Dhalinta Xilbaa Inaga Wada Saaran Guud Ahaan

Qof wal oo umadan ka mid ah masuuliyad ayaa saaran waana lagala xisaabtabayaa waana mid inagu waajib ah in aan dhalinteena iyo bulshada aan ku dhex nool nahay aan wax u qabano adin iyo Afba kii aad awood markaas aad u leedahay.

Waa barnaamij aan ku eegidoona qaabka dhalinta iyo bulshada ay iskugu xidhan yihiin.

Baraarujinta dhalinta iyo kobcinta garaadkooda si ay bari u noqdaan kuwo iyagu halkaas ka sii qaada qori isku dhiibka aynu hore ugu socono si aynu u noqono bulsho la jaanqaada bulsho waynta caalamka guud ahaan.

Waxbarashada,Ciyaaraha iyo madadaalaynta waa tiirar aad u muhiim ah oo dhalinta la’aantood ayna waxba qabsan karin. Waxbarashada waa tiirka ugu wayn ee dhalintu ku dhisan tahay (Aqoon la’aani waa iftiin la’aan) waxa walid kasta iyo masuul kasta laga rabaa in uu umadkiisa aqoontiisa ku dadaalo sidii uu u noqon lahaa mid afaca bari naftiisa iyo tan waalidkiiba. Dhanka dhalinta da;a yar ee garaadkoodu soo kobcayo, dhanka ciyaaraha waxa ay wax tar wayn u leeyihiin dha’yarta soo koraysa waxana si toos ah iyo si dadbanba ula falgashaa dhalinta iyo bulsho meel ku wada nool oo dan guud ka dhaxayso, Waxa kalee oo ay dhismaan jidhkooda, waxayna kaga fogaadaan balwadaha noocaydooda kala duwan.Dhanka madadalada waxaay si aad iyo aad ah muhiin ugu tahay dhalinta in wakhtigooda in ka mid ah ay helaan madadaalo iyo meel ay maskaxdooda ku kobciyaan iskuna dhaafsadaan wixii aqoon ah iyo isbarasho.

Marka ugu horeysa dhanka dhalinta faa’iidooyin maxaa ugu jira in ay noqdaan dhalin aqoon iyo cilmi leh, jidh ahaana dhisan ama fayow

1. Aqoobtu waa iftiinka noloshaada

2. Jidhkooda ayaa ku caafimaada

3. Maskadooda iyo garaadkooda ayuu dhisaa

4. Balwadaha ayay kaga fogaanayaa

5. Qof Bulshaawi ah ayaad Noqonayaa

6. Saaxiibo wanaagsan ayuu halkaas ka helayaa

Dhanka Bulshda intiida kale maxaa faa’iido ugu jira in la helo dhalin toosan.

1. Daganaashaha iyo is dhex galka bulshda ayay dhistaa

2. Nabada umadaa wada dagan ayay xoojisaa

3. il dhaqaale soosaar ayay noqotaa

4. Dhalin badan ayaa shaqo ka hesha

5. Jiritaanak umada ama dal ahaaneed ayay meel fog gaadhsiin kartaa

6. Jahliga ayaa laga baxayaa, horumar ayay bulshada u horseedayaan.

Waxaan ugu talo galanay maqaalo aan ku eegi doona waxna kaga tilmaami doono faa’iidooyinka laga idho laayahay rag iyo haween, Madax iyo Mijo, dhalin iyo wayeel. iyo dhamaan bulshada inteeda kale oo dhan.

lasoco maqaalo kale oo aan kaga hadli doono dhanka dhalinta iyo Ciyaaraha ee maanta..

Amiin Abdilaahi Hashi

Amiin03@hotmail.com

Hargeisa,Somaliland