DHIBAATOOYINKA HOR TAAGAN DHALINYARADA SOMALILAND

Somaliland Dhalinyarada ay Da’doodu ka yar tahay 30 jirka waxaa lagu qiyaasaa Boqolkiiba 65% , ardeyda Iskuulada Somaliland dhigta guud ahaan sida Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan 200,000 oo ardey, Ardeyda Dhigata 16 jaamacadood ee Somaliland waxay Gaadhayaan Ilaaa iyo 20 ,000 oo ardey, Taas oo hadana Dhawaan La isku raacey in Somalinad 3dii caruuraba mid keliya uu nasiib u helo in uu waxbarshada iskuulka hoose Dhigto. Daraasad kale oo iyana Dhawaan lagu sameeyey Dhalinyarada reer Somaliland ayaa xaqiijineysa oo ka dhigeysa in ay dhalinyaradu yihiin Majooratigii dadweynaha reer Somaliland. Dhalinyaradu meel kasta iyo wadan kastaba waa Mustaqbalkii ummada ee Berito, ummad walibana waxaa wanaageeda iyo Horumarkeedu ku xidhanyahay kolba inta ay leeg tahay kartida iyo aqoonta dhalinyaradeeda. Nasiib daro se waxaa haysata Dhalinyarada Somaliland dhibaatooyin baahsan oo isbarkadey oo ay ka mid yihiin kuwan Hoos ku qoran:

Waa Maxay caqabadaha Hortaagan Dhalinyarada Somaliland?

Sidee baa se loo yareyn karaa, hadii ay adkaatey in la soo afjaro?

– Shaqo la’aan ( Lack of employment opportunities)

– Tababar La’aan ( Limited access to training)

– Talo La’aan ( Lack of career and Education Counselling)

– Higsasho La’aan ( Lack of positive Role Model)

– Dhaqaale la’aan ( poverty)

– Madadaalo La’aan, hadey noqoto Sports ama Madadaalo kaleba

– Iskaa –Wax uqabso La’aan ( lack of Volunteerism and Work experience)

– Waxbarsho La’aan ( shortage of vocational training schools and teachers)

– Sentaro La’aan ( Lack of youth and cultural Centres)

– inkasta oo dhawaan dhalinyarada somaliland loo ogolaadey in ay ka qeyb qaataan Siyaasada hadana waxaa jira ( limited political participation)

Caqabadahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badani waxay ku keliftey dhalinyaradii Somaliland Gaar ahaan kuwii loo hankaweynaa ee dhameystey Waxbarashiida Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha in ay Moral jabaan oo ku fekeraan kuna riyoodaan sidii ay ku tegi lahaayeen Western world iyaga oo nasiibkooda tijaabiyaana oo Tahriibaaya naftoodana khatar hor leh gelinaaya. Waxaa laga wada markhaati yahay in dhalinyaro badan oo nasiibkooda Tijaabiyey in aaney gaadhin riyadoodii ee ay naftoodii macaaneyd Ku waayeen oo ay ku Haligmeen Badaha iyo Saxarayaasha Aduunka ugu khatarsan.

Waxaa kale oo laysku raacay in qaar ka mid ah kuwii yaraa ee Riyadoodii u dhabowdey ee soo gaadhey wadamada reer galbeedka ee qaxootiga qaabila ay la kulmeen Diidmo qayaxan oo loo aqoonsan waayey in ay qaxooti noqdaan , kuwaas oo hada ku jira xabsiyada iyo kaamamka lagu xidho dadka Bilaa sharciga ah ( illegal immigrants).

Qaar kale oo Kamid ah Dhalinyarada Somaliland Waxay Naf Moodeen oo ay Waqtigoodii Qaaliga haa ay ku lumiyeen Mukhaadaraad sida Qaadka iyo Wixii Lamidka ah taas oo ay waqti Dhaafis Mudeen. Kadib markii Mukhaadaraadka oo uu qaadku ugu horeeyo ay naftoodii la qabsatey (ADDICTION). Qaadku wuxuu dhalinyaro farabadan uu ku tuuray Haadaan dheer oo ay adakaatey sidii ay uga soo bixi lahaayeen, waxaana dhaliyaro badani ku danbeeyeen in qaadaan xanuunka dhimirka oo ay balwadoodii sababta kowaad u noqotey.

Sidee baa Lagaga Bixi karaa ama lagu yareyn karaa

Dhibaatooyinka Ragaadiyey Dhalinyarada Somaliland ??

