DIMUQRADIYADU MAXAY KAGA DuWANTAHAY XUKUN XUMADII -XUKUN QARQOOSH

Qarqoosh waxa uu ahaa Nin Wakhti wakhtiyada ka mid ah kasoo talin jiray Wadanka Ciraaq, isla markana waxa uu ahaa Nin Dadka si arxan dara ah isaga Dila ,Xukunadiisa waxaad arkaysaa in ay ku jirto Axmaqnimo iyo Maangaabnimo.
Waxa uu ahaa nin aan laga daba Hadal waxa uu ahaa Nin Daymadiisa aad looga Baqo oo aan Qofna ku eegin il Naxariisle, Markasta oo uu wax Xukumayo waxa uu ku xukumi jiray waxa ay isaga la noqoto, isla markana Dadka ka ag dhawdhawina waxa ay ku khasbanayeen in ay Fuliyaan amma ay ku Go’aan qataan waxa uu yidhi
Hogamiyahooda Talada Xumi .
Hadaba inta badan waxa aynu maqalna Erayga Dimuqraadi (democratic) eraygaasi oo inooga yimi wadamada Galbeedka iwm . Inta badan Eraygan Waxa ay Dadkeenu u haystaan marka ay maqlaan in uu yahay Eray hadii sidiisa loo Fuliyo amma Wajiabaadka Gudahiisa ku jira la raaco in uu ka dhigan yahay Qofkasta Xaqiisa ha la siiyo ,
Balse waxaan amin sanahay in uu yahay Eraygaasi iyo Macnaha uu Xanbarsan yahay-ba mid ka qota dheer inta la moodaayo .
Hadaba Dimuqradiyadu maxay kaga Diwan tahay Xukunkii QARQOOSH.
Sheekaba Sheekay keentaaye Ninkaa la odhan jiray Boqor Qarqoosh waxaa Saxiib dhaw la ahaa Nin Maalqabeen ah oo isaka laftiisa lagu Xaman Jiray in uu yahay Nin uun ILAHAY Maal siiyay Balse aan Garasho Badnayn, Tolkiina aan u fiicnayn. Ninkaa Maalqabeenka ahi waxa uu ahaa Nin aan Wax Caruura Lahayn ,Wax uu lahaa oo Kali ah Ilmadeero iyo Walaalo Sabool Nimadu ay Dishootay , iska daa in uu waxsiiye waxa uu ka xanaqi jiray Aragooda iyo in sheegtaan.
Nimankii Odayasha ahaa ee Ninkasi Ganacsadaha ah Xigaalka iyo Walaalka la ahaa  talaa ku cadaatay, waxa ay arkeen in Ninkii Cid u Xigay aanu waxna tarayn dhankoodana aanu markaliya daymo naxariisle aanu ku soo eegayn ,intaas ka dib way tashadeen waxanay ku tashadeen in Wadaadkan isaga ay Nolosha ku Asaan oo isaga oo Nool oo Xay ah ay Qabriga Dhigaan, si ay Xolahiisa u Dhaxlaan Ciilkuna uga hadho ilayn Busaradi waa Balaayee.
Goor Galab ah ayay si kadisa oo lama Filaana waxay uga heleen isaga oo Meel Maraya ,way qabteen oo way Xidhxidheen Afka iyo Adinkaba Xadhig Seeto adag ayay ku Maroojiyeen ilayn waa Rag Dhaxal Warejin iyo Hantiyi u hilacaysee Seetada ayay ku Dhuujiyeen. wuxuu Qayliyaba loo JUUQI WAA ,Isu Jabi ayaa ka dhacday ,Sheekadu waa Barbarkay ka baxdaa waa Bakayle Qaleen.
Waxay la tageen Gurigoodee Way soo KANFEEN, SANDUQII NAXASHKANA WAY KUSOO RIDEEN, Suuqyada magalada ayay lasoo mareen iyaga oo ku Dhawaqaya Kalmada inta badan Dadka Muslinka ay ku caanyihiin Xiliga Maytida Xabaalaha loo wado oo ah:- HADAA XAQULAA XAQU DAA-IMULAA.taasi oo inta badan astaan iyo Calamad u ah in Mayd Go’ay loo Carabinaayo Gurigisii Akhiro .
Ninkii Xukun Qarqoosh waxa uu ku dhex jiraa Naxashka waana Jebaysan yahay Af iyo Adinba, Balse mararka qaar ayaa waxa la maqlayaa Hadal uu ka dhex leeyahay Naxashka Dhexdiisa oo ah WAAR WAAN NOOLAHAY YAA MUSLIMIIN NIMANKA IGA REEBA NOLOSHAY IGU ASAYAAN .Laysu juuqi maayo balse hadana madamaa meesha Wax uun Xukun u eegi ka jiro waxaa la Wargaliyay Odaygii isaga ahaa XUKUN QARQOOSH waxaana loo shegay in Saxiibkisii Qaliga ahaa uu ka dhex Qaylinayo Naxash Xabalaha losii waddo.
Waxa uu Dalbaday in Naxashka iyo Dadka wadaba loo keeno , kadib markii loo keenay. waxaa luxudka lasoo kacay isaga oo kor u qaylinaaya oo leh BOQORAY MAAN DHIMAN WAANIGA KULA HADLAYA NOLOSHAY IGU ASAYAAN WAXA AY DONAYAAN IN AY XOLAHAYGA QATAAN YAA MUSLIMIIN NIMANKA SAXIIB IGA QABO.
U fiirso Ujeedada aynu ka lahayn Qoraalkan ayaa hada kuu cadanaysa :-
Xukun Qarqoosh waxa uu dhagaystay Saxiibkii oo leh Waan nolahay ….. waxa kaloo uu dhagaystay Nimankii Xajiga Nolol Xabalayay oo Tiraba Dhawr ah kuna Dodaaya Boqorow Ninkani wuu DHINTAY MANA NOOLA HA RUMAYSAN.
Sida Runtana Xukun Qarqoosh waxa uu sidiisaba wax ku Xukumaa waxa laydhaa Aqlabiyada amma Markasta oo Cidi is qabato amma isula timaado waxa uu wax ku qiimeyaa Dadaka is haya, yaa Badan ,yaase Yar dhanka Tirada . isagu ma eego qorshahana uguma jirto wax layidhaa yaa Xaqle yaanse Xaq lahayn.
Waa uu Hadlay waxaanu yidhi isaga oo Saxiibkiisa Xabalaha loo wado u Jawabaya MA ADIGAAN KU RUMAYSTAA OO KALI !AH INA SHEEGAYA IN AAD NOOSHAHAY ,. MISE DADKAN BADAN AYAAN RUMAYSTAA OO SHEEGAYA IN AAD DHIMATAY .
Waxa uu Riday Go’aankisi waxanu ku dhawaqay isaga oo leh :-HA LAA QAADO OO HALASOO XABAALO ISAGANA GARDARAN,MANA NOOLA EE UU DHINTAY SIDA AY II SHEGEEN DADKASI TIRADA BADAN LIHI . SIDASAAN XUKUMAY WAANA GO’AAN CADALAD KU DHISAN KADIBNA DUBAHA AYUU MIISKA KU DHUFTAY .
Waxa aan uga jeeda Dimuqradiyadu maxay kaga Diwan tahay Xukunkaa QARQOOSH madamaa Aqlabiyada amma Dirada Badan wax lagu qiimaynayo ee aan la eegayn ma Xaqbaa mise waa Xaqdaro Ma Cadaladbaa mise waa Cadalad darro.
Qoraa Sare
Qareen-Khadar Ibrahim Aatr