DHAQAN-XUMMADA DHALINTEENA IYO DHIBTA AY BERBERA KU HAYAAN

 

DHAQAN-XUMMADA DHALINTEENA IYO DHIBTA AY BERBERA KU HAYAAN

………………………………………………………………………………………………….

Dhaqanka wanaaga iyo dabeecada fiicnaanta diinteena suubani wuxuu ina farayaa in aynu wanaaga is farno xumaantana iska reebno siduu ILLAHAY quraankiisa munasalka ah inoogu sheegay, waana sababta uu ALLE SWT inooga doortay ummadaha kale kuwii ugu khayr badnaana inooga dhigay Allah mahadi haka gaadhee, ummadi sideedaba waxay nabad gashaa oo amni iyo degenaansho heshaa marka ay awaamiirta Alle SWT qaataan kuna dhaqmaan siday yihiina u fuliyaan si quluubtoodu ikhlaas u noqoto Alle ka cabsina u galo.

Soomalidu waa dad xaruur ah xumaana aan lagu shegin inta badan dhaqankooda ay diinta Islamka ka soo min guuriyeen ku adag kuna dhaqma, xishood iyo xayo ayeynu ummado badan kaga fadilanahay, is maqalka iyo kala danbaynta hab-dhaqameed waa mid inoo caado ahaa iminka iyo intii ay Qoomiyada Somalidu jirtayba.

Aan u soo gundo dago ujeedka iyo dulucda qormadan kooban iyo waliba sababta igu kaliftay inaan qalinka u qaato, dabcan lexejeclo badan iyo rajo aan dhamaanayn ayaan ka qabaa dadwaynaha reer Somaliland dal iyo dibadba waayo waa dadkaygii iyo dalkaygiiba, waxaan jeclahay inaan ku dhex joogo oo ku naalooda iyagoo ku dhaqmaaya dhaqan-wanaaga aynu asaageen dheernahay iyo ku dhegenaanshaha Diinteena suuban, wali tubtaa toosan waa haynaa balse waxaad moodaa oo beryahan danbe soo if-baxaysay dhaqamo aynaan caado, Ab iyo Isir toona u lahayn kuwaas oo ah in wiilal iyo gabdho aad u da’a yari safaro magaca DALXIIS la huwiyey balse ka micno duwan ku gaalaa bixiyaan magaalooyinka ay ugu mudan tahay marso xeebeedka BERBERA iyo guud ahaan gobolka SAAXIL oo ay ku taalo xeeb loo dabaal tago.

Mudo usbuuc ku siman ayaa waxaan hawlo shaqo u joogaa isla Degmada Berbera, intii aan ku sugnaa tiraba laba jeer ayaan dabaal iyo jimicsi u doontay Xeebta BATALAALE oo u dhaw hotel Maansoor oon inta badan waqtiga firaaqada ku qaato qaybtiisa Berbera, labadaa cisho ee aan tagaayey indhahaygu waxay qabanayeen oo aan shaahid u ahaa Wiilal iyo Gabdho yar yar oo raxan raxan u socda inta badana reer HARGEISA ah oo runtii aan asturnayn dhar isku midana ku dabaalanaaya goob isku midana ku wada dabaalanaaya hadda garoo cidna ay ka xishoonayaan iyo cid ay ixtiraamayaan ma jirto, dhexday is haystaan, oo ma kala soocna waxaabaad muudo inay hooyo wada dhashay gurina ka soo wadda toosaan BAL CIRAADAA IYO IMTIXAANKAA EEGA, Basas ayey wataan oo Alle SWT ogyahay waxay ku dhex samaynayaan iyo siday isu dul rasaysan yihiinba, waa caruurteenii uu jihadii saxda ahayd ka majo habaabay cid ku soo leexisana aan helin.

