DIIWAAN-GELINTA OO FASHILANTA YAA  KU CEEBAYSAN?

 

Dhibaatooyinka haysta bulshada Somaliland ee  aan meel ay ku dhamaadaan la  aqoonin,  waxa ka mid ah ,dhibaatada ka haysata  xagga dareenka taariikhda ,runtii ma aha ummad qof keedii siyaasiga ahaa,aqoonyahanka ahaa,dhalinyaro ahaa ,ku cilmi leh iyo mid aan lahaynba,iyo ku waayeel ah, dhammaantoodba  waxaan odhan karaa  waa kuwo  DHEG WEYN ah ,oo aan is waydiinin   shalay iyo maxaa dhacay?,dorraad iyo waayihii jiray muxuu ahaa ?

Maxaa lagu guul darraystay,guul daradaasi –se,  maxaa u  sabab ahaa?

Maxaase  lagu guulaystay,oo laga gaadhay  yoolkii  ujeedadu ahayd?

Maxaa dhib lahaa? Maxaase dheef lahaa?.

Waxa xaqiiqo ah in  ummadi haddii ay marjac ka dhigan waydo,duruufihii laga soo gudbay waayihii tegey,kuna xisaab tami weydo,kolba xumo iyo

Samo,wixii kasoo maray,tallaabooyinkii halganka nolosha.  in aanay meel gaadhin weligeed, waxaanay ku sifowdaa bulsho dib u dhac  u saaxiib ah ,  mar kasta oo ay  dhibaato  soo asiibto   oo ay  dhooqo dhex dabbaalatona, illayn arrin kale iyo fikir kale oo ay ku maarayso mushkuladahaasi   ma haysee ,waxay miciinsataa  OOHIN  Iyo inay daarato(shidato) cajalada  Ama  mp3-ga  CALAACALKA.

Hadaba inaynu nahay ummad tilmaamahaas aan soo sheegay leh,waxa caddeyn u ah, dhowaanta waxa ka bilaabmay dalka,  hawshii diiwaan gelinta codbixiya-yaasha,taasi oo ka curatay gobolka togdheer,wakhti xaadirkan-na  wejigeedii labaad  u wareegay dhinaca gobolka awdal, isla markaana socota ilaa imika, waxa hadaba isweydiin mudan miyay heshay  hawshaasi diiwaangelinta  oo ah mid ahmiyadeeda  iyo   qiimaheeda leh  Xilkii iyo masuuliyadii  ay lahayd    ee Hanan lahaa habsami socodkeeda iyo hirgelinta  diiwaan gelin   ceeb iyo madmadow   ka caafimaad qabta?.  Jawaabta waxaan odhan karaa, kolka si wadaniyadi ku jirto loo hadlo waa Maya.  Waxaana dawgu ahaa in iyadoo maanka lagu hayo dhibaatadii   fadeexadii  iyo khasaarihii  maaliydeed ee  ka  soo food saaray dalka,iyo  dhinacyada  Somaliland ka taageera  gardaadinta dimoqraadiyadda,diiwaangelintii hore ee fashilku ku dhacay.

In xukuumad iyo shacab-ba,xoogga la saaro sidii  taxadar fara badan looga yeelan lahaa  nidaamka  diiwaan gelin, si sugan uga qabsoonta dalka.

 Miyaanay nasiib darro ahayn  innagoo waayo arag u ah,dorraad iyo waayihii   diiwaan-gelinta ,kana wada dhereg san Asbaabihii xuddunta u ahaa fashilkeega ,in maanta  ay soo baxaan oo dhegeheennu maqlaan, calaamado la nooc ah kuwii qarankani uu hore u  soo eedday.

Mudadii ay diiwaan gelintu ka socotay   deegaanada ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee gobolka awdal,  waxa goobaha diiwaangelinta kasoo yeedhayay dhiillo,  ay hawlwadeenada  gacanta ku haya diiwaangelintu, kaga deyrinayeen,habka loola dhaqmay,iyagoo  sheegay    si ay u diiwaangeliyaan in loo keenay goobahaasi dad aan gaadhin  da’adii sharcigu u ogolaa in lagu diiwaan geliyo  ee 15ka sano, kuwaasi oo qaarkood  da’doodu  ka hoosaysay 10ka sano, kadibna  ay ka diideen,

Iyagoo eegaya  MASXAFKA QUR’AANKA  ee ay ku dhaarteen,iyo axdiga ay qarankooga u qaadeen.  hase yeeshee  waxa la sheegay in diidmadoodaasi kadib culays badan , cadaadis xoog leh   iyo weliba HANDADAAD dad waayeel  sheeganayaa ku saareen fulinta hawshaasi,

Tii ka horraysay ee gobolka togdheer waxa  laga war qabaa  buuqii ka dhashay  ,dad ku kacay falal  lid ku ah  nidaamka diiwaan gelinta ,kuwaasi oo qaatay laba kaadh,inkasta oo gacanta lagu dhigay kolkii danbe.

