Faallo: Taariikhda Somaliweyn iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Somalia Maanta – W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

faalloUmmadaha Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxay ka gilgisheen Gumasigii Reer Yurub ee ku habsaday taariikho kala duwanaa iskana rideen heeryadii gumeysiga. Kacdoonadii iyo halgamadii xornimadoonka ahaa ee ka kacay Afrika iyo Caaalamka Carabta kontameeyadii iyo lixdameeyadii (1950s and 1960s) waxay ku salaysnaayeen hilow wadaninimo iyo himilo weyn. Qaar ka mid ah dadyowgii gumaystuhu kala qaybiyay waxay hiyiga ku hayeen inay midoobaan oo la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad. Dalalka Carabta waxaa ka jiray aragtida Carabweyn oo hayd in la mideeyo dalalka Carabta taas oo uu hormood ka ahaa dalka Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. In kasta oo madaxdii kala geddisanayd ee Carabtu ay

dhabarka u jeedisay Falsafaddii Carabweyn xukun jacayl iyo qabyaalad awgeed, ayaa waxaa haddana madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ku guullaystay sannadkii 1958 inuu mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961 markii Suuriya ka baxday si lama filaan ah, sidaasna waxaa ku fashilmay Aragtidii Carabweyn ee bilowga ahayd.

Sidaas oo kale, waxaa Geeska Afrika ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Aragtidaas xoogeedu waxay bilaamatay badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945). Halgamadii xornimadoonka ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn.

Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn sidii Carabweyn ay u burburtay. Waa midda kowaade, Dalka Jabuuti ayaa markii uu xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somalia ka duudsiday Somaliland saamigii ay ku lahayd dawladdii midowga ahayd. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia kula kacday Somaliland dulmi iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada iyo Somalinimada mudadii uu jiray midowgu (1960-1990). Waxaa lagu maahmahaa, “Dambas aadan dabkiisa ku guban kama leexatid”. Somaliland waa ku gubatay midowgii waana ka noqotay. Somaliland iyo Somalia ma ahayn labadii dal ee midowgoodu burburo. Waxaa sidaas oo kale u burburay Midowgii Masar iyo Suuriya sannadkii 1961, Midowgii Sofiyatka sannadkii 1989, iyo Midowgii Fedaraaalka Yugoslavia sannadkii 1995,

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga duudsiyay sedweyn oo ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay Gole Sare, baarlaman, wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jahuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii, xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dadkii iyo dalkii Jamhuuriyaddii ay martida ku ahaayeen.

Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan waxba wada lahayn. Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado. Qofku dal kale waa ka shaqaysankaraa haddii aanu faragelin ku samayn dawladnimadiisa.

Waa Maxay Dhibaatooyinka Somaliweyn ku Hayso Somalia Maanta?

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in hogaamiyaha iyo milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya ee ku sugan Kismaayo oo aan amar ka qaadan Unisom iyo dawladda Somalia. Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo dagaal kula jira kooxdan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia.

Sannadkii 1977 ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia qabsatay Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya ka tirsan, ayaa waxaa dhacday in Jabhaddii la odhanjiray Somali Galbeed ay diiday in calankii Somalia laga taago dhulkii la xorreeyay kana taagtay calankii jabhadda qaybtii ay ku lahaayeen dhulkaas, maantana waxaa la rabaa in magaca Somaliweyn lagu boobo gobollada ugu muhiimsan Somalia. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada. Dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia waxaa suurtogal ah inuu Kenya u soo jiido jab, burbur dhaqaale, iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya.

2. Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada lagu ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka degila’dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, waxaanay dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.

3. In badan oo ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala socdaan 5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna Somalia ka dhiseen Fadaraalka Somaliweyn ku salaysan wax lagu magacaabo 4.5 oo ah dawladnimo ku dhisan qabyaalad si ay ugu danaystaan, arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka Somalia ka duudsiyay jagooyin iyo darajooyin badan oo ay xaq u lahaayeen. Beelahan ayaa maalinkasta ka cawda dawladda kadib markii ay waayeen saamigii dawladnimada ee ay xaqa u lahaayeen oo loo loogay magaca Somaliweyn.

4. Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay u sii kala fogaadaan.

Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida iyo xukunka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become parasitic philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan.

Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn waana ku gef ummadda Somaliland in dalkeeda oo ay xukunto ku tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku salaysan Somaliweyn aan waxba ka dhaxayn. Sida lala wada socdo 1960 waxaa israacay Somaliland iyo Somalia oo qudha ee isma raacin Somaliland iyo Somaliweyn. Wada hadallada u socda Somalia iyo Somaliland marnaba lagama sugayo inay midho dhalaan inta Somalia ay gacanta ugu jirto hugunka iyo buuqa magaca aan jirin ee Somaliweyn oo ay Somaliland ka xorrayday 1991. Haddii Somalia ay ka jirilahayd dawlad ay leeyihiin dadka Somalia waxaa suurtogal noqonlahayd inay labada ummadood si weyn isku fahmilahaayeen oo uu dhexmarilahaa is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo maadaama ay markii horeba ahaayeen laba dawladood oo is-raacay

Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda Somaliland xilligii midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in kale. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay ummadda Somalia danaheeda ugu seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku imanayaan? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay Siyaasad ku dhisan dulmiweyn iyo isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta ahayn ku soo qulqulaan kuna mamaan xukunka iyo hantida Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorreeyaan dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990.

Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin, una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee Itoobiya waxa uu leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay oo qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya waa dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama jinsinimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: June 11, 2013.