1- Waa in La sameeyaa sharci cad oo qobobeysan (National Youth Policy) kuna saleysan Timeline sida 5 years ama 10 years strategies.

2- Waa in ilmo kasta oo dhameysta Dugsiga sare uu helaa Talo buuxda oo ku saabsan mustaqbalkiisa hadii ay Jaamacad noqon lahayd iyo hadii ay fursad shaqo noqon laheydba ( Information, Advice and Guidance support ).

3- Waa in La dhiiri geliyaa 9 ka ( Youth Centre ee Somailand ka Jira) Lagana caawiyaa, xaga dhaqaalaha iyo sidii ay u soo jiidan lahaayeen dhalinyaro aad u badan, wacyi gelin iyo xirfadahana ay uga ubuuri lahaayeen Santarada si ay Santaradu u noqdaan bar timaameedyo lagu soo hirto oo ay joogaan ( professional Youth workers and sport coaches)

4- Waa in xaafad walba laga sameeyaa Santaro ( Youth and sport/cultural Centres) ay dhaliyaradu ku kulmaan kuna ciyaaraan ciyaaraha kala duwan laguna wacyi geliyo, gaar ahaan degmooyinka wadanka waa in santarada la gaadhsiiyaa.

5- Waa in iskuulada Dhexdooda laga Aas – aaso (Youth clubs and youth Centres) lagana sameyo kooxo ardeyda ka mid ah oo ka qeyb qaata Ciyaaraha kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hidaha iyo dhaqanka.

6- Waa in la qabto Sanadkii Laba jeer tartan Ciyaaraha kala duwan ah lana siiyo Koobab iyo aduunba Kooxaha ku Guuleysa Ciyaaraha Kama danbeysta ah.

7- Waa in La sameeyo (National Summer youth Programme) waqtiyada ay iskuuladu fasaxa yihiin si ay dhaliyaradu u helaan madadaalo iyo waayo aragnimo joogto ah.

8- Waa in la sameeyaa Mashaariic Iskaa –wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen iyo waayo aragnimo shaqada u fududeysa mustaqbalka.

9- Waa in la sameeyo (National Youth academy) si loo helo Dhalinyaro tababarayaal ka noqda Santarada iyo iskuulada wadanka oo dhan ( Youth and sport Centres) ee ay dhalinyardu isugu yimaadaan.

10- Waa in La dhiirigeliyaa oo Guno joogto ah loo qoraa National Teamska sida Hadii ay jiraan National Foolball team, Basketball Team, iyo Athletics team.

11- Waa in hadii aaney jirin si dhakhso ah Loo Sameeyaan National Teamska aan kor ku soo sheegay laguna daraa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka si uu dhaqankeena iyo hidaheenuba u sii jiro, waana in dhaliyarada lagu dhiiri geliyaa dhaqanka, Diinta iyo hidaha suuban.

12- Waa in Tababaro gudaha iyo Debedahaba loo helaa Macalimiintii Ka qeyb qaadan laheyd Tababarida dhalinyarda ( Youth coaches) hadii ay noqoto xaga cayaaraha kala duwan ama xirfadaha ama wacyi gelinta dhalinyaradaba.

13- Waa in la Caawiyaa Youth organisationka hada wadanka ka jira sida SONYO laguna Baahiyaa Gobolada iyo Degmooyinka Wadanka oo dhan.

14- Waa in Wasaaradaha dawlada iyo Hayadaha madaxa Banaan lagu dhiiri geliyaa in ay tababaraan oo ay siiyaan dhalinyarada ( Workpalcement ) ugu yaraan 10 dhaliyaro ah Wasaarad waliba ama Hayadwaliba gaar ahaan dhaliyarada Jaamacadaha dhemeysatey ee ay shaqo la, aantu ragaadisey.

15- Waa in Lala Kaashadaa Qurbo joogta reer Somaliland oo la sameeyaa Sanadkiiba mar ( Youth exchange) oo La soo casuumo kooxo Ciyaartoy ah ama xirfado kale wata gaar ahaan wadamada Jaarka ah amaba La soo casuumaa Kooxaha Dhalinyarada Somaliland ee Qurbo joogta ah si dhalinyaradu isu dhaafsato aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.

Wixii aan saxay illahay ayaa mahadeeda leh wixii aan khaldeyna shaydaan baa leh.

Waa Billahi Tawfiiq

A/nasir A/rahman hassan (naaleeye)

 

tell: 4810560

facebook: ibnu naaleeye

 

abokor c.laahi <abokorhabane@gmail.com