Dayo iyo sabeennaha Daawo Kama dhexaysee! – Faysal Cumar Madar

FaysalSanadkii hor ee Hijiryada ilaahow haraatidiisa nagadu kan cusubna hirddidiisa ilaahow na hareer mari. Somaliland oo aad moodo in dadkii wadnaha farta ku hayaan oo mugdilagaliyay jiritaankii ayaa hadana waxa maalin walba qaar laga barako badan yahay ayaa intii hore in ugu daraya.

Waxa aynu ognahay in dalku leeyahay sadex gole oo kala ah sharcidajin (Guurti iyo Wakiilo) iyo Golaha xukumada oo oday Axmato hogaamiyo, sida aad wada ogaydeen waxa in dhawayto inaga bariiqday Golihii Guurtida oo shaqaddii ay kala wareegeen ama hadaydoonaan ay ku wareejiyeen Wasiiro, Waxa aad arakayso iyagoo waa wasiiradiiye macal beelaha isku dhaca iyagu dhexgalaya oo sii murginaya.

Inkastoo golihii Guurtida aan la odhan Karin wuu inaga xumaaday ama wuu inaga Gaboobay oo inta ugu da’ada wayni ay tahay kuwo aan garaad ku ogahay marka laga reebo Shir-Gudoonka , hadana Goluhu waxa marag laga yahay inaanu sidii hore ahayn oo uu xukumada gacanta u galay. Waxa aynu ogayn in dhawaan murano badan dabadeed ay xisbiyadu ku heshiiyeen Gudidii Doorashooyinka, ka dibna golaha wakiiladu oo fasax ku jiraa ay mudeeyeen Fadhi aan Caadi ahayn maalinkii bishan Tobnaad 19 ahayd ayaa waxa ay ku balameen Kal Fadhi aan Caadi ahayn isugu yimaadaan goluhu waxaana loo mudeeyeen 25-26 oo ku beegnayd manta oo Axada si ay labadan qodob:

  1. Si ay unsixiyaan Xubnihii Gudidii Doorashada iyo
  2. Si ay u Dhagaystaan Qudbada Wasiirka Maaliyada ee Miisaaniyada 2014

Hadaba maxaa dhacay? Waxa dhacay in xalay lagu wargaliyay qaar Wakiilada ka Mida in ay Bari Seexdaan Si aanay goleha Kooramku ugu buuxsamin, waayo Qaarkamida Golaha oo lahaa Waxaanu kala taageersanahay Siilaanyo iyo Ciro ay iskugu Hanjabayeen in Xilka Xayuubin Kusamayn doonaan Midba MIdka kale waa Ciro iyo Siilaanyee.

Waxaan Hadaba Shaki ku jirin Wakiilada Muxaafidka ah oo an anigu u aqaan in ay (Wakiilkayihiin uun Calooshooda) ayaa waxa ay manta umarag fureen in Siilaanyo Kasoo Horjeedo Indoorasho Qabsoonto 2015, ilaahay labadaba nagumasoo celiyee waayo ? marka qaar ka mida wasiiradiisu ay Xildhibaanadii ka kiraysanayaan in Ay seexdaan .

Inkastoo sanadkasta Golaha wakiilada Kharash Badan loo Qorsheehyay Ayaan ilaa imika Lagu guulaysan in Damiirkoodu sii yo Wax Bulshada u dana tusaale waxa Sanadkan Dhamanaya ee 2014ka Ku baxay $ 2, 979537.04 (laba milyan, sagaal boqol sagaaliyo todobaatan kun shan boqol todobiyo sodon doolar). Sidoo kale waxa sanadkan soo socda ee 2015 loo qoondeeyay   $ 3,121304.06 (sadex milyan, boqol iyo kobiyo labaatankun sadexboqol iyo afar doolar)

Bulshadii inteedii kale waxaan leeyahay Talaa Kaa Gadmane wax isku Gaygayso Sadex inoo kala Doora:

  1. In aynu Labada Gole ee Wakiilada Iyo Guurtida ku Wada wareejino Xukumada
  2. Iyo in Golaha wakiilada qaybta Calooshooda Kiraysay aynu Lacag u ururino
  3. Iyo in aynu labada Garab Ee Axmed Siilaanyo iyo Ciro ka Qaldan Aynu Basar Wax ugu sheegno

Waxaan doonayaa in aan xasuusiyo bulshada sanadii 1997 Maanso uu Marxuum Mujaahid Macalin Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ka hortiriyay Shirwaynihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Lagu doortay tixo uu kula hadlayay Golihii Wakiilada ee Xiligaa:

Dayo iyo sabeennaha

Daawo kama dhexaysee,

Haddii loogu daw-galay

Inaan dacawga weeraro

Malaa waxa ka door roon

Inaan doqonka eersado

Duunyada ku aamminay.