Daraasad Ku Saabsan Dakhliga TELESOM & Cashuurta Ku Waajibtay – W/Q: Mustafe Abiib Maxamed

mustafeTelesom ma la odhankaraa sixir-bararka sarifka qayb wayn bay ka qaadataa?

Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?

Telesom faa’iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?

Shirkadda Telesom (BARAKAAT) waa shirkadda isgaadhsiineed waxaana la aasaasay somaliland 2001, wakhtigaa oo suuqa ay ugu sii horeeyeen labada shirakaddood ee kala ah Soltelco iyo STC, oo si dhakhso ah ay kala baxday suuqa, isla markaana 90% gacanta ku dhigtay maacaamiisha Somaliland.

Imika oo ay tahay dabaayaaqaddii sannadda 2012 ka waxaynu odhan karnaa saddex meellood oo laba meelood (2/3) shacabiga Somaliland aya isticmaala telesom siyaabo kala duwan (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G) inaa waxaa soo raaca Adeexa ZAAD bilaa lacag ah,

Laakin adeega ZAAD Telesom faa’iido aad iyo aad u balaadhan ayay ku qabtaa, iyado sababtu tahay ka faa’iidaysashadda dhaman lacagaha shacabka Somaliland.

Lacagta ZAAD wxay ku jirtaa wax loo yaqaan SERVER oo micnihisu yahay KAYDIYE kaas oo la odhan karo lacago gaadhiya malaayin doller oo shacbiggu leehay ku jiraan ama ku kaydsan yihin, isla markaana si fudud ay uga faa’iidaysato kuna shaqaysato Telesom iyadoo aan wax idan ama ogolaasho ka haysan shacbiga Somaliland ee lacagtaa leh ama ay dhididkooda ama xoogoodii ay tahay, si kastaba ha ahaatee waxa la odhan karaa marka laga taggo ka faa’iidaysigaa lacagaha shacbiga ee aan la waydiisan, waxaba shacbiga ka soo gaadhay dhibaato dhaqaale taas oo kala ah sidan:

  • Sare u kaca qiimaha sarifka doller ka oo maceeshada oo dhami ku tiirsan tahay: Si kooban hadii aynu u tilmaano, markasta oo sarifka lacagta addagi ama dollar ka ahi bato qiimaha sarifku hoos ayuu u dhacaa, isla markana markasta oo lacagi wareeg samaysana dhaqaalle ayay abuurtaa, hadaba ZAAD ku labadaaba uu yareeyay. Hadii mobile kaga uu $10 kugu jiro waxa laga yabaa inad kala baxdo ama aad ka sarifato hadba intaa aad u baahan tahay (hal hal , ama laba laba) kolaba baahidaada, halka markii hore aad $5 ama $10 kaba mar ad wada sarifan jiray, runtii waa hawl fudayd laakin waxa ka badan dhibaatada dhaqale ee tabban ama hoos u dhaca ah.
  • Shaqo la’aan: iyadoo shaqo laan uu riday dhalin yaro badan oo ka gacasan jirtay adeega Sub-stationka, iibka prepaid vouchers ka.
  • Hoos u dhac ku yimid lacag sarifashadii dadka, halka markii hore qofka u baahan inuu $2 doller  sarifto uu $10 doller iska sarifan jiray, halkana dadka sarifka ka ganacsdaa faa’iido ka heli jireen isla markana khasaare aanu soo gaadhi jir qof loo sarifay.
  • Waa dhaqaale aan wax ducmenti ah laynd ama DAMAANAD.

Tusaale hadii manta ay yimaadan qoloyinka loo yaqaa HACKERS ama tuugta intenet ka adeegsata si fudud aya u dhici karaan isla markaana wax cadayn ah oo uu haystaa qofka macmiil ka ahi ma jiraan. Waayo wax loo yaqaan           DATABASE ka la isku halaynayo waa wax la khalkhalin karo isla markaana wax la ga badali karo marka HACKING ka lagu sameyo.

Si kastaba ha ahaatee Adeegan ZAAD waa halis laba aff leh oo ku wajahan shacbigan Somaliland.

Shacabka ku nool Somaliland waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3.5 million ilaa 4 million yar iyo waynba.

Sida aynu hore u soo tilmaanay Shirkada telesom waxa isticmaala saddex meeloodoow laba meelood (2/3) 3.5 milyan wadarta guud ee shacbiga Somaliland oo u dhiganta 1.75 million (1,750,000 qof Hal milyan iyo todoba boqol iyo konton kun oo qof) oo siyaabo kala duwan u isticmaala (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G)

Haddaba hadayaynu eegno dhaqaalaha Telesom kasoo gala Somaliland maalintii kaliya oo aynu maskax fayaw ku qiyaasno iyadoo aan ka bad-badini jirin, hadii aynu kaso qaadno cel-celis 1,750,000 qof ay isticmaalaan $0.5 doller malintii qofkiba, oo kii $2 dooler isticmalaya iyo kii inta ka badan am aka yar ba isticmalayay aynu isku celi-celino waxay noqonaysaa sidan:

1,750,000qof x $0.5 isticmalka malinti = $875,000 maalintii.