 xalayto fiidkii ayey iyagoo wada socda faras magaalaha Berbera dhex mushaaxayaan walaahi markaad aragto ilmaa kugu soo istaagaysa waayo waa ubadkeenii oo dhaqan aan Diini ahaan, Dadnimo ahaan, Damiir ahaan iyo caafimaad ahaanba wacnayn ku dhaqmaaya. Illahay amarkiisa askar ayaa ku gurtay Gaadhi Bas ah oo ay wateen meelse loo kaxeeyey ma arkayn, in yar ka dib ayaan haddana aniga iyo niman aanu asxaan nahay isla halkii taagan soo mareen raxan kale oo Bas nooha ah wata mise waaba Wiilal iyo Gabdho aan asturnayn oo dhabta iskaga wada fadhiya buux dhaafka gaadhiga daraadee SUBXAANA LAAH.

Haddii xumaanta layska qaban waayo oo laysaga digi waayo waxa hubaal ah in masiibo ku dhici doonto qoobka aan isa toosin, isu caqli celin dariiqa toosan aan isku tilmaamin, Xukuumad iyo maamul ayaa ka jira degmada Berbera waajibaadkooda waxa ka mid ah Ilaalinta anshaxa iyo asluubta toosan ee ku arooraysa Diinteena mustaqiimka ah, waxa ay ummadu u dooratay ee maamul looga dhigay inay gacan bir ah ku qabtaan wixii xumaan ah waayo qawlkii Nabiyulaahi Muxamed SCW ayaa ahaa “kiina xumaan arkaa wax hakaga qabto gacantiisa, kii aan awoodin hakaga qabto carabkiisa, kii aan awoodina hakaga naco qalbi taasaana ah ta iimaanka halka ugu daciifsan” aniga iyo inta ila midka ahba ee aan xil dawladeed hayn waxa ku waajib diiniyana ah inay qawl iyo Qalinba wax kaga qabtaa, halka dawladana ay waajib diiniyana ku tahay inay talaabo ka qaadaan oo Af iyo Adinba wax kaga qabtaan dhalintaa dhaqan-xumada inala dhexjooga ee xarago iyo xeelad ilbaxnimo u haysta.

Aafadaa igu kaliftay inaan qalinka u qaato qormadaydani haddii aan la dabo qabatayn oo aan manta waxa laga qaban waxay keeni kartaa oo hubaal ah khasaare Aduun iyo mid aakhiroba,waxayna qayb laxaadle ka tahay Abaarahan dabada dheeraaday, Masiibadan shaqo la’aanta ee dalkeenii ina nacsiisay dal shisheeyana ka dooranay, dhalinyaraddani waxay qayb ka noqon doonaan faafinta dhaqamaadka xun-xun ee gaaladu inoo soo waarido waayo walaahi dharka ay ku labisan yihiin iyo sida ay garbaha isu haystaan Suuqyada dhexdooda waxaad ka dareemaysaan inaanay waxba u kala soocnayn markay isku kaliyeystaan.

Ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Degmada berbera ka arimiya

  • Inay arinkaa wax ka qabtaan oo waliba talaabo adag ka qaadaan, kaantaroolada magaalada soo galena ka celiyaan gaadhi kasta oo sida dhalinyaradaa xumaanta wanaag moodaaysa,
  • Didoo kale waxaan talo u soo jeedin lahaa inay iyana qaybta kaga aadan ka qaataan culimada dalka  hawshaas ugubka inugu ah si aynu badhaadhe iyo barwaaqo ugu noolaano Allena inoogu naxariisto,
  • Waalidiintana waxaan u soo jeedin lahaa inay ogaadaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda oo ay ka warhayaan halkay u ku maqan yihiin iyo siday bulshada dhexdeeda ugu dhaqmaan,
  • inana waxa inala gudboon shicib ahaan inaynu ka hortagno dhaqan-xummadaa oo aynaan daawan, dawlada iyo cidii u istaagna wax ka qabadkeedana ku garab iyo gaashaanba siino si uu Alle SWT inoogu naxariisto.

WABILAAHI TAWFIIQ

Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi ( Figo)

Contact: 0634447924

Email Adress: Mfigo04@gmail.com

Facebook: Mahamuud Ahmed