Xigaalkiisii ayuu wargeliyay si hawsha loo dhammeeyo, waxayse doorbideen in xaal ay arrinka ka bixiyaan, furriinkana loo kaadiyo dhexdhexaadinna laga shaqeeyo. Diin ahaanna waa mid suubban in dalqadda laga meermeero. Maskaxdiisii ayaa dib loo celiyay. Dirqi ayuu ku yeelay soo jeedinta odayaasha uu amuurta u xil-saaray. Niyad-wareejinta iyo buuqa ayuu xammili waayay. Werwer iyo walaac bay dareen. Feker, falanqo iyo faallo kelidii ah buu galay. “Ka warran gabadhii?” ayuu ugu necbaa. Intay qabanqaabadii kulanku socotay ayuu jirro la il-darnaaday, qulubkii ku dhacayna waxa uu ka dhaxlay xanuunka macaanka. Korkiisa waxa ku dhacay is-beddel muuqda, sidii qori buu u dhuubtay, hadba dhakhtar buu tagaa, wuu tamar-darraaday quus ayuu ka noqon gaadhay xagga nololsha . “Maxaad warqaddii la qabanysaa? Ma maxkamaddaan tagaa?” ayay ku xiijisay. Afada kulul naar ayaa lagu shabbahay.
Heesahan iyo kuwo la mid ah ayuu xasuustay
Gabdhuu waxay ku faanaan
Guri iyo nin yeelee
Waxa guurka kugu diray
Garan maayo aniguye
Webigay sitee
I walwaalayaa
Xaggee igu wadaa?
Weydiiya oo
Wed waa loo dhashee
Wax ka daran biyuu
Miyay werinayaan?
Immisaan walwaal
Iyo ceel wardheer
Kaga baxay wadaan?
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Waad ka weyraxdaa
Duullaan colaadeed
Dawo keeni maayee
Yaa durbaanka kuu tumay?
Ruuxdayda iyo maanka uma roonid
Kaa raystay kuma rabee ha i raafin
Oo raalliyaan heliye raro awrta
Gole waayeel ayaa la isugu yimi tol iyo xididba, inankii gefkiisa guudka ayaa loo saaray raalligelin iyo xaalna wuu bixiyay, xigtadii sayga ayaa marwadii la kulmay laakiin way ku gacan-saydhay xalkii la waday. Kolkii tolkeed la hadleenna way iska oohisay “Waan tahriibayaa, is gubayaa, la i waayayaa hayaaaaaaaaaaaaaaaay” ayay ku muusannawday. Wiilkii iyo reerkoodi waa baxeen, waxaana la go’aamiyay inay gabadha tolkeed gaar ula hadlaan. Natiijadu waxay noqotay inay yidhaahdaan “Xaalkiinnii waa naga celis. Inantii waanu qaban kari weynee warqadda ayaa na maraysa ee keena!”. Sideenad gabantaada mar qudha u xidhi karin? Miyaydaan marna is-maqal?. Ugu dambayn warqaddii ayaa la siiyay si shuruud la’aan ah, marka laga reebo inay keeneen cajaladdii meherka oo kala go’an welibana ay af-legaaddo soo raacisay.
Isagoo jidh go’ay, dushiisana diif iyo diihaal ka muuqdaam ayaa waxa ka soo hor baxay nin ay jaal yihiin, wuxuu ku yidhi “Saaxiib nafta iyo qoyskiiba ka warran? Hadmaad aqal-galaysaa aannu gaafkaaga u dabbaal-degnee?”… Wuxuu yidhi
Walaaloow markaan guur kashkiyo, maanka ku heshiinnay
Kaynaanka waxaan aad lahaa, kayn barwaaqo ahe
Hayeeshee kutaan baan u galay, meel kadeed badane
Kaarkiyo rafaadkii i helay, koobi waa hadale
Boqol-kaadhlay ruux guursadaan, kabi u yeelnaane
Kulul-yooma goortaan furaan, raaxo koowsadaye
Qalinka Yaasiin Axmed Cabdi