Markaan leeyahay $0.5 isticmaalka maalinti maha qof waliba $0.5 ayuu ku hadlaa telefon ahan, laakin waa isticmaalka bulshada oo cel-celis ah.

Bishii $875,000 x 30 = $26,250,000 (lix iyo labaatan milyan iyo laba boqol iyo kontonkun oo doolar bishii)

Sannadkii waa $26,250,000 x 12 = $315,000,000 ( saddex boqol iyo shan iyo toban millan oo doller)

Hadaba suaashu waxay tahay Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?

                Inta aynaan taa ka jawaabin, Telesom xarumeheeda ugu waa wayni waxy ku yaalaan magaallada Hargaysa caasimadda Somaliland,

Hadii aynu eegno hantida ma guurtadda ah ee ay ku leedahay caasimada Somaliland shirkadda Telesom kama badna laba ama saddex fooq oo kaliya, dhamaan dhismayaasha ay ku jirto ama ay isticmaashaa waa wada kiro marka laga tago xarunta ku taal Biriijka hargaysa ama meelo kale faro ku tiris ah,

Ka shacbi ahaan wax la taaban karo oo muuqda oo ay kuso celisay shirkada telesom ma jiraan marka laga tago meelo ama makhsino yar yar oo ay ka dhistay jamacado wadanka ah, mana jirto shirkadd faa’iido inta leeg ku qabta wadanka o hadana aan waxba kusoo celin dhaqaalle, habase ahatee haddana dhibato dhaqaale ku haysa.

Telesom waxaa la odhan karan waa shirkadd ajaanib ah, marka la eego sida ay faa’iidaada badan uga hesho waddankan Somaliland lana bar bar dhigo sida ay wax ugu soo celiso wadankan ay ka dhisan tahay.

                Haddaba hadii intaasi hore ay ku ekayd dhibaatada ay ku hayso shirkadda Telesom shacbiga Somaliland, su’aasha kale waxay tahay Telesom faa’iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?

Marka laga tago dhaaqala ka soo gala Telesom carrigga Somaliland, dhinaca kale waxa jira dawlad ka talisa dhulkaa aya ku ganacsato shirkadasi isla markaana ka masuul ah shacbigeeda amaan ahaan, dhaqaale ahaa, maamul ahaan iyo millgo ahaanba.

Haddaba ma la odhan karaa telesom cashuurta ku waajibtay si hagar la’aan ah ayay u bixisaa iyadoo indhaha laga qarsanayo dhibkaa sare aynu ku xusnay?

Jawaabtu waa maya.!!!.. waayo?

Cashuuraha ay qaado dawladu waxaa ka mid ah si kooban markan u shego anoo aan halkan kusoo dhamays tirayn:

1.       Cashuurta dakhliga (Income tax)

2.       Macaashal macaash oo sanadle ah

3.       Cashuurta iibka (sales tax)

4.       cashuuraha biilasha (billing tax),

5.       ruqsadda (license)

6.       cashuurta kirada taawarada (towers),

7.       cashuuraha qalabka shirkaddu soo iibsato

8.       cashuurta shaqaalaha (payroll tax)

9.       cashuuraha dowladaha hoose (municipality taxes)

Tusaale gaaban, hadii sidda aynu sare ku soo xusnay uu yahay macaamiisha ku xidhan telesom ay yihiin 1,750,000 qof aynu ku dhufano  istimcaalka qofkiiba $0.5 cel-celis maalintii ( kii $10 ama $0.2 isticmaalayay la isku cel-celiyo) waa (1,750,000 x $0.5 = $875,000 maalintii, hadab waxaynu kusii dhufanaynaa qiimaha cashuurta iibka oo ah 5% = waa $43,750 cashura maalintii

Bishii waxay noqonaysaa $43,750 x 30cisho = $1,312,500

Sannadkii $1,312,500 x 12 = $15,750,000 (shan iyo toban millan iyo todoba boqol iyo konton kun oo dollar) sannadki wa cashuur kaliya oo ka mid ha cashuuraha ku waajibay Telesom.

Waana cashuuraha ugu yare e laga qaado shirdadaha ama ganacsigga wadanka, waxa jira qaar badan oo kasii wayn laakin tan waxan usoo qatay waa cashuraha yar yar .

Ma la odhan karaa cashuurahaa xaddigaa intaa leeg ah ayay Telesom bixisaa oo ay dawladda u shubtaa?

Mase tahay biilasha isgaadhsiinta wasaaraduhu inay intaa noqonayaan?

Haddaba gunaanadku wuxuu yahay shirkadda Telesom dhibaatadda ay ku hayso dadkeeda waxaa sii dheer dhibaatada ay ku hayso dalkeeda, Telesom waa GOFANE ku dhagan dalka iyo dadka Somaliland.

hadii ay shirkada Telesom sidan wax ka badali waydo, ama ay shacbigeeda iyo dawladeeda hadh iyo habeenba amaankeeda ilaalisa wax kusoo celin wayno runtii maaha wax sii jiri kara ama si fudud ayay uga bixi kartaa suuqa isgaadhsiineed ee ay ku jirto.

Diyaarintii: Xisaabiye guud Mustafe Abib Maxamed.

jawharaani@live.com