Caqliga Oo La Kaashado Garashuu Kordhiyaa

Nin ku noolaa Baadiyaha Carbeed ayaa waxa u joogtay sadex wiil oo dhamaantood magaca Cabdullah lagu ladhay magacyadooda Axmed Cabdullah, Yuusuf Cabdulla, Maxamed Cabdullah , ninkii waxaa haleeshay geeridii , isaga oo naftu ka sii baxayso ayuu dardaarankii ku sheegay isaga oo sadexdii wiil hareero fadhiyaan wuxuuna yidhi isagoo wiilashii la hadlaya, Cabdullah dhaxalka waxa buu ku leeyahay , Cabdullah dhaxalka waxba kuma laha, Cabdullahna dhaxalka waxbuu ku lee yahay , intaasi markay soo dhaaftay odaygii naftu ka baxday, kolkii la aasay odaygii ayaa dhaxalkii waxaa isku qabsaday sadexdii wiil, waxayna go’aan sadeen in ay qaadi u tagaan si uu u kala saaro

Waxayna isu raaceen in ay magaalada tagaan, jidka iyaga oo sii socda ayaa waxa ay la kulmeen nin reer miyi ah oo Awr ka lumay , wuxuuna weydiiyey sadexdii wiil in ay arkeen iyo in kale Awr baadiya , waxayna ugu jawaabeen maya maanu arag, markuu ka dhaqaaqay ayey u yeedheen, kii ugu horeeyey ayaa ku yidhi Awrkaagu ma cawarnaa oo ma Il la’aa, haa ayuu yidhi ninkii oo Awrku aa cawarnaa, ninkii wuu farxay mar haddii Awrkiisii la tilmaamay oo wuxuu is yidhi meel ayey kuugu sheegi.

Kii labaad ayaa ku yidhi Awrkaagu ma Dib go’naa, Haa ayuu ninkii ku jawaabay wuuna sii farxay, kii sadexaad ayaa yidhi Awrkaagu Laangadhe/Jiis ma ahaa oo dhinac dhinac ma u socdaa, ninkii waa farxay haa buu yidhi, waxay ku yidhaahdeen runtii maanu arag awrkaagii, ninkii waa uu yaabay nimanka markii horena u sheegay in aanay arag , hadana awrkiisii tilmaamaya.

Ninkii wuu shakiyey wuxuuna u qaatay in Awrkiisii ay nimankani meel ku ogyihiin, wuxuuna ku yidhi Awrkaygii idinkaa meel ku og ,markay kala bixi waayeen ayuu ninkii yidhi aynu Qaadiga isula tagno , waxay u sheegeen in ay magaalada u socdaan oo iyaguba Qaadiga u jeedaan, waa lays raacay.

Qaadigii markii loo galay ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa hadlay wuxuuna yidhi Qaadiyow nimankan waxay iga xadeen Awr aan lahaa , waxaana arrintaas ku gartay oo ku xaqiiqsaday markaan waydiiyey waxay sheegeen tilmaamihii Awrka oo dhan.

Qaadigii ayaa weydiiyey kii ugu horeeyey ee yidhi Awrkaagu ma Cawarnaa oo ma IL la‘aa, wuxuuna weydiiyey sababtuu u sheegay in Awrku Cawarnaa. ninkii wuxuu ku jawaabay , waxaan arkay Caws dhinac laga daaqay , markaas ayaan dareemay in neefka cawskan daaqay cawaran yahay, kii labaad ayuu ku yidhi maxaad u tidhi Dibku ma ka go’naa, wuxuu yidhi waxaan u idhi haduu dib lahaan lahaa Saaladuu dhigo ayaa kala firdhi lahay oo qaarba dhinac ooli lahaayeen, 

Saalada aanu aragnayna waa way tuurnayd iyadoo qaybo ah, markaan arkayna waxaan dareemay in neefkani dib la yahay,kii sadexaad ayuu qaadigii weydiiyey sababta uu u yidhi awrkaagu Laangadhe ma ahaa/jiis, wuxuu yidhi waxaan sidaas u idhi Raadkaan arkay ayaa kala duwanaa, lugaha hore midigtuna dhulkay aad ugu mudnayd tan kalena caadi ayey ahayd ,markaas ayaan dareemay in Neefka labadiisa lugood kala dheer yihiin.

Qaadigii nimankii ayuu la yaabay siday wax u adoroseen, ninkii ayuu ku yidhi nimankan Awrkaagii may arage isaga tag , halkaa markay xaajo marayso ayuu qaadigii ku soo jeestay sadexdii wiil wuxuuna weydiiyey arrintay iyaguna u socdeen.

