Dagaalka dantaguud!

 

Golaha wakiillada jamhuuriyadda Somaliland waa gole shacab oo la doortay waajibaadkooduna yahay dheeli tirka dhadhaarada kale ee qaranku ku unkan yahay, waajib ka wuxuu ka saaranayahay shacabka ay matalaan. Xildhibaanadda maanta ku doodaday in lasoo celiyo go’aanka oo la gesho dood iyo cod danbe waxay ahaayeen xildhibaanadii gacanta u taagay ee maalintii hore laalay wareejinta haamaha kaydka shidaalka qaranka ee shcabku hambalyeeyay. waxa nasiib darro iyo ayaandarro ah in saaka haddana dub uguso qaashaartan iyago dhadhamo iyo dhaameel soo qaatay inay isla hal kalfadhi oo aanu ogolayn xeer hoosaadka golaha wakiilladu dub usoo ceshaan, waa sawir gunnimo iyo gole ceebayn muujinaaya.

Xukuumadda Kulmiye oo awlba golaha baabiisay maanta ceebta golaha ka dhacday waxay u gashay diiwaanka, xildhibaano lagusoo abaabulay hantidii ummada oo haddana la yidhi noo ansixiya isla hantidii ummada waa karaamo seeg iyo xilkasnimo darro aan la filayn marnaba. Dhaameelka iyo dhadhamada golaha badhkood loo ruxo waxa horseeda oo xildlhibaanada siisa xukuumaddi loo baahna inay dalka samato bixiso durufaha nololeed ee bulshada haystana ka shaqyso oo cashuurta ummada laga urursho lagu maamulo sidii loogu daboo lahaa baylahada tiro beeshay.

Boobka hantida guud ee ummada ka dhaxaysaa waxay maraysa meel aanay abid gaadhin, guryo, dhul bannan iyo danguud oo kale markay dhamaatay waxa hadda laysku hayaa ee dagaalku ka dhacayaa waa biri-magaydadi ay ahayd in laga xishoodo ee ku hadhay dalka. Kaydkii haamaha qaranka ee lagu faanay inta badan maanta la maamuli kari waayi oo ganacasto la odhan noo maamula lama filayn ee waxa la filaayay in la kociyo oo la kordhiyo.

Dhakhtarada, dekeda, haamaha, saldhigyada iyo madaarada ayaa hadhay wax innaga dhexeeya shacab ahaan iyagana waxa ku socda xaraash iyo boob aan la qarsanayn oo xukumaddu ku waddo. Haddi iimaan jiro oo dan qaran madaxweynuhu waddo maxaa loola sugi waayay mooshinka kalfadhiga kan xiga ee loo fool eryayaa. Waxa lagu dagaalamaya waa dantii guud ee ummada maanta inay baraarugaan waxa looga baahanyahay shacabka haddi kale ma jiri doonan waxa ummada ka dhexeeya oo danguud ahi, danta guud ee dalkana waxa gacanta loo gelin doona ganacsato manfac doona oo lag aqaatay malaayin qasnad gaara galay.

Waxa maanta laysku hayaa waa kaydkii shidaalka qaranka, waa danguud oo ka dhaxaysa madaxweyanaha, xildhibaanada doobinaaya iyo dhamaan shacabka, hanti cid gaari leedahay maaha xoolaha laga qaato ee la siiyaana waa danguud oo ummada ka dhaxaysa loona baahan yahay in qasnada qaranka lagu shubo. Maaliyadda la qaadaya maaha mid loogu danaynaayo ummada oo lagu samaynaayo mashruuco kale oo laga fekeray waa keen iyo kayd jaan oo lagu shubto. Haamaha shidaalku waa sir aanay mudnayn in cid kale ogaato waa kayd loo baahanyahay in dawladu maamusho oo ay ogaato kaydka shidaalka qaranku haysto. Haamaha shidaalku waa amnigii qaranku lahaa oo ay tahay in dawladu dhawrto oo ay masuul ka ahaato.

Haddi dawladu maamuli kari waydo adeegyada bulshada ay u fidiso ee ay ku tahay dawladda, oo ay wareejiso haamaha, dekedaha, madaarada, laydhka, biyaha, nadaafada deegaanka, caafimaadka iyo dhamaan adeegyadda dawladnimo maxay dawlad ku tahay ee ay shacabka u qabanaysa, ma waxay rabaan lacag cashuura oo ninba tuunbo gashado oo la dhuuqo sida boqortooyoyinka, waa arrin loo noqon doono sida haatan xaal yahay ma qumana waxa loo baahan yahay baraarug shacab iyo busho feejigan oo ilaashata danteeda guud ee ka dhaxaysa ummad ahaan.

