Faallo: Somalia Maanta Kama Jirto Dawlad Dadkeedu Leeyahay Oo Gelikarta Wadahadal – Ibrahim H. Gaagaale

faalloSida taariikhda ku cad waxaa sannadkii 1960 uu midowgii fashilmay dhexmaray Somaliland (Waqooyigii) iyo Somalia (Koonfurtii) oo ahaa laba dawladood oo cusub kana kala qaatay gobanimada Boqortooyadii Ingiriiska iyo Dawladdii Talyaaniga. Midowgaas ma dhexmarin Somaliland iyo Somaliweyn ama Somalia iyo Somaliweyn. Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti kama mid ahayn midowgaas kamana qaybgelin. Sidaas daraadeed, wadahadal kasta oo dhexmara Hargeysa iyo Muqdisho waa inuu ku koobnaado oo qudha labada ummadood ee Somaliland iyo Somalia.

Nasiib-darro, Somalia maanta kama jirto dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo Somaliland la gelikarto wadahadal midho dhalinkara. Waxaa Somalia ka jira maanta dawlad aan la kala lahayn iyo dal aan la kala lahayn oo ku salaysan 4.5 Somaliweyn (5ta Somaliyeed), waxaana laga dhisay baarlamaan iyo xukuumad Fadaraal Somaliweyn oo maroorsaday dawladnimadii ay dadka Somalia xaqa u lahaayeen. Markaas lama garanayo sababta ay Somaliland oo dadkeedu ka tasho wadahadal ula gelayso dawlad ku dhisan hugunka magaca Somaliweyn oo aan jirin oo aanay midnimo dhexmarin 1960 isla markaana ka soo baxayn wax natiijo ah. Somalia maanta waa raq ay ku degeen 5ta Somaliyeed oo wada hiigaya hilibkeeda sida koox waraabayaal ah, dadkeeduna go’aan kama gaadhikaro wada-hadallada.

Ayaxa Somaliweyn ee ku degay Somalia marnaba ma rabaan in labada ummadood ee Somaliland iyo Somalia is-afgartaan ama wada-hadaladoodu guulaystaan. Kooxda ka soo kala jeeda Somaliland, Kilinka 5aad ee Itoobiya, iyo Waqooyin Bari Keenya ee ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Muqdisho waxay u ordaan kuna dadaalaan in mar labaad uu Somaliland iyo Somalia dhexmaro midow ku salaysan Somaliweyn si ay u soo nooleeyaan siyaasaddii is-ku-dul noolaanshaha iyo is-qabsashada ee Somaliweyn oo Somalida aan xorta ahayn ku mameen kuna waalifeen xukunkii iyo maalkii Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia xilligii Taliskii Siyaad Barre isla markaana sida shinnida ugu degaan Somaliland mar labaad oo dawladnimadeeda ka dhigaan raq ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed sida maanta ay Somalia ugu yurursadeen iyaga oo adeegsanaya magaca Somaliweyn. Waxaa dadka Somalia lagu khiyaameeyaa inay Muqdisho tahay hooyada Somaliweyn oo aan 5ta Somaliyeed kala lahayn dawladnimadeeda sidaasna dadka Somalia looga duudsiyay dawladnimadoodii ay xaqa u lahaayeen.

Figradda Somaliweyn waxay ahayd aragti soo shaac-baxday bilowgii Dagaalka Labaad ee Adduunka (1939-1945) taas oo ujeedadeedu ahayd in la xorreeyo 5tii Somaliyeed ee Gumeysigii Reer Yurub u kala qaybiyay dadyowgii Somaliyeed ee ku noolaa Geeska Afrika, sida ku dhacday dadyow badan oo Afrikaan ah, dabadeedna la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika.

Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii iyo rajadii Somaliweyn. Waa midda kowaade, dalka Jabuuti ayaa markii uu xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somaliland si xun looga duudsiyay saamigii ay ku lahayd dawladdii midowga ahayd ee Jamhuuriyaddii Somalia. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia iyo Somaliweyn kula kaceen ummadda Somaliland duudsi dawladnimo iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada, Somalinimada iyo insaaniyadda mudadii uu jiray midowgu (1960-1990).

Caalamka Carabta waxaa iyagana ka dhex-jirtay aragtida Carabweyn oo ahayd in la mideeyo dalalka Carabta lana hoos keeno hal calan iyo hal dawlad taas oo uu hormood ka ahaa madaxweynihii dalka Masar Jamaal Cadi Naasir. Madaxweyne Jamaal Cabdinaasir waxa uu sannadkii 1958 ku guullaystay inuu mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961 markii Suuriya ka baxday midowgaas si lama filaan ah, sidaasna ay ku fashilantay Aragtidii Carabweyn ee bilowga ahayd.

Somaliweyn iyo Carabweyn waxaa labadaba fashiliyay qabyaalad darran iyo xukun jacayl fool-xun oo wax lagu baaba’sho taas oo keentay inay dadyowga Carabta ama dadyowga Somalidu kala aamin-ka-baxaan oo aanay waxba isku darsan. Dalalka Carabtu iskuma dulmiyaan figradda Carabweyn halka Somalidu isku dulmido figradda Somaliweyn. Dalalka Carabta kama dhex-dhacdo in lagu soo gabbado magaca Carabweyn oo dad dal carbeed ka tirsan ay ku qulqulaan dal kale oo carbeed si ay xukunkiisa iyo dawladnimadiisa wax uga qabsadaan waayo dalna ma oggola halka arrintaasu si fool-xun uga dhex-dhacdo dadyow Somaliyeed. Waxaa arrintan daliil u ah sida Somalia maanta ugu gacan-gashay wax lagu magacaabo Somaliweyn aan wax wada lahayn kana kala socota 5ta Somaliyeed.

