Dhaxalka Buugga Haaneed – Qaybta 3aad

 

Ma dhammaystiri karo maansooyinka i soo jiitay ee dhiganahan ku jiro sidoo kale waxaa ka mid ah; Maansada “Guur”. Maansadani waxay ka mid tahay maansooyinka ku jira filimka “Abaydin abaydin dhalay” waxana ay ka hadlaysaa wanaagii uu lahaa guurkii hore, cid kale lama hadlaysee dhallinyarada ayey si gaara ula hadlaysaa. Waxay u sheegaysaa in guurku lahaan jiray, milge, maamuus, masruuf, mariin iyo martabad sare.  Waxa kale oo ay intaas u raacinaysaa haddiiba aan la soo celin milgihuu lahaan jiray guurku in la dhaxli doonno hoog iyo halis. Waxay tidhi sidan:

 

Guurkeennu milguu lahaa

Macniyo qiimuu lahaa

Miisaan weyn buu lahaa

Haasaawiyo maydhax-diir

Xaq-dhawr iyo marin gobeed

Maamuus culus buu lahaa

 

Guurkeennu maqaam sariyo

Martabad dheer buu sudhnaa

Marriin238 bay inantu leyd

Mas’uul bixiyey lahayd

Masruuf baa loo qarridhey

Meexaamii239 Gacalka iyo

Tol aan kala maarmi karin

Ayaa meehaahi240 jiray

 

Macooyiyo hooyo wacan

Marwaa loo xeeban jiray

Markay xaleeleen carruuri

Hadduun buu muuno jabay

Mudnaantii la diley

Macaan laga dhigey qadhaadh

Masaafiyo meher-xadkani

Sharciga meel kagama yaal

 

Dhallinyaroow magan Allee

Haddaan talo loo miyirin

Shareecada lagu mitidin

Sooyaalkeenii la marin

Marwaadkuu dhaqan lahaa

Haddaad mijo xaabisaan

Waxyaabaha muxarrimka ah

Haddaad u miliilicdaan

Hadhow midhahay dhashiyo

Waxaad ka magaabataan

Markhaataa laga ahaan.

 

Maansooyinkii ugu horreeyey ee abwaanku tiriyey waxaa ka mid ahayd maanso waxbarasha ka hadlaysa maansadan waxa uu u tiriyey arday xilligaas uu tiriyey dhammaystay waxbarashoodii sannadkii 1985-kii. Qoddobada uu kaga hadlay maansada waxaa mid ahaa waajibaadka laga rabo ardayga, sida habdhaqan wanaagsan, dulqaad iyo darreen samo fal ku dhisan waxa uu yidhi;

Arday waxaannu nahay

Aqoontiyo cilmiga

Lagu ababiyoo

Asluub iyo dul-qaad

Eebbe siiyayoo

Ummaddooda dhammi

U asxaan faloo

Ku adkaystayoo

Lagu wada ogyee

 

Awrba awrka hore

Inta uu socduu

Kan danbana ogyoo

Ku itaalayaa

Nimanyahow aflaxay

Aarankaa kiciyo

Jiilka imanayaba

Ma tusnaa awoo?

Dhabbo aayo wacan

Dhibta aadamiga

Aafeysay iyo

Iimaha saddexan

Ee adduunka dhibay

Eel baa ka daran

Haddaynaan ogaan

Waa aqoonxumee

Aaniyo qabiil

Ma ka aarsanaa?!

Kama helinoo kaliya suugaan cusub iyo erayo cusub ee waxaan ka ogaaday, baadisoocda aynu lahayn, dhaqankeennuu siduu hodanka u ahaa iyo sida maanta loo cidleeyey , iyo siday dhalin badani uga dhooftay dhaqankoodii wacnaa!

Ugu danbayn Suugaanta halkan u dhigani waa suugaan wax ku baraysa. Waxay noloshaada ka dhigayaan mid mid taaganta iyo tagtadaba wax ka garanaya, mid sita toosh uu wax badan oo ka qarsoonaa ku ogaanayo. Waa Suugaan muuqaalka aad ka arkayso maahee kuwo kale ku qarsoonyahay oo loo baahanyahay inaad adigu lafo gurto.

Dhammaad

Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
libaaxo.77@gmail.com