DAA’UUD CALI MASXAF IYO XUSUUSTII MASRAXA AF SOOMAALIGA

Magac ku baahay Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Waa 24.1.2020 Amin saacada geeska Afrikada bari ku aadan tahay 5:34 Pm,  waxaan furay fariin kusoo dhacday Mobilkayga gacanta  oo ka timi Weriye Abiib Iimaan Xasan oo u qornayd “ Saaxiib Cali waxa jigjiga ku geeriyooday Daa’uud Cali Masxaf,  inkastoo aanan xanuunkiisa war ka hayn waxay igu noqotay Geeri run ahaantii aan aad uga naxay, Feker dheer iyo xusuus hirba hir kale ii dhiibayo ayaan ku foofay, waxaa igu soo dhacday markii iigu horaysay ee aanu is aragnay iyo Barashadayadii koowaad  oo aanu ku kulanay Makhaayad u dhowayd Tiyaatarkii Muqdisho,  waxaa iskaaya baray Nin aanu saaxiib ahayn oo lagu Magacaabi jiray Nuur Fayte oo isaga laftiisu ka tirsanaa Kooxdii DAYAX ee ururka  dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka.

Hadaba inkastoo taariikhdiisa iyo sooyaalkiisa nololeed marar badan warbaahintu ka faalooday, waxaan jeclaystay inaan qoraalkan ku xardho Qaybo kamid ahaa waayihiisii faneed,   iyadoo maanta ay laba sano kasoo wareegtay  geeridiisii.

Rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa 24.1.2020 ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Daa’uud Cali Masxaf oo  kamid ahaa raga sida aadka  ugu horeeya tumista Qalabka muusikada, iyo samaynta Laxamada Fanka afsoomaaliga, marxuumka oo kamid ahaa dhalinyaradii soo shaacbaxday Bilowgii sideetanaadkii, wuxuu ahaa madaale dhowr kaalmood oo fanka ah ka hawlgala markay dhinaca tumista aaladaha  noqoto wuxuu lahaa gacan cajiib ah oo si aad u macaan xadhkaha kamanka (Cuudka) cod dheguhu ku raaxaystaan oo qalbiga taabta ka sameeya anigoo filaaya in badan oo inaga mid ahi inay xusuustaan heeso qaaci ah fanaanka ama fanaanada, ku  luuqaynaysaa kor ugu dhawaaqaan  axyaa Daa’uud !!!! markay si fiican isugu dhacaan  luuqda fanaanka iyo codadka ay samaynayaan  xadhkaha cuudka ee Faraha Daa’uud xubin xubin kor iyo hoos u xadantaynayaan,  marka uu lasii kala baxo farsamooyinkiisa xaraaraduna aad u kacdo xaaladuna u muuqato in saarkii weynaa soo degay, waxaa maqalka heesta baalsocda sacabka iyo mashxarada asxaabta madasha ku sugan  oo sare  u leh Yaa Salaam Yaa salaam Macalin Macalin Daa’uud Macalin.

    Tumista kamanka heerka uu ka gaadhay waxaynu ka qiyaasi karnaa in badan oo Dadka afsoomaaliga ku hadashaa markay arkaan Cuudka waxaa maskaxdooda kusoo dhaca Magaca Daa’uud Cali Masxaf oo loo aqoonsaday khabiir halkiisa ugu tegay.

Marka laga yimaado Cuudka wuxuu baylood  lagaga dambeeyo ku ahaa kitaarka codka dheer ee loo yaqaan liit Kitaarka , aaladan oo nin aad u bartay mooyee aanay suurto gal ahayn in qof kale farihiisu taabtaan, marka laysku arko Masraxyada muusika isku dhan ee qalab badan laga dhawaajinaayo, waxaa dhadhanka maqalka muusikada kaalinta ugu weyn ku leh xirfada muusikiisteyaasha iyo siday isula fahmayaan codadka ay samaynayaan , kitaarka Codka dheer  oo ah halbowlaha qalabka wuxuu sameeyaa dhextaalada dhawaaqa muusiga, waxa  kale oo uu qaabeeyaa jawaabaha ay isa siinayaan.

