Dawo-Dhaqameedka Mingiska (Saarka) Iyo Marin-Habaabinta Bukaanka! – W/Q: Nimco Nuur

Nimco NuurBulsho kasta waxaa ay leedahay caadooyin iyo dhaqamo u gaar ah ama ay la wadaagto dad kale oo uu ka dhexeeyo midab, diin, af ama degaan. Haddaba, qaybo ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa aaminsan Mingis, Saar, Boorane, Ayaaman, Goobile iyo Wadaado; kuwaas oo kolba sida dantu  ugu oggolaato isku dabiiba dawo-dhaqameedka Mingiska.

Run ahaantii, dadka aaminsan Mingiska waxaa ay u badan yihiin haween, taas oo la xiriirta baahida nafsiyadeed oo ay dumarku u qabaan in ay haqab-tiraan oon ku gedaaman jamashadooda iyagoo haddii loo fuliyo durbaba dareema caafimaad iyo firfircooni degdeg ah. Sidaa awgeed, is-weydiintu waxaa ay in la ogaado sababaha bukaanku u dareemayo inuu baxnaano iyo bogsasho ka helay Galahii Mingiska.

Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha oo sida la qabo dhibaato ku keeni kara qofka aaminsan haddii aan loo yeelin sida uu rabo ama aan laga tumin. Dhinaca kale, Ayaaman (Ayaana) ayaa ka mid ah samo-wadayaasha kaas oo dadka la dhaqmaa ay  aaminsan yahiin inuu ka soo waxyoodo khayrka. Kuwa Ayaamanku weheliyo waxaa ay ku doodaan in ay leeyahiin Garab-daar u soo tebiya samaha waxaana ay jecel yahiin in loo dhego nuglaado taladooda.

 

Mingis

Mingis ama Saar waxaa uu u qaybsamaa noocyo badan sida Maamma, Akhaambush, iyo Fiqi Burraale, hase ahaatee, guud ahaan, si isku mid ah ayaa looga tumaa bukaanka. Mingisku waxaa uu ka siman yahay in lagu daaweeyo qaabka cilaajka (therapy). Waxaana bukaanka loo goleeyaa fagaare looga tumo. Galaha Mingiska waxaa shardi ah in uu kulmiyo qoddobo aasaasi ah sida:

  1. Caraf ama udug
  2. Dhar qurux badan
  3. Ciyaar iyo booddo
  4. Heeso lagu ladho luuq (laxan),  jiib iyo Jaan
  5. Dheef ama cunto dhadhan fiican.

1.      Isku Daweynta Carafta ama Udugga (Aromatherapy)

Uduggu waxaa uu abbaaraa maskaxda taas oo keenta firfircooni iyo in ay naftu si dabiici ah u hesho dabacsanaan. Bukaanka waxaa ka dheefaa kalsooni, waxaana uu dareemaa, maalintaas, nadaafad dheeraad ah iyo xarrago uu filayo inuu ku soo jiidan karo dadka. Qof kasta oo fadhiyaa ama ka soo dhowaada raarta Golaha waxaa uu sanka la raacaa udgoonka ka soo khamkhamaya Jaawiga, Cuudka, Canbarka  iyo Cadarrada ay ka mid yahiin Shinbiraale, Fur-case, Rifdoon iyo Maawerad.

2.      Ciyaar iyo booddo (Folk dance)

Ciyaarta iyo booddada oo ah nuxurka Galaha Mingiska, cilmi ahaan, waxaa laga helaa awood dheeraad ah ka dib marka la dhaqdhaqaajiyo murqyada waawayn ee garbaha iyo surka. Isla markaana, bukaanka loo duuggo qoorta. Waxaa debca ama yaraada  tigtignaanta, welwelka iyo walaaca kuwaas oo keena inuu hoos u dhaco qulubka (depression) ka dhasha qoonsiga iyo cabursanaanta maskaxda. Sidaa darteed, maskaxda waxaa ka soo burqada dheecaanno lagu lammaaniyo farxad, rayrayn iyo yididiilo.

3.      Isku daweynta Heesha (Song therapy)

Heesaha Mingisku waxaa ay dhammays u yahiin baahida bukaanka ka dib markii uu ku soo lebisto dhar qurxoon oo galaha bacda looga jaray, jawi carfoon iyo iyadoo galaha loogu birreeyay xoolo loo loogo munaasibadda.

 

Soo degee, Soo degee, Saarkii la ogow, Soo degee                                       

Waxuu doonayaayoo  doonayaa

Aqal daahyo weyn  Buu doonayaa

Waxuu doonayaa       

Daylooy Laxdii buu doonayaa

Waxuu doonayaa       

Deewaali Xariir buu doonayaa

Soo deg, Soo deg

Waxuu diidayaa         

Dood iyo dagaal buu diidayaa

Aqal daldalooluu diidayaa     

Soo degee sarkii duleedow soo deg.

Heesahu waxaa ay qayb ka yahiin dawo maskaxeedka cilmi-nafsiga. Waxaana lagu ladhaa jiib, jaan iyo luuq u gaar ah. Sacabka, jaanta iyo heesku waxaa ay suuro-geliyaan in uu bukaanku ku cabirro kolba marxaladahii uu soo maray, iyo xaaladahii la soo dersay. Xusuusta hummaagga waxaa saleeya  belwadda (hiwaayadda) qofku u yeelan karo fanka taas oo si joogta ah u garab socota noloshiisa oo dhan. Waxaa la og yahay in la qabatimo tumista haddii qofku uu laabta ka jecel yahay shiribka, heesaha iyo digriga. Sidaa darteed, bukaanku, waxaa gala dareen uu ugu hiloobo tumista tasoo keenta inuu si qotto-dheer, isla markiiba, u la jaan-qaado ciyaarta, heesta iyo jiibta.

4.      Cunto macaan iyo haddiyado (Good food and gifts)

Dhinaca kale, cuntadu iyana waxaa ay qayb ka tahay daweynta bukaanka iyada oo uu dareemo in la daneynayo, in loo huray hanti iyo in dhiig loo daadiyay dartii. Waxaa uu mahadiyaa inuu ka soo dhex baxay bulsho u durraysay ama ku takooraysay tabashadiisa. Si la mid ah waxaa aan meesha ka maqnayn kaalinta cuntada ka qaadato tamarta suuro gelisa ciyaar iyo booddo aan kala go’ lahayn.

Ugu danbayntii, bukaanku waxaa uu, maalintaas, fasax dheere u helaa waxa kasta oo uu maanka ka jeclaa sida sigaarka, buuriga badeecadda iyo qaadka. Si kale, haddii loo eego maalintaas waxaa fasaxan Mingiska iyadoo loo tumayo loona oofiyo wax kasta oo laga la ballamay!

F/G: Qoraaga qormadan waxaa ay taageesan tahayn aragtida Diinta Islaamka oo si qeexan uga soo horjeeda in la aamino Mingis, duulal iyo Jin. Qoraalka waxaa looga gon leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo iyo in wax-ma-garatada loogu iftiimiyo sababaha keena bukaanku inuu si ku meel gaadh ah u dareemo caafimaad marka uu ka soo tumto Galaha Mingiska.

 

Nimco Nuur

hoooyosuuban@gmail.com

Helsinki, 30.11.2013

Â