Doorka Ay Tiknoolajiyada Casriga Ahi Ku Leedahay Qishka Imtixaanaadka Heer Qaran Ee Somaliland

Ardayda Somaliland ee inta badan qisha imtixaanaadka heer qaran ee laga qaado ayaa imika dhisa habab cusub oo ay ku qishaan imtixaanka si ay u helaan darajo sare. Tiknoolajiadaya ayaa door weyn ka ciyaarta  qishka ka dhaca goobaha imtixaanaadka ee heerarka dugsiga sare galaaska afraad iyo dugsiga hoose galaaska sideedaad.

1

In waraaq uu ardayga ka qisho ama uu ka eegto imtixaanka islamarkaana ay isu gudbiyaan waxaa badalay tilifoonada casriga ah ee la yidhaahdo (Smart Phones) kuwaas oo ardayda ka caawiya inay qishaan imtixaanka shahaadiga ah iyagoo isticmaalaya barnaamijyada u sahlayaa qishka oo uu ugu caansanyahay ka la yidhaahdo (Whats up) iyo qaar la mid ah. Barnaamijyadan iyo program-yadan ku jira tilifoonada gacanta  ee casriga ahi waxay ardayda u sakhiraan inay si dhib yar u sawiraan imtixaanka una diraan fariin cida ay doonayaan inay ka caawiso imtixaanka gaar ahaan macalimiinta.

Hababkii hore ee wax loo qishi jiray oo ahaa qaab qoraalka ay ardaydu ku sameeyaan gacmahooda imtixaanka ka hor ama inay soo qarsadaan waraaqo ay wax kuqoranyihiin ayaa isna wali jira gaar ahaan maadooyinka sayniska iyo qaacidooyinka xisaabaadka. Waana waajibka wasaarada tacliinta inay ka hor tagto caadadan xun ee wax u dhimaysa qaranka iyo kalsoonida ardayda laftooda.

Arinta kale ee u baahan in loo dhug yeesha ayaa ah inaan dadka imtixaanka diyaariyaa bad badalin hababka ay u sameeyaan su’aalaha imtixaanka iyo xaataa hababka loo raaco oo aan la horumarin. Waqtiga aan joogno oo ah waqtigii tiknoolajiyada waxaa fudud in ardaygu uu si dhib yar wax u qisho isagoo isticmaalaya tilifoonada casriga ah ee la yidhaahdo (Smart Phones) iyo waliba qaabka loo dhigo waraaqaha intixaanka oo aan waligood waxba laga badalin ilaa maalintii la bilaabay.

Run ahaantii waxaan u kuurgalay  heerka qishka imtixaanka ee Somaliland oo waxaan waraystay arday badan oo sanadkii tagey u fadhiistay imtixaanka waxaanay iiga sheekeeyeen  kiisas badan oo qish ah.

Arday badan ayaa goobaha imtixaanka ku haysatay waraaqo loogu talo galay inay soo akhriyaan imtixaanka ka hor. Qaar kale waxay isticmaalayeen tilifoonada gacanta iyo baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho sida whats up  iyagoo fariimaha u diriyey macalimiinta iyo ardayda ka waaweyn  ama sanadkii hore dhamaysay si ay u qishaan imtixaanka.

Midhka ugu dhibka badan ayaa ah  qaar ka mid ah macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee ilaalinayay  imtixaanka oo arkayay waxaa goobaha ka socda oo iyagu doortay inay  iska indha tiraan qishka. Qaar ka mid ah ilaaliyayaasha ayaa ilaalinta imtixaanka uga faa’iideysanaya inay u eexdaan ardaydan ay ilaalinayaan iyagoo ku badalanaya dano dhaqaale.

Haddii xaalka qishka ee imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland uu sidaas sii ahaado; tayada tacliinta ee Somaliland oo markii horaba liidatay way ka sii dari doontaa. Ardayda ayaa iyaguna ka baran doona casharo aan wanaagsanayn oo saameeya noloshooda  waxaanay niyad jab u keeni doontaa ardayda dadaashay oo joojin doona inay wax akhriyaan.

Arinta kale ee khatarta ah ayaa ah inay dhici karto ina macalimiinta diyaarisaa sheegi karaan meelo muhiim ah si uu ardaygu uga diyaar garoobo. Macalimiinta iyo shaqaalaha ilaaliya imtixaanka ayaa qaarkood ardayda u ogolaanayaan inay isticmaalaan tilifoonada gacanta oo ay whats up wax iskugu diraan sida dhacaysay imtixaanaadkii u danbaysay.dhinaca kale Somaliland  waxaa hooseeya mushaharka ay macalimiinta dawlada u shaqeeya qaataan islamarkaana waxaa liita kormeerka goobaha waxbarashada markaa inta badan macamiintu daacad uma ah shaqadooda.

Tacliinta sare gaar dugsiga sare  waxaa uu muhiim u yahay  mustaqbalka qaranka curdinka ah ee Somaliland. Somaliland waxay u baahantahay inay la jaanqaado tiknoolajiyada islamarkaana shaqaale loo tababaro goobaha imtixaanaadka si ay u sameeyaan siyaasada laga leeyahay qishka islamarkaana ay u fuliyaan iyo in lagu sameeyo goobaha imtixaanka  kamaradaha laga eego dhacdooyinka (CCTV Camera) si loo kormeero loolana socdo waxaa ka dhaca goobaha imtixaanka lagu qaado gaar ahaan ka fasalka sideedaad ee dugsiga hoose iyo ka fasaka afraad ee dugsiga sare.

Marka aan runta isku sheegno  wasaarada tacliinta iyo saraakiisheeda ayaa qaadanaya masuuliyad qishka ardayda  sababtoo ah intay jirtay waligeed wasaarada tacliintu may u soo daabicin waalidka iyo dhamaan cida danaysa  heerka qishka ee imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland si loo qiimeeyo xaalada.

Macalimiinta qaar ayaa iyagana aan canaan u soo jeedinaya sababtoo ah marka lagu aamino galas inuu ilaaliyo imtixaan waxaa dhacda inay ardayda u ogolaadaan inay qishaan iyagoo isticmaalaya tilifoonada casriga taasi oo meel ka dhac ku ah shaqada macalinka.

Sida ay doontaba ha ahaatee tiknoolajiada casriga ahi waxay door aan la rumaysan Karin ka ciyaartay qishkii ka dhacay imtixaanaadkii u danbeeyay ee shahaadiga ahaa ee Somaliland. Ardaydu waxay qaar badani isticmaleen  tilifoonada gacan iyagoo fariimo direyay si ay u qishaan imtixaan taasi oo dhibaato xun u keeni karta arday iyo dalkaba xaga sumcada. Fariinta iyo talada aan u dirayo wasaarada tacliinta ayaa ah inay wajahan dhibka jira oo aanay indhaha ka qarsan sida lagu yaqaan madaxda afrika islamarkaana aanay iska indho tiran dhibaatada uu qishku keeni karo. Waxaan u baahanahay kaambayn wacyi galina ah inaynu bulshadeena kaga samayno xaga qishka inagoo is kaashanayna waalidiinta, madaxda wasaarada tacliinta iyo masuuliyiinta dawlada hoose. Qish dooni mayno waxaa uu magac dil ku yahay bulshadeena guud ahaan. Qishku waxaa u baabinayaa tayada tacliinya wadankeena.

Thank you

Mohamoud Dahir  Omar