Dhalinyarada, Aqoonyahanka Iyo Wax garadka Degmada A.Dhagax iyo G.HAWD Hakinta Diiwaan Galinta Waa Cadaalad Daro

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay dalka ka bilaabantay 16/1/2016. Bilawgii diiwangelintana xaaladda abaartu way ka jirtey gobollada dalka oo dhan. Bulshada Gobolka Togdheer waxay soo jeediyeen baaqyo kala duwan oo ay ku codsadeen in dib loo dhigo bilawga diiwangelinta, hase yeeshee waxa la go’aamiyey in la bilaabo diiwaagelinta iyada oo la tix-geliyey qorshe-hawleedkii qaranku isku raacay ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha loo dejiyey.

ddddd

Sidoo kalena abaar adag ayaa ka jirtey Gobolka Awdal waxayna codsadeen in diiwaangelinta dib loogu dhigo, lagamana yeelin. Sidoo kale, Gobollada Saaxil, Hawd iyo Gebiley oo duruufo adag oo abaaro ahi ka jireen waa laga diidey in diiwaanglinta dib loo dhigo.

Todobaadka soo socda oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso Gobolka Maroodijeex isla markaana aanay jirin duruuf ka duwan tii ka jirtey Gobolladii hore ee diiwaangelintu ka dhammaatey ama ay ka socoto komishankuna diyaariyey dhammaan wixii hawl ahaa ee looga baahnaa bilawga diiwaangelinta iyo iyada oo aanay jirin wax cabasho ah oo ka yimid shacbiga gobolka Maroodijeex lana xidhiidha dib-u-dhigisa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ma muuqato mana jirto sabab loo hakiyo ama loo joojiyo.

Hadaba Maadaama Oo lagu Doodayo in ay abaaro Jiraan waxa iswaydiin leh markii Awdal iyo Selel Diiwaangalinta laga Bilaabayay abaarta ay ku jireen Miyaanay Ka Adkayn kana Xumayn Ta Maanta hargaysa loogu Hakiyay?!

Is waydiintaasi waxa ay abuuraysa Shaki Ah Xukumada iyo Axsaabteedu mawaxay u jiraan in ay u doodaan gobolda qaarkood Mise waxay masul kayihiin Dalkoo dhan.

Waxa aanu u aragnaa in Dib udhigista lagu sameeyay Diiwaangalinta Cod Bixiyaayshu ay Tahay Xaaraan , Hal xaaraan Ahi Nirig xalaal Ah Madhasho. Sidaa manta ay U Afduubeen Diiwaangalintii ayay barina U afduubayaan Doorashada.

Waxa aanu u aragnaa in go,aankani yahay Gacan Bidixayn Gobolada dalka ah.

Hadii ay dalkoo Dhan masuul Kayihiin Maxay dib u eegis ugu samayn waayeen markii ay kabilaabmaysay Togdheer iyo  Awdal ama Kuwii kadanbeeyay Ee Gabiley , Saxil Iyo Hawd.
Abaartu Dalkoo Dhan way kajirtaa ee waxa wax Lalayaabo ah In layidhaa Hargaysa oo ay ka bilaabmaysaana abaar ayay ku Jirtaa Gobolada ay hada Kasocotaana hasii wadaan Oo hadhamaystirtaan Diiwaangalinta

Ereyada ay cabireen Reer Togdheer ayaa ka Suura Galsan Marmarsiiyaha Xukuumada Oo ay Yidhaahdeen 🙁 Waanu kasoo Horjeednaa Hakinta Diiwaangalinta Hargaysa Oo lagu Doodayo In Abaari Kajirto Hargaysa waxa is waydiin Leh ayay yidhaahdeen Odayaasha reer Togdheer Diiwaangalintii Waxa ay kasocotaa gobolada Reer Miyiga ah ee reer Guuraaga ah Sida Gabiley Iyo Hawd Waana lahakinayaa Magalada caasimada ah

Anagu waxa aanu u aragnaa in markii Hore ay khalad ahayd in la bilaabo iyada oo abaaro wadanka Kajiraan , waxa Khalad 2aad ah In lahakiyo Marka wadanka intii abaaraha ba,ani kajireen ay galeen.

Waxa aanu u soo jeedinaynaa Xukuumada iyo Axsaabta Dabada Kariixayay in Diiwaangalinta la Hakiyo Gobolada ay hada kasocoto Ee saaxil , Gabiley Iyo Hawd In ay kasocoto inta Roobku da,ayo ee dadkii Hayaamay Soo Guryo noqonayo Hadii kale waa in nala Yidhaa Dadkaasi xaq uma leh In ay is Diiwaan galiyaan Ama Xukumadu Cadayso In Diiwaan galinta Gobolo gaara ah Loobaahanyay .

Go,aankan shalay ay qaateen In gaar ah oo isasoo Abaabushay waxa aanu u aragnaa in aanay Xukumada iyo Axsaabteedu Dan iyo Muraad midna Kalahayn Gobolada Qaarkood taasina waxa ay natusaysaa  sida 2 Degmo oo 10Km U dhexeeyaan Midna Xukuumadu dabada Uga Riixayso In Diiwaangalinta ay gasho  Midna dabada laga Riixo in Diiwaangalinteeda la hakiyo.

Waxa aanu u Aragnaa Xukuumada Iyo 2da Xisbi Ee Arinkan dabada Kariixay In ay Go,aamada iyo hantida umada kadhaxysa u adeegsanayaan si gaar ah .

Waxa aanu u aragnaa in Diiwaangalintii Noqotay Mid fashilantay mar hadii loo isticmaalayo Si gaar ah , Iyo Gobolo Jeclaysi.

Mudane madaxweyne joojinta ama hakinta diiwaangelinta waxay keeneysaa fashil ku yimaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qaranka tacab badani ka galay, waxaana Somaliland ka soo gaadhi doona hantaaqo iyo dhibaato aanay ka soo kaban karin, iyada oo hore ay u fashilantay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee 2008/2009.