Faallo Siyaasaddeed: Halkee Ayuu Saldhigi Doonaa Hirdanka Musharax Ku Xigeenka Xisbiga Waddani?

Marka laga eego xarraarada dhanka loollanka ka dhex aloosan musharax ku xigeenka xisbiga waddani  ayaa ahaa mid waayadan dambe dadka siyaasadda lafa guraa ay indhaha aad ugu hayaan, muddooyinkan  dambena waxa aad isu soo tarayay damacyo is huwan iyo hirdan badan oo ka jira cidii hanan lahayd booskaas musharax ku xigeenka.

Marka aad hannaanka iyo shaxda xisbigu u socodo eegtana  waxa jira awoodo dhawr ah  kala aaminsan laba fikradood  oo ah, in loo baahan yahay in musharax madaxweyne ku xigeenku uu noqdo saddexda dhardhaar ee gobolka awdal ku tiirsan yahay dhardhaarka aan wakhti xaadirkan musharax ku xigeen lahayn, halka qolada kalena ay doodoodu tahay in loo daayo gudoomiye ku xigeenka wakhti xaadirkan Axmed Muumin Seed inuu noqdo musharaxa ku xigeenka maadaama uu xisbiga halgan badan u soo galay oo aan abaalkiisa laga dhigin in laga dul guuro, iyada oo xaalku sidaa yahay marka loo sii kuur galo kooxaha kala wata laba fikradood waxa kuu soo baxaya in ay xoogan tahay kifrada ama hindisaha kooxda ka soo horjeeda inuu musharax ku xigeen noqdo gudoomiye ku xigeenka wakhti xaadirkani, in kasta oo sababaha hindisahaasi u xoogan yahay aan si dhab ah loo wada ogayn ayaa haddana dadka faaqida siyaasaddu waxay ku sheegaan in gudoomiyaha oo ah aasaasaha xisbigu uu isaga laftiisu hindisahaas wato iyada oo sababna ay u tahay in  walaac xagga codka ahi jiro, taasina waa ta keentay in dagaal xaga saxaafadda ah oo lagu  hayo gudoomiye ku xigeenka la arko  .

Haddaba marka aynu in yar dib u milicsano gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xisbigu waa laba nin oo saaxiib ah isla markaana hore uga soo wada tirsanaan jiray xisbiga Ucid ka hor dhalashada xisbiga Waddani, inta badan marka laga hadlayo xidhiidhkooga waxa in badan la sheegaa inay ka dhaxayso is qadarin badan.

Marka laga hadlayo xaga tacabka iyo aasaasidii xisbiga waxay ahayeen laba nin oo wakhti badan iyo hawl badan wada galiyay sidii xisbi ay u noqon lahayeen, marka iyadana laga hadlayo hawlaha iyo shaqooyinka xisbiga waxa lagu sheegaa gudoomiye ku xigeenku in aanu ka nasan hawlaha xisbiga iyo difaaciisa ba waana ta keentay in inta badan lagu arko saxaafada. Intaas yar ee guud marka u ah xidhiidhka labada masuul iyo tacabkooga marka aynu ka soo noqono.

su’aasha imanaysa ayaa ah gudoomiye ku xigeenku ma dareensan yahay calaamatul su’aasha la galiyay damaciisa?

Dabcan si weyn ayuu u dareensanahay, waxaanay ku sheegaan falanqeeyayaasha siyaasaddu in uu loollamo iyo xadhko hoose ku mashquulsan yahay isaga oo ka dhimbiil qaadanaya qunyar socodnimada gudoomiyihiisa oo lagu xanto inuu yahay nin is dhawris badan oo aad loo fahmin.

Iyada oo xaalku caynkaas yahay marka xogahaas iyo kuwa kale oo qarsoon ba la isu geeyo ayaa odorosyada ama saadaalaha siyaasaddeed ee laga filan karo hirdankaas hoose lagu soo uruuriyaa in arrintaasi ay qarax xisbiga ah keeni karto. Iyada oo ay jiraan saadaallo kala duwan oo laga bixinayo qaraxaasi qaabka uu noqon karo ama u dhici karo.

Aragtiyaha ku dhisan odoraska ama saadaasha  ee laga bixinayo qaabka qaraxaasi ayaa kala duwan waxaa se loo badan yahay in haddii  hindisaha xooga badan ee ah in aan Axmed Muumin Seed noqon musharax uu hirgalo ay taasi noqonayso in isaga iyo beesha uu ka soo jeedaaba ay ka tashadaan xisbiga waddani maadaama oo cid kale oo ay iyagu uga tacab iyo dadaal badnaaye laga door biday, waxa se ka hor  tashigaas la filan karaa in uu xisbiga dhexdiisa ka  abuurmo garab u eeg kii ka dhashay shirweynihii kulmiye balse magac ahaan ka duwan waxaanay faaqidayaasha siyaasaddu odorasayaan in garabkaasi uu hormood u noqon doono gudoomiye ku xigeenku isla markaana laga dhex arki doono garabkaasi siyaasiyiin badan oo miisaan ku dhex leh xisbiga, waxa xusid mudan in saadaaliyaashu  sheegaan in garabkaasi uu la bixi doono magac nuxurkiisa ay ku soo uruuriyaan “ Garabka Dimuquraadiyad Doonka Waddani”. Intaas ka dib waxa iyadana la filayaa in Axmed Muumin Seed , beeshiisa iyo siyaasiyiintaasi ba ay ku biyo shubtaan gabagabada xisbiga kulmiye.

Marka aynu isku soo duubno inkasta oo arrimahini saadaal siyaasaddeed iyo filasho ay yihiin xaajada xisbiguna wali tahay gacan uur ku jirta qaybkana Alle “SWT” uun uu ogyahay ayaa haddana ay noqon kartaa mid sidaa u dhacda in kasta oo ay noqon karta na mid sidaa ka duwan  oo noqota in gudoomiye ku xigeenkana la qanciyo oo uu hankiisa xabaalo,  musharax na cidda  kale ee imikaba la naawilayo  laga keeno. Waxaase aynu dhawr naaba waa sida wax u dhacaan iyo bilaha fooda innagu soo haya iyo  xagay giraantaaas laalani  ay cago dhigto !

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com