Dhalinyarta iyo Badda – W/Q: Cabdifataax (Ceelaabe)

Immisa Km Ayey Berberi u jirtaa Hargeisa? 150 km ayaa kuu hadhey, 90 km Ayaa Dhiman,Markasta oo aad soo gaadho Tuulo ama Meelaha magaca leh dadkuna Degan yahay ama Baraha Kaantaroolka Ayaad ku arkeysaa intaad soo socotey iyo inta kuu dhiman oo ay Nidaamisey Shirkada Telesom Bari iyo Galbeedba.Waa Jid khatar badan oo Dad badani ku Dhinteen oo kugu beeraya Cabsi la xidhiidha Dhinaca Socodka iyo Xawaaraha,Hase ahaate waa Mid ka mid ah Magaalooyinka marka lagu sii socdo aadka loogu faraxsan yahay,Ma garanaayo in ay tahay Bada, Kalluunka, Jaceylka ama Madaarka Diyaaradaha iwm. Qof aan soo hadal qaadin Afartaasi arimood oo Berbera ku sii socda wuu yar yahay.

Waa Magaalo u dhaxeysa Dhamaan Gobolada somaliland,Tirada bari ka xigta iyo Kuwa Galbeedkuba Waa Tiro isku dhow ama isku Mid ah.Madowga bada,Buuraha Dhagaxa gaarka ah leh,noobiyada iyo Haamaha shidaalka Ayaad Arkeysaa,Uumiga iyo Kuleylka ayaana intii hore kaaga soo badanaya kuna soo Galaaya.Waa Berbera,Waa Bartii Jaceylkiyo Halkii boodhari ku Aaasnaa.Waa badi Somaliland iyo Gobolkii uu u dhashey kuna aasnaa Madaxweynihii iyo aabihii Qaranka  somaliland Egal IHUN.sida loo Jecel yahay ama loo tago looguna dalxiis iyo booqasho tago berbera ama Bada berbera looma Xiiseeyo Saylac.Inkasta oo ninkastaaba meesha uu dhow uu dalxiis iyo daawasho tago una Safro,Hadana berbera oo ah Meesha Keliya ee Wadanka wax ugu soo Dagaan Ayaa leh magac iyo Maamus.

Dhalinyarta iyo da,yarta Ayaa sannadaha hore ee Noloshooda Jecel biyaha iyo Dabaasha,Lagama karo ceelasha iyo Meelaha biyuhu Fadhiistaan.Inkasta oo wakhtigan Ceel aanu Jirin,Meel biyo xidheen ah ama Biyo Fadhiistaana kuba yar tahay wadanka oo biyo la,aan meelo badan looga Qeylinaayo ama Dhulkii la dhisey Dhalinyartuna kaga Mashquuleen waxyaabo kale in ay dabaal raadsadaan.Haddana barashada Dabaashu waa Mid sune ah isla markaasina ay haboon tahay una wanaagsan in qofku Yaqaano.Biyuhuna waxa ay ka mid yihiin Waxyaabaha waxyeelada badan geysta oo u baahan in la barto hababka lagaga badbaadi karo lagun dhex maro.

Dhalinyarta ugu badani Sannadkii hal mar Ayey booqan Jireen Berbera oo ay u dabaal iyo dalxiis tagi Jireen,Laakiin sannadkii hore Dabayaaqadiisii waxa Dhalinyar badan loo daad gureeyey Dhinacaasi iyo Berbera oo Codkooda oo iib ah lagu geeyey basas.Xiisaha dhalinyartaasi u qabtey Berbera muu aheyn in ay soo codeeyaan,Laakiin aragtida berbera,Dabaasha Bada berbera iyo barashada Arimaha Jaceylka berbera ku duugan ayey u tageen,Haddii lagu odhan lahaa Oodweyne ma tageysaan Wey diidi lahayeen.Ciidaha iyo Farxadaha Debaal dega Dhalinyar badan Ayaa ku soo qaadata una safra berbera.Bada Miyaanad soo Gelin,Batalaale ma tagtey,Ma soo Aragtey moofadiii Cilmi boodhari,Ma raacdey Laash,Ma sidaa Kaluun Ayaana lagu xaal wareystaa.Kuwo u baxsada iyo kuwa Caqli ku taga intaba.bada cagaha soo Geli Ayaa xiiso weyn ay u qabaan.