AHN Marxuum Daa’uud Cali Masxaf oo sanadihii sideetanaadkii kamid ahaa dhalinyaradii Joogtada ku ahayd masraxyadii Hargeysa iyo Muqdisho sida badan waxa ay wada hawlgaleen rag cimri ahaan aad uga da weynaa oo mudo dheer fanka uga soo horeeyay kuwaasoo ay kamid ahaayeen Ismaaciil-yare, Cabdi Aamito, Maxamed Saleebaan  Mahdi, Muuse Maxamed, Axmed Khamiis Tifow, Aweys Goobe Dhamaantoodba Alle haw naxariistee khibradii iyo farsamadii uu ka korodhsadayna waxay sabab u noqdeen inay u hawlyaraato Inuu si fudud u tumi karo Heesihii hore, Kuwii dhexe iyo kuwii dambeba. Waayahaasna wuxuu noqday Macalin markasta masraxa looga baahanyahay, xiliyadii dambe ee uu ku sugnaa magaalada Jabuuti oo uu la hawlgalay Barbaar d’a yar ah oo intooda badani ku cusubtahay Xirfada wax tumista waxaa cid kasta ka yaabin jirtay muuqaalada Kamaradaha wax duubaa qabtaan, waxaana kasoo bixi jiray Isagoo dhinac  ka wada tumista qalabka, Weliba kala bedelaya xadhkaha Kitaarka  hadana dareenkiisu la socdo habka qalabka la garaaacayaa isu raacayo oo aaladaha qaar codkoodu ka hooseeyo heerkii saxda ahaa iyo fanaanka heesaya oo Daymo adag muusikiisteyaasha ku canaananaya marka xaalada noocaas ahi soo korodho, AHN  Ustaad Daa’uud wuxuu fariimo insharooyin ah ku sixi jiray, Colka Muusika daadihinaya si fudud baana laysu afgaran jiray, in natiijadu guul ku dhamaadayna waxaa laga fahmi jiray, dhoolacadayn kooban oo fanaanku sameeyo iyo Daa’uud oo madaxa ruxa OK!!

Sida cajibka ah ee uu kitaarka ugu xaragoodo ka sokow wuxuu lahaa Muuqaal Golejoogleh inta daawanaysaana isha la raacdo qaabdhismeedka jidheed, habka lebiskiisa, sida uu timaha ula baxo wuxuu ku cadaa waxa afka qalaad loogu yeedho FASHION ama ILQABAD.

Dhinaca kalena Daa’uud Cali Masxaf wuxuu kamid ahaa tobanka qof (Top ten), ee samaynta laxamada ugu horeeya Afka Soomaaliga, inkastoo aanay dadka badankiisu fahamsanayn kaalinta Laxamka iyo halka uu fanka kaga jiro,  marka la fasiro waa dhadhanka iyo  macnaha heesta loo saaro habka loogu dhawaaqayo baydadka ay ka koobantahay, waana shaqa adag oo aanay cidwaliba faraha la geli karin,  raga laxanka sameeyaana waxay si joogto ah u dhegeystaan wax kasta oo sanqadha iyagoo raadinaya cod dheelitira Midhaha ay sitaan, Baadidoonka noocaas ahina mararka qaar laxamsameeyuhu wuxuu jabaq qiyaasan oo si fiican u daboosha kasoo helaa amuuro qofka aan fanka wax ka aqoon marka looga sheekeeyo aad uga yaabisa sida C’idda Xayawaanka, sanqadha dabaysha, codka Mawjadaha Badda, xitaa waxaa dhacdain Guuxa Baabuurta qaarkood laxam laga dhex raadiyo. Hadaba iyadoo aan qoraal kooban lagu soo ururin karin heesaha uu laxamka saaray AHN Daa’uud Cali Masxaf balse kuwoodii ugu caansanaa weliba sida weyn ugu baahay Caalamka Afka soomaaliga waxaa kamid ahaa:

1…….’’ HADUU BEERKU QAYBSAMO BADHBAAN ADI KU SIIN LAA midhihii AHN Maxamuud C/laahi Singub Codadkii AHN Maxamed Axmed Dhabarlaw iyo AHN Sahra Axmed Jaamac

2…..Taariikhdu waa Mudan Ereyadii Xasan-Ganay, Codadkii AHN Busi, Haldhaa, iyo Jubba

3….ILA NOQO UL IYO DIIR Codadkii Xasan Aadan iyo Khadra Daahir

4….WAA TAA NABADII DURUGTEEE Codkii AHN Sahra Axmed Jaamac

5…..GARGAARAAY MIDIGTAYDAAY Codkii Xasan Aadan Samatar

6-SHAMIS Midhihii AHN Xasan Ciise Cali (Xasan-Kuuriya) Codkii C/QAADIR Jubba.

7-HOYGA AAN DHISAYNAA Codka Xasan Aadan, Hibo Maxamed, iyo Khadra Daahir

8-CIIDU QAALI WEEYE..(waxay ahayd hees wadani ah oo markii iigu horaysay 1983kii aan ka dhegeystay Idaacadii Radio Muqdisho, waxaana ku luuqayn jirtay AHN Saafi Ducaale, iyadoo uu midhaha iska lahaa AHN Maxamed Nuur Shareeco.