Iyadoy sidaasi tahay  hadana   sida dad goob joogayaal ahi xaqiijinayeen,cadaadiskaasi   ayaan noqon mid guulaysta ,kadib kolkii hawl wadeenada da’yarta ah ee gacanta ku haya hawshaasi, ku adkaysteen mowqifkoogii sharci.

 Isku soo xooriyoo waxa lagama maarmaan ah si looga badbaado dhacdooyinka caynkaasi ah,iyo kuwo badan oo kale oo ku gadaaman diiwaangelinta, isla markaana  dhaawac i  kara  qaabsocodka iyo natiijada  diiwaan gelinta,loona sugo  amniga dadka  ka hawlgalaya  goobaha diiwaangelinta, in xukuumadda Somaliland  aanay ku halaynin, masuuliyadda miisaankeega leh  ee hirgelinta  diiwaan gelin sax ahi   u baahan tahay,  xubnaha cusub ee COMMISIONKA  ee aan waayo-aragnimada badan lahyn, waayo qarankani   ma qaadi karo   in  maalin kasta   iyo marxalad kasta uu noqdo      mid u RAHMAN  qof  ku cusub saaxadda siyaasadda  iyo nidaamka hoggaamineed. Laguna tababar qaato, iyo masuuliyiin  ficilkooda  ay kuu muuqanayso in aanay   daacad   ka ahayn xilka  ay qaranka u hayaan  sida:wasaaradda arrimaha gudaha ee uu ka taliyo CALI WARAN CADDE  Oo ku suntan  inay dhicisowdo  diiwaangelintii medeniga ahayd.  ee wuxuu  u baahan yahay   cid   ka faraqabso laabtoodu  ka fayowdahay iyo cid lasoo falgashay dalka iyo dadka  oo u bisil,  hilaadinta  kolba halka yoolka horumarkoodu  ka xigo.

Waxaana  ku waajib ah xukuumadda  inay   sida ugu dhakhsaha badan   u qaaddo tallaabo    ay   wakhtigan iyo wixii ka danbeeyaba   ku geynayso goobaha diiwaan gelinta  ASKAR  ka socota ciidanka milateriga   waayo? ciidamada  qaranka gaar ahaan milaterigu   way ka nadiifsan yihiin qaybaha kale ee ciidamada ,daacadana way uga dhow yihii, gees kale kolka la eegona  dadweynaha laftoodu  way uga habrasho badan yihiin  milateriga,  noocyada ciidamada kale,  sababtoo ah ciidanka xooggu cidna kama ogolaadaan safaadka,  waxaana tusaale dhow iyo xusuusba inoogu filan  kaalintii sharafta lahayd ee ay kasoo qaateen doorashadii madaxtooyada  ee   2010kii   oo sida  dad badani qabaan la’aantood  ay adkaan lahayd inay qabsoonto.

 Waxaana iga xasuusin ah in haddii diiwaangelintu dhicisawdo  cidda ku ceebaysani tahay  xukuumadda khaasatan hoggaanka talada dalka haya,balse aanay noqon doonin,xubnaha commishanka doorashooyinka   iyo cali waran cadde.

 Wax cusub ma aha in EEDO aanay galabsan xukuumadda tunka loo saaro, waxayse ahayd mid hore u dhacday, waayo-aragna loo yahay , iyadoo laga war qabo dhibaatadii iyo dunuubtii  dhacday  doorshadii golaha deegaanka  in ciddii geysatay  ay ahaayeen  guddigii doorashooyinka ee uu horjoogaha u ahaa ciise xamari ,kuwaasi oo natiijooyin is khilaafsan oo ku aadan tirinta codadka ku dhawaaqay in ka badan saddex goor oo kala gedisan,isla markaana  xarruntooda gudaheeda  wax isdaba marin caddaan ah oo dhinaca DATA-da ahi ka dhacday.

Hadana eeddahaasi cidii loo xambaariyay waxay  ahayd uun xukuumadda.