CAWAR IYO CANJEEX – W/Q: Saddam Carab

sadamCidla ciirsi la’, gabaahiir iyo arladu waa geeri go’an. Abaar xun baa saamaysay degaanka. Xoolaha intii jilicsanayd way idlaysay. Aadamaha kuwo macalluul u bakhtiyey waa jireen. Dabiicadda, dhulku omas buu la basaasay. Ciidda harraadka la cabbudhay naqaska hoosteeda buuxiyey baa kolka lagu joogsado dillaacinayey. Dhirta jirrid iyo laamo intii roonroonayd oo qaawan baa ka soo hadhay. Dad iyo xoolo waa la wada dacdarraysnaa. Diihaal iyo silic baa lala taag darnaa. Tu Alle tu aan ahayn cidina rejo kama qabin. Habardugaag arlada way ka qaxday. In badan oo ka mid ah balaayada habsatay baa sahayatay. Cawar oo kali ah baa degaanka qoyskii reer boqor ka jooga.

Kal hore dagaal ba’an oo isaga iyo walaalkii dhexmaray buu Cawar ku il beelay. In kasta oo uu isagu gacan sarreeyay, haddana bilawgii dagaalka, xagtin ka-gaadhsiis ah baa wiilka xaydha cad ee isha, dhulka ka soo dhigtay. Galgalasho uu Cawar gacan roonaa iyo guhaad adag oo ka dhex dhacay ka dib, Cawar baa guulaystay. Walaalkii, maalintaas sidii uu u firdhaday dib il iyo baal looma saarin. Cawar baa reer boqor deegaanka ka joogay.

Dadka degaanka oo dhami Cawar way yaqaannaan. Raadkiisa, tallaabada cabbirka u dhexeeyay ayaa la isla ogaa. Caweys walba raggu wacdaraha Cawar bay ka sheekaystaan. Nin se ku dhaca lama helo oo aan Canjeex ahayn. Runtii, mar walba Canjeex wuu ka dhiidhiyi jiray falalka xun xun ee Cawar sameeyo. Cawar, xoolaha dadka ayuu kibir u layn jiray isaga oo aan u baahnayn.

Canjeex, isaga oo yar baa naanaystu u baxday. Jab finiin ah oo silic nololeed soo maray buu ahaa. Hooyadii yaraan bay ku geeriyootay. Barigii ba aabbihii, naag kale ayuu iska guursaday. Naagta kale waxba yay u roonaan’e, isaga iyo aabbhii bay isku dirtay. Sababtaas baa gurigii uu ku dhashay u uga qaxay. Waayo qallafsan buu ka soo gudbay. Canku bari fog buu jeexmay. Berkad dadku u aroori jireen, baa albaab foosto ah oo ku oodnaa qufulkii ku xidhnaa, furihiisii la waayey. Xoolo badan baa berkadda dul goobyaalayey. Kolkii dambe ayaa la ogaaday in furaha carrotuulkeeda berkadda lagu soo dul illoobay. Raggii meesha joogay, cid ku dhacda oo meesha furta baa laga waayey. Hablo badan adhiyo ay wadeen, way iska foofgeeyeen.

Canjeex baa talo gaadhay. In uu oodda tiska ah ee la suuqay iska shubo ayuu go’aansaday. Furaha la sheegay in uu gudaha ku jiro in uu soo saaro ayuu isku qanciyey. Dadka tirada badan in ay xoolo harraad dib u celiyaan ceeb ragga saaran buu u arkayey. Inta uu faytay, dib uga baxay dhacantii, buu taagtii booto iska dul shubay. Qodax ood galool ah ku taallay baa sii xagatay. Dhegta hoosteeda ilaa dhabanka, isha dacalkeeda ayey jeexday. Berkaddii buu soo furay. Dadkii oo dhan baa ku farxay oo hambalyeeyay. Naanaysta Canjeexnimadu barigaas bay u baxday.

Galabta Canjeex iyo Cawar waa kuwan si kama’ ah isaga soo horbaxay. Foolxumada cimilada, dhirta, dadka iyo mayeedhaanku waa isaga mid. Indhaha ayuu Cawar si arxan la’ ugu soo giiray Canjeex. Canjeex baa sina si kalsooni leh toorray xiiraysa galka dhexda ugu xidhan ka soo gooyey. Goobtii abaartu ahayd, colaad ba ka dul oogantay. Diyaar garow xooggan labadu ha is-hubsadeen. Geed qaawan oo dirqi ku nool cawar ha hoos galo. Marba reenka ha ku wiirsado oo ha iskala jiido. Canjeex si xooggan toorrida ha u qabsado, gaashaankana ha gigsado.

Cabbaar ha la isu libiqsado. Wadnuhu garaaca ha daayo, xaaladdana ha lala qabsado. Mar kali ah Cawar ha soo boodo. Canjeex, aarka hawada ku soo jira toorraydii ha ku dooxo. Intii aan dhulka la iskula dhicin, garabka afar miciyood oo gaammuray Canjeex ha lagaga mudo. Mar kale toorraydii garabka bidix Canjeex ha kaga aaso Cawar oo ha iska furfuro. Ha la isku soo garab dhaco. Dhiigga caloosha Cawar ka socda iyo midka garabka Canjeex ka yimid bay ciiddii harraaddanay degdeg u fuuqsatay. Iyaga oo nafbax ku jira ayay labadoodu ba ilqoodha isaga gooddiyayeen. Midkoodna itaal kuma jiro. Cawar, ishii hore u bakhtiisnayd ma ahe’, middii kale waa ka tartiib tartiib isugu qabtay. Afka shaarubaha badan buu neef xooggan ka soo afuufay. Neefta awooddeeda, garabka daloola ayuu Canjeex ka dareemay. Gaska shaashkii badnaa ee Cawar buste meel yaal oo naf lahayn buu noqday. Markii ugu dambaysayna, taah xooggan iyo cod ku lammaan buu Cawar oo boqortooyada habardugaag degaanka ka joogay ku qudhbaxay. Canjeexna qunyar qunyar bay naftu uga haadday. Maydadka ninka iyo Libaaxa is garab bilqan baa loo yimid. Cawar lama aasin, se Canjeex inta dhulka la dalooliyey baa iil looga duway lagu hubsaday.

Barigii dambe Cawar ay rag ardaa kaga sheekeeyaan ma uu jirin, Canjeex barkad u dhacaana ma joogin ee Cawar iyo Canjeex oo wada jira dhimashadooda ayaa laga sheekaysan jiray.

 

Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland

Saddamcarab@gmail.com