FADLIGA MAALINTA CARAFO

Maalinta Carafo waa maalin weyn oo khayr iyo fadli badan,waa maalin la qabto kulan islaami ah oo aad u balaadhan,waa maalin ALLAH(swt) jecel yahay waxaana uu ugu faanaa Mala-igtiisa xujaydaas faraha badan ee iskaga yimi caalamka(aduunka) .

Sidaa awgeed xaajiga ama xaajiyada waxaa laga doonayaa inuu  maalintaa Carafah ALLAH(swt) u toobadkeeno,oo isku duleeyo una qushuuco iyo inuu badiyo baryada ALLAH(swt) isaga oo rajeynaya naxariistiisa iyo dembi dhaafkiisa.Waayo Allah(swt) maalintaa adoomadiisa ku sugan banka Carafah ayuu u dembi dhaafaa,naartana ka xoreeyaa.

ALLAH(swt) Waa wanaagsan yahay,Waana deeqsi,Adoomadiisa u martida ahna ducadooda ayuu aqbalaa.

Caasha Allah ha ka raali noqdee waxay ka werisay Nebiga(scwm) inuu yidhi:

Ma jiro maalin ka badsatey maalinta Carrafah in Alle ka xoreeyo adoonka naarta.

Cabdilahi Bin Cabaas Allah raali ha ka noqdee waxaa laga soo xigtay in Nabiga(scw) yiri:

Ma jiro Maalmo uu Allah(swt) ka jecel yahay in la guto camalka wanaagsan(cibado) tobankan maalmood ee ugu horeeya horeeya Dul-Xija markaas  ayey yiraahdeen Saxaabadu : Xitaa Jidka Alle oo lagu jahaado?

Wuxuu yiri :Xitaa jidka Alleh oo lagu jahaado,laakiin ninkii jihaadka taga oo naftiisa iyo xoolihiisa jihaadka  u hura, ka dibna aanan waxba la soo noqon kaas ayaa ka sii fadli badan.

Fadliga maalinta Carafah maqalkan yar lagu soo koobi karo,waxaa suno ah in qofka muslimka ah ee aan xaajaynin maalintaa carafah uu soomo.

Abu Qataada Alleh raali ha ka noqdee wuxuu ka wariyey nebiga(scw) inuu yiri:

Qofkii sooma maalinta Carafah Ilaahay wuxuu u dembi dhaafaa qofkaas laba sannadood dembigood.Sanadka soo socda iyo Sanadkii tegey.

Qofkiise xajinaya waxaa u sunno ah inuusan soomin waayo wuxuu gudanayaa manaasikta xajka ee kala duwan, wuxuuna ku jiraa safar adag.

                Dhamaad.

Mahad dhamaanteed Alle ayey u sugnaatay

M J Farah

Political analys and writer

Tixraac:Axkaamta xajka ,Cumrada iyo siyaarada (p.66),Sh.Cabdalla Maxamed Maxamuud