DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH – Qormada 3aad ~ Qalinka: Axmed Cisman Batuun

 

Qormadii Labaad waxaynu soo tilmaanay bilawgii dugsiyada gaarka ah iyo xiligii ay dalka ka bilaabmeen, qormadana waxaynu kusii amba qaadi doonaa sidii ay usoo butaaceen.

Ku-sinNaan sanNadihii 2000, waxaa la arkay meelo badan oo ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka oo laga furayo dugsiyadan oo u kala baxa Hoose/Dhexe/Sare iyo qaybo la sheego in lagu barbaariyo carruurta da’doodu hoosayso (KG). Waqtigan waxay dadka usoo tafaxaytay ka ganacsiga aqoontu si toosa u bilaabeen bililiqaysiga barayaasha dugsiyada dawladda oo aan hore usoo xusnay sida loo afduubi jiray, waxaanay fadhatadu gaadhay waqtiyadii danbe in xataa ardayda la arko inay ku fiicanyihiin waxbarashada ee dhigta dugsiyada dawladda ay u yeedhaan ama waalidkood u ballan-qaadaan in bilaash wax lagu barayo loonasoo wareejiyo hadba dugsiga codsada ee gaarka ah; arrintan oo ah nooc cusub oo xayaysiis ah sirta ku jirtaana ahayd inuu dugsigaasi kaalmo fiican ka galo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka isla markaana ay waalidku ubadkooda keenaan dugsigaasi. Waxa tan garab socotay inay isku dayaan dugsiyada gaarka ahi inay faragaliyaan ama helaan xogo ku saabsan imtixaanada dawladda ee shahaadiga ah waqtiyada la qaadayo taasoo ka mid ahayd edeb-darrada ay soo kordhiyeen kooxaha iskuulada u furtay inay dadka danyarta ah si arxan-daran ugaga furtaan shilimaadka ay haystaan iyagoo filaya in ubadkooda si wacan wax loogu dhigayo.

Waxaa xasuusin mudan in qiimayno kala duwan oo aanu ka helnay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin macalimiin dhiga dugsiyadani ay sheegayso aqoon ahaan ilaa waqtigan la joogo inay ka dhisanyihiin ardayda dugsiyada dawladda dhigataa kuwa kale ee jooga dugsiyada gaarka ah oo ay kuwa dawladu horreeyaan gaar ahaan dugsiyada sare.

Inagoo haddaba aan soo koobi karin dhibaatooyinka iyo hagardaamada ay la timid tacliinta gacanta u gashay dad aan lexejeclo badan ka qabin danyartooda iyo aqoonta jiilka soo kacaya, laakiin u go’ay inay ka shaqaystaan umaddan, sidoo kalana la odhan karo uma dhama dhaliilaha aynu soo xusnay ee waxaa jiri kara qaar wax badan ku taray kor u qaadka waxbarashada dalkan una hoggaansan shuruucda dalka, ayaa waxaynu isdul-taagi doonaa cabashooyinka xad dhaafay ee ay ka qabaan inta badan waalidiinta ay ubadkoodu dhigtaan dugsiyadan.

Waxaannu idiin soo gudbin doonaa dhacdooyin loo sameeyay tixraacyo badan oo laga qoray macalimiin iyo maamuleyaal ka ruqsaystay shaqada dugsiyada gaarka ah kuwaasoo soo bandhigay ceebaha iyo hagardaamooyinka ganacsatada waxbarashada waddanka. Sidoo kale waxaanu idiin soo gudbin doonaa waxyaalaha caawiyay inay hadba sida ay doonaan u dhaqmaan dugsiyadani. Sidoo kale waxaad arki doontaan Abwaanno magac ku leh goleyaasha iyo fagaareyaasha bulshada oo si dheelitiran uga hadlaya ceebaha dul hoganaya inta badan goobaha waxbarasho ee aanay dawladdu maamulin, kuwaas oo laga ururiyay intii ay socotay xog-ururinta ku saabsan ganacsiga waxbarashadu taasoo qaadatay waqti dheer.

Sidoo kale waxaad filataan waxa ay isku difaacayaan dugsiyadani.

La soco qaybta Afraad ee qormooyinkan oo la baahiyay sanadkii 2016-kii waqtigana dib loo baahinayo.

QALINKA:Axmed Cisman Batuun.