Weli waxa sii qoyan oo durbaanadedi iyo baankeedi ka bixin dhegaha shacabka, xukuumaddi ku faanaysay iyo madaxeynii ku faanayay inu haamaha horumariyay oo qarash xaddi badani kasoo galo qaranka. Haamihii xukumaddu lahayd waxa laga helaa faa’ido intaa leeg waa maxay damaca lagu wareejinayaa? Waa dilaalid iyo doolar urursi aan dabar lahayn, xukuumaddu inay ka xishooto dantaguud oo ay ilaaliso hantida ummada ka dhaxaysa ayaa loo baahanyahay. dhawaaqa baxayaa waa lacag urursi iyo masuuliyiin u kala dheeraynaaya macal qabad.

Haamaha kaydka shidaalka qaranka madaxweyne Siilaanyo markuu xilka dalka qabtay wuxuu ka wareejiyay shirkaddi TOTAL ee waaga maamulisay isagoo ku baanay inuu haamihii kaydka shidaalka qaranka dub uguso celiyay gacan ku haynta dawlada. Boobka maanta ee aan la qarin iyo hanti wareejiska madaxeynuhu ka badheedhay waxay laf-jab ku tahay sumacadda madaxweynaha waxaanay iftiminaysa lexejeclo la’aanta taala iyo hanti boobka aan la qarsan ee taagan.

Xildhibaanada lixdanka ku dhaw ee xukuumaddu masruuftaa maaha inay masiirka ummada geliyaan khalkhal oo ay ka doorbidaan danta guud ee qaranka shillimaad xaaran oo la siiyo, xildhibaanada kulmiye madaama oo ay metelaan shacabka waxa la gudboon inay xaqdhawraan ummada dooratay oo ay ka shaqeeyaan danaha Iyo baylaha jira ee u baahan in la daboolo. Waxa looga baahan yahay xildhibaanada wakiillada inay ku mashquulaan ujeedadi loo doorat oo ay xishood iyo xurmo ku ladhaan xilka qaran ee ay hayaan.
Xeer hoosaadka golaah wakiilladu wuxuu dhigayaa sidan.

Qodobka 43aad fiqradiisa labaad.

1. Lama furikaro mooshin haddi arrinta uu ka hadlayaa ama mooshinku khuseeyaa uu goluhu ka dooday isla kal-fadhigaa.

Qodobka 8aad ee xeer hoosadka golaha, awoodaha gudoomiyaha golaha.
Aan soo dheegto saddex qodob oo kama mida qodobkan sideedaad.

1. Wuxuu ilaalinayaa nidaamka golaha
2. Wuxuu furayaa xidhayaana golaha
3. Wuxuu metelaa kuna hadlaa magaca golaha

Qodobka 9aad, awoodaha ku xigeenada gudoomiyaha.

1. Gudoomiyaha golaha wakiilladu haddi uu maqanyahay ama aanu qaban karin kulan sabab kasta ha ahaatee, waxa hawsha fulinaaya si ku meelgaadha gudoomiye ku xigeenka koowaad, haddi uu isaguna maqanyahay waxa hawshaasi qabanaaya gudoomiye xigeenka labaad.
2. Gudoomiye xigeenku wuxuu qabanayaa markuu gudoomiyuhu maqanyahay hogaaminta golaha iyo wixii kale ee gudoomiyuhu u igmado.
3. Markuu joogu gudoomiyuhu waxay labadda ku xigeen qabanayaan wax kasta oo u igmado gudoomiyuhu.

Haddi golaha xeer hooaadkiisu qeexayo qodobadaas oo ay ogyihiin shirgudoonku maxaa keenay dagaalka iyo fidno abuurka? Maxaa qasbaaya in isla kalfadhigan lasoo dhigo mooshin xidhamy oo aanu xeerku ogolayn soo celintiisa? Maxaa gudoomiye xigeenka dabada ka riixaya ee uu awooda xeerku qeexay uu uga talaabsaday? Maamuuska shacabku diin hayo dhawra oo ummada tabaalaysan haku dibiro dhacsanina.