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. lama garanayo inay aragtida Somaliweyn rumoobi iyo in kale, lamana saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in kale. Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta sannadkii 1960, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga duudsiyay saami weyn oo ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay Gole Sare, Gole Dhexe, wasiirro, agaasimayaal guud, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan waxba wada lahayn. Dhinaca dalalka Carabta, ninka u dhashay Masar ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado. Somalidu iskagama dhawa Carabta kamana duwana, wax ma wada laha, kamana dhaxayso dal iyo dawladtoonna.

Kadib markii ay sidaas ku fashilantay Aragtidii Somaliweyn ayaa waxaa dhacday in Figraddii Somaliweyn isku bedeshay siyaasad isku dul-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan xorraynta gobolladooda. Kuwa maanta Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida iyo xukunka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isku bedeshay siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale oo xor ah sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia oo ay qabsatay milliishiya hubaysan oo ka kala yimid Somalida Waqooyi Bari Kenya iyo Somalida Kilinka 5aad Itoobiya kuwaas oo gobolladaas ku soo galay magaca Somaliweyn iyaga oo taageero ka haysta ciidanka Kenya, arrintaas oo ay taageersanyhiin xubnaha ka soo jeeda labadaas gobol ee ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Muqdisho.

Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo kala jeeda Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ee Itoobiya ma matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan, awoodna uma laha inay tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkarto Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale oo lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa Somalia maanta, degaanna kuma laha Somalia laga soo doorankaro mustaqbalka. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya kuma jiraan dad u dhashay Somalia loomana oggola. Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia? Kooxdan oo og in gobollada iyo dalalka ay ka soo jeedaan aan loo oggolayn in dadka ka soo jeeda Somalia ka mid noqdaan baarlamaanadooda iyo xukuumadahooda maxay uga dhaadhiciyaan dadka Somalia in 5ta Somaliyeed aanay waxba kala lahayn?

Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn waana ku gef ummadda Somaliland in iyada oo dalkeeda xukunta ay ku tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku salaysan Somaliweyn. Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda Somaliland xilligii midowga ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan danaystinimada gabbaadka ka dhigta Somaliweyn aan jirin. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990. Ummadda Somaliland waxay iska xorraysay Somaliweynta ku dhisan doolaalada iyo dulmiga sannadkii 1991.

Waxaan ummadda Somalia u sheegaya inaaad leedihiin dalka iyo dawladnimada Somalia oo aanay Somaliweyn lahayn. Waad aragtaan in gobolloadii Jubbooyinka ee ugu qanisaan dalkiinna, noloshiinuna ku dhisnayd maanta la haysto oo ay haysashadaas taageersanyihiin kuwa ka buuxa baarlamaankiinna iyo xukuumaddiinna oo ku soo galay magaca Somaliweyn oo taageersan Ciidamada Kenya. Somaliweyn waxay maanta khatar ku haysaa dawladnimadiinna, madaxbanaanidiinna, iyo wadajir dhulkiinna. Waxaan idin kula talinayaa inaad iska xorraysaan Somaliweynta doolaalada idiinku timid ee dulmiga iyo duullaanka idinku haysa maanta. Iska xorreeya hugunka Somaliweyn ee booba baarlamaankiinna, xukuumaddiinna, hantidiinna, maantana sheeganaya qayb ka mid ah dalkiinna. Waa wax laga naxo in Somaliweyn oo aan wax wada lahayn ay maanta shidhaysato Somalia dhinacna kaga soo duusho

Waxaan ummadda Somaliland iyo xukuumadeeda u sheegayaa in wada-hadalada socda ay u muuqdaan in aanay ka dhaxayn Somaliland iyo Somalia balse ka dhaxeeyaan Somaliland iyo Somaliweyn waayo ma jirto dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo maanta ka jirta Muqdisho, wada hadalnna lala gelikaro. Maanta waxa Muqdisho ka jirta dawlad Fadaraal Somaliweyn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed ee Geeska Afrika. Markaas ma muuqato in marnaba wada hadaladaas ka soo baxaan natiijo qancisa labada ummadood. Waxaa lama huraan noqondoonta in wada-hadalada lala sugo inta Somalia ay ka dhalanayso dawlad dadkeedu leeyahay oo wada hadallo rasmi ah la bilowda Somaliland. Waxaa sannadkii 1960 midowgii fashilmay dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo qudha. Sidaas daraadeed, labaads dal oo qudha ayaa wada-hadaladu dhexmarikaraan, mana soo faragelinkaraa Jabuuti, Kilinka 5aad Itoobiya, iyo Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah kama ahayn xubno is-raacaas.

Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn ee aan jirin uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti is-bahaysi siyaasadeed ee dadyowga qoomiyaddda Somaliyeed oo rabay inay midoobaan balse suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen sokeeyenimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo aan la isku xad-gudbin.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: July 9, 2013.