Waxa kale oo uu qaybweyn ku lahaa riwaayado tirabadan oo bilowgii sideetanaadkii ilaa horaantii sagaashanaadkii lagu soo bandhigay Masraxyada, qayb kale oo kamid ah fanka Daa’uud Cali Masxaf raga ay isku xirfada yihiin uu kaga horeeyay waa kaalinta heesaha  inkastoo aanay badnayn intaan ka dhegeystay, balse dhowr kamid ah heesihii uu qaaday cid kastoo maqashayba waxaa aad usoo jiitay codka degan iyo sida macaan ee uu ugu luuqaynaayo heesahaas oo ay kamid ahaayeen

1 ANIGU WELI SIDII BAAN SACABKA KUUGU TUMAYAA, ANIGU WELI SIDII BAAN SOO DHOWOOW KU LEEYAHAY HADUU SEEGO QAYRKAY UU KU SIIYEY CALAFKII….Heestan oo uu midheheeda lahaa AHN Maxamuud C/laahi Singub, waxay kamid ahayd Riwaayadii ISUMA QADO, Habka laxanka iyo muusiga waa Daa’uud Cali Masxaf, heestan oo aad u dheer waxaa darandoori u qaada dhowr fanaan marka ay qisada Riwaayada ku jirto waxay aad  u caanbaxday markii AHN Daa’uud qaatay

Waxaa kale oo jirta Hees safka hore kaga jirta suugaanta jacaylka  midheheeduna ay sifaynayaan quruxda muuqaalka dhulka iyo sida ay naftu u jeceshahay Aragtida Barwaaqada, Ereyadeedana waxaa kamid aha

“ SIDA WEBI DURDURAYOO LABADIISA DAAMOOD DOOGII KASOO BAXAY DACALADU IS GAADHEEN AMA DAYR SAMAATOO DADKU NABAD KU NOOLYAHAY WAAN KU DOONAYAAYOO ANIGUBA DARAADAA INDHIHII I DAALEE NAFTAA  KUU DIYAAREE HADMAAN DADAB GELAYNAA”

Heestan oo uu  midhaheeda lahaa AHN Axmed Ducaale Qaalib (Xiirey). Markii uu laxanka saaray Daa’uud tijaabadii ugu horeysay codkiisa uu kusoo bandhigay waxay si weyn usoo jiidatay abwaankii heesta  lahaa oo ka helay heerku uu gaadhsiiyey waxaanu dalbaday inay si darandoori ah codadkooda isugu weydaarsadaan AHN Daa’uud iyo Faadumo C/laahi Maandeeq, dareenka kalgacalka ee ay ka turjumayso sida cajiibka ah ee labada fanaan isugu dhiibdhiibayaan,  waxay noqotay hees si aad ah loogu isticmaalo xafladaha, meherada iyo Aroosyada , waxaa iyaduna xusid mudan hees kale oo midhaheeda ay kamid yihiin NUURAAY NARUUROOY NACAB XAASIDAA JIRA NECEB WADAJIRKEENEE…..Inkastoo aanan maqal abwaanka midhahaa lahaa balse ujeedada heesta ayaa asxaabta fanka ku dhowdhowi waxay ii sheegeen inay ahayd hees toos ugu socotay Xaaskiisa, oo arin dhexdooda yimi uuka waaninaayey xiligaas oo ahayd mudadii uu joogay Magaalada Jabuuti. Runtiina dareenka ka muuqda fanaanka waxaa laga akhrisan karaa baaxada mushkilada iyo sida ay ugu weyntahay cida uu la hadlayaa, qaabka heestan loo dhigayna waa khibrad iyo waayo aragnimo fankii hore ku duugnayd.

Dhinaca kalena marka dib loo milicsado mudadii uu kamid ahaa bahda Fanka cimri ahaan nus qarni wax yar dhiman ahayd, wuxuu gaadhay derejo sare macalin aan xuduud lahayn oo Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga oo midwaliba calan gooni ah leedahay ayuu beled kastaa ku qaabilay tixgelin kaalintiisii faneed lagu tixgelinaayo, waxaanu lahaa taageerayaal waayeel da’ dhexaad dhaliyaro iyo barbaarba  cidkastoo gacantiisa macaan ka heshayba waxay la ahayd saaxiib.

Waxaa hadaba intii aan ku jiray qoraalka qormadan aanu si kedis ah isugu nimi fanaaniinta kala ah Canab Diiriye Ileeye, Cabdi Muxumed  (Cabdi-Falaash), iyo weriye Ismaaciil Cakuule, waxaanay si guud uga sheekeeyeen aqoontii ay u lahaayeen Marxuumka Canab Diiriye ayaa ku tilmaamtay inuu ahaa laxamiistee aad loogaga dambeeyo samaynta Codadka waxaanay sheegtay inuu ahaa qof dhowrsoon oo muxtarim ah, sidoo kale Cabdi-Falaash wuxuu   k sheekeeyey  riwaayado badan oo ay  wada dhigeen si weyna ay isu fahmeen,  waxaanu ku sifeeyay qof dabeecad wanaagsanaa oo aad u af gaabnaa, Weriye Ismaaciil Cakule oo sida uu sheegay ay marxuumka is barteen Sanadkii 1986 ayaa  qiray inuu ahaa macalin cuudka iyo kitaarkaba halkiisa dhigay, qof dhaqan wanaagsan oo  dabeecad ahaana aanay qofna is diidin ayuu ku sifeeyay.

Gabagabiidana geerida Daa’uud waxay Fanka afka soomaaliga ku banaysay kaalin u muuqata inaan cidkale buuxin karin. Hadaba intii aan gacanta ku hayay qoraalka qormadan waxaa cajiib ah in

home