DAWADDA KHILAAFKA XISBIGA UCID

Sida laga wada war qabo khilaafka xisbiga ucid Shantii sanadood ee u danbeeyayba wuu so noqnoqonaayay kaas oo ay isku qabsadeen markii kobaad Faysal cali waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciro maxakamadna isla galeen loona xukumay Faysal, dhawr mar oo ka danbaysayna ay isku khilaafen musharaxiinta xisbiga, is qabsiyadaas oo kii kobaad maxakamadi kala xukuntay una xukuntay Faysal cali waraabe  ayay  garabkii kale ee uu hugaaminaayay Cabdiraxmaan ciro uga tageen xisbigii.

Markii ururada lafury ee la bilaabay ururada in la diwaangaliyo (registering) ee xisbigii ucid intoodi badnayd raacen Cabdiraxmaan ciro Waxna ururadii kale ku biiren Faysal cidluu soo istaagay isaga iyo ucid baa is eegtay cadceed sii dhacaysuu sacabada
ku celinaayay ceeb ayuu ka baqaayay in uu ka galbado saaxada siyaasada Somaliland haduu hadho ururkiisa ucid isagoo ku hadala kululaa markaa xukumda dalka ka talisa iyo xisbi xaakimka kulmiye.

Taladu  yaday ka qasantahay faysal oo laba urur oo cadaw u ah uu u kala  arko kulmiye iyo wadani ayuu Jamaal iyo cabdirashiid xasan mataan  heshiis la galay  ay ku heshiiyeen in ay yaguna ururka muruq maal iyo maskaxba ku bixiyaan sidii uu ugu gudbilahaa Xisbi isla markaana ay yagu ka noqdaan musharaxiin faysalna uu ahaado gudomiyaha loona bixiyo xisbiga new ucid.

Ilaahay amarkii way dhacday in faysal neefi ka fuqday markii uu ururkii new ucid u gudbay xisbi waxes nasiib daro ah in uu faysal qawlkii rag isku ogaa ka baxay oo ragii so saaray ee uga hiiliyay cadawgiisi siyaasada uu yagii ku bedelay ragii cadawga u ahaa talona ka qaato.

Nasiib daro Jamaal wuu ku kaliyaystay damiir xumida gudomiyaha markii uu ka baxay musharaxii madaxwayne ku xigeenku xisbiga una dul qaadan wayay deelqaafka uu ku hayo hugaanka xisbigu, balse Jamaal wuu ku adkaystay in uu la gudhiyo faysal oo aanu cidla uga tagin xisbigii uu muruqa iyo maalkaba ku bixiyay.

Nasiib daro faysla laba jeer oo hore ayuu  isa soo sharaxay waanu ku guul daraystay oo labadii jeerba kaalinta sadexaad ayuu galay waa u maga xumo inuu maantana yidhaahdo waan isa soo sharaxayaa, Dawadda khilaafka xisbiga ucidna waa faysla oo laga tuuro xisbiga lagna xayuubiyo xasaanada uu ka hayo xisbiga haduu sidan ku sii jiro abid meel gaadhimaayo xisbigu masuuliyadaasi ciday saarantahayna waagolaha dhexe haday diyaar u yihiin inuu xisbigu dhisnaado hadafkiisan rumeeyo waa in ay doortaan hogaan karti iyo  aqoon leh.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

Econ: Mohamed Ibrahim Ismail ABAALE

Email, abaale11@hotmail.com

Phone: 00252634240356