Mohamed mahamuud ahmed

Emial : mkhadar30@gmail.com