Tirada badan ee Dhalinyarta goobtaasi tagta Maalmaha ciida,Is dhexgalka hablaha iyo Inamada,Dhaqanka diinta islaamka oo ka luma,Dad badan oo aan garaneynin Dabaasha oo dhex gala Ayaana sababey in Tiro yar oo dad ahi ku dhimato ama la soo sheegi Jirey ciidaha marka lagu Jiro.Wararkii  Naxdinta lahaa ee laga soo Tebin Jirey marka qof wax ku noqdo bada Ayaan xasuusan karnaa,Arimahaasina waa kuwa keenay in ilaalada Askarta,Amaanka iyo celinta intaba la badiyo,Xaga is dhexgalka hablaha iyo inamadana aad loogu Fiirsado.

Sowtaanu Laash Raacney Maalin,Sowtii aanu Fogaaney,sow Wadihii laashka oo dhinaca kalena ah Kaluumeysatada yaryar ee Somalilanad naguma Odhan Halkani lama dhaafi karo oo Ciidamada Xeebaha somaliland ayaan Ogoleyn,Ma meel dhow baa mar hadaad bad soo Gashey.Dhinacaad eegtaba Kaluun Ayaa biyaha kaaga muuqanaya.Xawaaraha laashkuna ma sahlana,Tirada dadka aanu ku saaranaheyna ma yara.Bada oo Kacsana iyo Marka ay degan tahayna kala duwanaa.Heesaha lagu soo duubo ama sameeyo Muqaal ahaan bada berbera Ayaad xasuusaneysaa.Xeebsoor Ayaan ag taagnaa Mar aan sidaasi u eegay Bada oo meel ii dhow ay Dhalinyari kaga Jirtey.

Ciidamada Xeebaha Somaliland,Waa kuwo loogu talo galay in ay Ilaaliyaan bada,Waa kuwo ka Masuul ah Wixii bada ka dhacaaya ama lagu soo qaado.Askarta ilaalada bada iyo xeebaha somaliland,Waxa loo Heystaa in ay noloshaada bada ku qaataan,Inta badana ku Dhex Jiraan.Inaad Biyaha dul deganaato, ama Markab iyo doon biyaha dul Jooga aad ku qaadato wakhti badan Ayaa ah Mid laga filaayo Ciidamada Xeebaha somaliland.Dad u tababaran ilaalinta Biyaha Wadanka iyo Kheyraadkiisa,kana Hortaga wixii Shilal ama Halis ah ee Dadka ka soo gaadhi karta Badweynta Ayaa Ciidamada xeebaha laga aaminsan yahay.Su,aasha is weydiinta leh Ayaa hadaba ah Ciidamada somaliland ee Xeebaha ilaaliyaa ma leeyihiin maraakiib ama doonyo casri ah oo ay ku dul Joogaan bada,Mise waa Kuwo beriga Jooga oo laashash iyo doonyo yar yar bada xeeligeeda ku ilaaliya.Halkee Ayey gaadhi karaan ama biyaha  Bada Somaliland Ku Joogaan.Dhinaca kale Kaluumeysatada Badaha somaliland ku doo Duusha wax ma ka qaban karaan aragtidaada.

Waxaan Akhristey Wareysiyo lala Yeeshey Askarta  Aduunka ciidamada bada ku Qoran isla markaasina inta badan noloshooda ku qaata Maraakiibta dul taagan Biyaha badweynta ,Kuwaasi oo aan in badan arag dhul iyo beri oo Biyo dul socda,Kuna nool sahay ay sitaan iyo Kaluunka bada.Inaad habeen ku dul barido Biyo dhinac kasta kaa xiga Ayaa Naxdintooda wata,Lkn waa barasho.

Isku soo wada duub Wakhtiga roobka waxa meelo badan Fadhiista biyo Dhalinyar badani isku daydo in ay ku dabaashaan kuwaasi oo halis ugu Jira cuduro ama dhimasho ay ku haftaan biyaha iyaga oo aan dabaal garaneynin,Mararna Tvga Ayaa ka diyaariya Biyaha Fadhiista ama dooxyada Qaarkood Barnaamijyo Waxyeelada biyaha lagaga wacyigeliinaayo Dhalinyarta.Berberana Dhalinyarta iyo Da,yartu haddii ay bada u tagaan ha ogaadaan in ay ku dhinteen Kuwo ka mid ahi,Laakiin barashada dabaasha waa mid la dhiirigeliyo meel ku haboon iyo si ku wanaagsan.Inta badan biyaha bada waxa lagu sheegaa caafimaad dhinaca Maqaarka iyo dubka ah,iyada oo indhahana lagu kala qaado biyaha bada.

Abdifataah Mahamed Ahmed

(Ceelaabe_10@Hotmail.Com)