Durba Guulihiisii, Deg-deg buu u wada marey, Erey beena kuma Darin ~ W/Q: Baashe C. Gabobe

Eng. Bashe Abdi Gabobe
Eng. Bashe Abdi Gabobe

Xukuumadda kulmiye ee ‘Faanka badan’, waxyaabaha ugu horeeya ee cid walba ka dareemaysa waxa wayaan inaaney xaaladda dhabta ah ee shacabka Somaliland ku sugan yahey  wax ba ka ogeyn haddey tahey mid dhaqaale, mid nabadgelyo ama mid horumarineed. Waxa kali ah ee ay taqaannaa waxa weeyaan inay warbaahinta iyo TV-yada  iska faaniso  oo guulo aan jirin sheegato, Somaaliduna horey u tidhi, “nin is faanshey waa ri’is nuugtey.”

Waxa aynu ku jirna ololahi doorashada golaha deegaanka iyadoo la laaley diwaangelinti aynu wada ogeyn wixii hawl, tacab, khasaare naf iyo maal ee ka soo gaadhey shacabka S/L iyo xukuumaddi Riyaale taas oo maanta dhaawac weyn ku keentey geeddi socodkii dimuqraadiyadda iyo hoos u dhac ku yimid meeqaamki siyaasadeed ee S/L  ka joogtey mandaqadda geeska Afrika .

Waxa aan halkan ka qirayaa madaama aan ahaa guddoomiyihi xisbiga Kulmiye ee ololaha doorashada madaxtooyada saddexda gobol ee Galbeed in haddi doorashadi madaxtooyada ee dhacdey 26 June2010 lagu geli lahaa diwaangelin la’aan in udub ku shuban laheyd oo maanta aanu ahaadeen Axmed  Maxamad Silaanyo madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland . Miyaaney markaa aheyn wax lala yaabo in doorashadi ugu horeysey ee xukuumadda Kulmiye qabato ay noqoto mid bilaa diiwaangelin ah!

Miyaaney iska  caddayn in xukuumadda Kulmiye dooneyso iney ku shubato doorashada iyadoo adeegsaneysa xoolihi ummadda iyo awooddi dawladnimo taas oo caddaalad daro ku ah lixda  urur siyaasadeed ee kale , taasina  ay ku kallifeyso taageerayaasha ururrada kale in ay codeynta ku noq noqdaan {double voting] arrintaas oo keeni karta isku dhac bulshada dhexdeeda ah illaahey inaguma keenee iyo nabadgelyo xumo. Nasib-darro se, waxaynu  dib ugu noqoney halki aynu ka bilowney doorashooyinka December 2002 (back to square one).Natiijada ka soo baxda codeynta noocan ahi ma noqoneyso mid ka tarjumeysa xaqiiqada dhabta ah baaxadda taageero ee musharaxu ku leyahey deegaankisa, codadka u helay ee waa kolba sida u ugu noq noqosho badanyahey (Hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho). Haddaba, haddi doorashadan bilaa diwaangelinta ah Illaahey inaga nabadgeliyo, maxaa laga yeelayaa doorashada golaha Wakiladda ee soo socota ee sannad wax ka yar uga hadhsantahey?

Allahayow ma dooran naqaanee, adigu noo door .

Eng. Baashe C. Gaboobe