CISBITAALKA GUUD: Goob Wasaaradda Caafimaadku Bukaanka Ku Baadhato

 

Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ah goob caafimaad oo Xukuumaddu gacanta ku hayso isla markaana ah goob dawladdu leedahay oo ah xarun caafimaad oo qaranku leeyahay, laguna daweeyo guud ahaan bukaanka caasimadda Hargeisa iyo guud ahaan bukaanka dalka ee la soo gaadhsiiyo cisbitaalka guud.

Hadaba Cisbitaalka guud ayaa ku qalabaysan guud ahaan qalabka caafimaad ee bukaanku u baahan yahay intiisa badan ama qalab ahaan agabka caafimaad ee dalka yaalla oo dhan iyada oo si gaar ah loogu shaqeeyo dadka Masuuliyiinta Iyo dadka jeebkoodu ladan yahay.

Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa tallaabo kasta oo la qaadaa ay tahay lacag,waxaana bukaanka laga qaadaa kharashaad aannay awoodin bukaanka cisbitaalka u imanaya ama loo keenayo in lagu daweeyo, waxaana ugu daran oo lacag aanay awoodi karayn laga qaadaa bukaanka ku jira.

I.C.U Waa Xarunta gurmadka degdega ah gaar ahaan qaybta Oxygen (O2) lagu xidho Bukaanka Mirkoodu maqan yahay xaladooduna culus tahay ee Koomada ku jira  ..bukaanka xaladaasi ku jira ayaan habeen walba laga qaada lacag dhan 50,000 oo Somaliland Shilin, iyadoo aanay jirin lacgahaasi   wakhtitigii Xukuamdii Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin. Bukaanka ku jira qaybta (I.C.Uga ) Waxaa kale oo lacag xad dhaaf ah laga qaadaa bukaanka u baahan in la dhigo qolalka cusub ee dambe oo lagu kireeyo halka habeen lacag dhan 15 dollar,isla markaana u dhiganta 120,000 oo Somaliland shilin ah   lacagatana oo sadex goor laab ka badan  intii laga qaadi jiray  markii Xukuumaddii UDUB  oo dhamayd 30.000 (Soddon kun) oo Somaliland shilin ah.

Qaybta lagu sifeeyo kelyaha waa horumar ku soo kordhay dhanka adeega Caafimaadka cisaabitlka baahi wayna loo qabay

balse dadka danyarta ayaan awoodin dhaqaalaha buuran ee laga qaado  taas oo Marwalba bukaanka laga qaado lacag dhan 400,000 oo Somaliland Shiling ah  .

Hadda bukaanka lacagta laga doonayo waa dad danyar ah oo la daala  dhacayaa Nolosha qutal daruuriga ah  oo ay u  dheer tahay sixir bararka baahsan ee Dalka hadheeyey

Hadaba Xukuumadda oo ku faanta in ay wax wayn ka qabatay adeegyada Caafimaadka bulshada ayaa ah mid ka xoogsata bukaanka oo lacago xaddhaaf ah kaga qaada bukaanka cisbitaalka kaliya ee shaqeeya ee ay gacanta ku hayso oo ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Qore :  Saxafi Saciid Cagjar.