Dagaalka saaka ka dhcay gudaha golahu sumcad ahaan golaha sharaftooda iyo ta shacabkii soo doortay waxay ku tahay wejigabax, waxa mudnayd in shirgudoonku raacaan xeerka hoosaadka u yaala oo ay ku xalliyaan waxkasta xeer. Haddi ixtiraam iyo isqadarin laga waayo milgaha hogaamineed ee golaha waxay ka dhigantahay in sawirkeedu yahay kala danbayn la’aan iyo gole khasaare ah oo ujeedkoodu yahay siday doonayaan inay u shaqeeyaan, shirgudoonka waxa laga rabaa inay ka raaligeliyaan dhacdada aan la filayn ee maanta dhacday oo ay ilaaliyaan xeer hoosaadka u yaal kuna dhaqmaan shuruucda dalka.

Xukuumadda oo ah haayadda gacanta midig iyo ta bidix kula jirta furfurida golaha wakiillada inay ilaaliso milgaha wada shaqayneed ee labbada haayadood, haddi xurmada iyo xisaanada golaha wakillada ay ilaalin waydana waxa iman in dawladnimada dhaawac soo gaadhi karo oo awoodaha madaxweynaha ee dastuurku siiyayna berri ka maalin laysku qabsan doono oo dalku geli karo fawdo iyo khalkhal Alle haynaga hayee. Shanti sanno ee xukumaddu jirtay waxa golaha ku haysaa culays siyaasiya oo aan maalina demin. Xeerarka danta gaarka ah laga leeyahay waxay ku marisaa dhaqaale iyo laaluusha lagasoo saaray sanduuqa qaranka, cashuurta maatidu ka haraadantahayna waxa lagu bixiyaa dheefsiga hanti kale oo ummadu leedahay.

Xaaladda adag ee aynu maanta gallay waxa loo baahanyahay in lagag baxo wadjir iyo walalnimo oo aan laga dhigin xaalka middi middi ku taag, in lagu dhameeyo khilaafyada taagan wanaag oo aan la hurin dab iyo fidno dawladnimada wax yeeli kara. In xukuumaddu golaha ka dayso dibindaabyada joogtada ah oo ay ku mashquusho danta qaranka ee baylahsan, labbada sanno ee la kordhiyay in xukuumaddu ilaaliso hantida ummada oo aanay ka dhigin booba oo baloodh haka tagina. Dawladnimadu way hadhaysa oo dalkau guurimaayo dantaguud hala ilaaliyo oo haloo dhawro dhallinyarada iyo jiilka dhaxli doonaa.

Mudane mdaxweyne waxa kula gudboon maanta inaad ka dayso golaha khalkhalka oo aad ka fekerto sida aanay u habboonayn awoodaada oo lagugu qabsadaa inaanay u habboonayn awooda dhigaana in aad ku abaabusho cid cunaha iskaga duubta, haddi aad ilaalin waydo jiritaanka golaha iyo kala saraynta masuuliyadda golaha berri waxa iman doonta in adna sidaas cunaha layskaga kaa duubo oo awoodaada dastuuriga ahi gasho cidhidhi.

Xildhibaanada toban gu’ ku dhawaadka fadhiyay ee quudanaayay cashuurta carruurta cagaagan, cashuurta umusha haraadan, cashuurta waayeelka tabaalaysan, cashuurta agoonta gaajaysan, cashuurta ummada tabaalaysan, ee aan maalin qudha ka farxin shcabakii bacadka taagan. Alle inuu idin janneeyo is dabaqabtoo u arxama ummada oo ka shaqeeya danta laydin raacashay oo iska daaya laaluushka aydaan qarsanayn ee aad badheedhka u guranaysaan.

Waad dhaarteen oo waxaad saarteen gacanta midig kitaabka Alle waxaad ku dhaarateen dhawrida masuuliyada idin saaran, inaad daacad ahaanaysan oo aad ummada u adeegaysaan, innaad danta guud ka horumarinaysaan danta gaarka ah. Maanta sida xaal yahay waxaad xalaashateen xoolihi ummada, waxa laydinka doonayaa muddada kooban ee hadhay inaad tudhaale yeelataan oo aydaan xukuumadda dabka la saarin dantaguud inta hadhhay

Maxamed Siddiiq Dhamme.