 Waxay u sheegeen in aabahood hanti uga tagay, hasa yeeshee sadexdoodaba u bixiyey isku hal magaca , markuu dardaarmayeyna sheegay in Cabdullah dhaxalka wax ku leeyahay , Cabdullena dhaxalka aanu waxba ku lahayn, Cabdullana dhaxalka wax ku leeyahay, isaga oo aan noo tilmaamin ka aan dhaxalka waxba ku lahayn, in aad na kala saarto ayaanu doonaynaa, qaadigii arrintii ayaa ku weynaatay, wuxuuna ka codsaday in ay caawa isaga u hoydaan , aroortiina uu kala saaro sadexdooda.

Gurigii martidaa la geeyey , kolkii ay galeen gurigii ayey markiiba shakiyeen waxayna dareemeen in la dhagaysanayo waxayna yidhaahdeen waa layna dhagaysnayaaye aynu feejignaano, cunto ayaa loo keenay markii ay dooneen in ay gacanta galiyaan ayaa mid soo booday oo yidhi ha cunina waa Hilib Ey ‚e, mid kalena markaasuu yidhi Roodhidan/Khubistan waxaa dubtay qof dumaroo bishii sagaalaad ku jirta, kii sadexaadna wuxuu yidhi qaadigan ina xukumayaa maa mid xalaal lagu dhalay waa wicil.

Q.2aad

Aroortii intaan Qaadigii loo tagan ayaa sheekadoodii ka sii horaysay oo qofkii loo soo diray in uu dhagaysto qaadigii u sheegay waxay ku sheekaysteen xalay sadexdii wiil.

Qaadigii ayaa weydiiyey sababta ay u yidhaahdeen Hilibku waa Hilib Ey, Rotiga/Khubustana waxaa dubtay haweenay Bishii Sagaalaad ku jirta, Anigana iigu sheegteen Wacilka, iyo qof aan xalaal ku dhalan,

Waxay yiraahdeen, Hilibka caadiga ah ee la cunaa waxay u kala sareeyaan Laf, Cad/Jiidh Iyo Baruur, Xayawaanka kale ee Hilib Cunka ah Sida Ey-da iyo Bahalada kale waxay u yaalaan Laf,Baruur Iyo Cad/Jiidh, qaadigii wuxuu u yeedhay kariyihii wuxuu ku yidhi hilibkaad siisay martida shalay muxuu ahaa, wuxuu ku yidhi xoolihii ayaa soo daahay, markay raageena Ey agtayda taagnaa ayaan u qalay oo u kariyey.

Wuxuu yidhi Qaadigii maxaad u tidhaahdeen qofka Khubusta/Rootida dubtay waxay ahayd haweenay sagaal bilood ah, waxay yidhaahdeen waxaanu aragnay Khubistii/ama Roodhidii oo dhinac ka bislaatay dhinacna iskaga dhegan, markaas ayaanu dareenay in qof dumar ah oo sagaal bilood ahi dubtay oo aan foorarsan karin oo aan wareejin karin Khubista/Rootiga si dabku uwada gaadho, wuxuu weydiiyey ninkii martida loo xilsaaray, ninkiina wuxuu yiri heblaayo oo sagaal bilood ah ayaa dubtay .

Waxaa la soo gaadhay su’aashii sadexaad ee ugu khatarsanayd, wuxuu yiri qaadigii maxaad ku tiraahdeen Qaadigu waa wicil oo xalaal kuma dhalan , waxay yidhaahdeen ma qaadi muslin ah oo ibnu xalaal ah oo loogu yimi in uu dad kala saaro ayaa dad uu marti galiyey basaasi lahaa oo dhagaysan lahaa waxay ku hadlayaan oo dad dhagaysta u soo dira lahaa, kuma jirto dhaqanka islaamka ,sharafta iyo karaamada midnaba, qaadigii hooyadii oo aan ka fogayn ayuu u tagay wuxuuna ku khasbay in ay runta u sheegto xaaladuu ku dhashay waxay u sheegtay in aanu meher ka horays ahaa, halkaa marka xaalad marayso ayaa qaadigii xukunkii ku dhawaaqay.

Qaadigii wuxuu yidhi yaa yiri Hilibku wuxuu ahaa hilib Ey, mid ayaa soo booday oo yidhi aniga, wuxuu yiri qaadigii adigu dhaxalka waxbaad ku leedahay, Qaadigii wuxuu yidhi hadana yaa yidhi Khubusta/Roodhida Naag Sagaal Bilood ah ayaa dubtay, mid kale ayaa soo booday oo yiri aniga,

 wuxuu yidhi adiguna dhaxalka waxbaad ku leedahay, qaadigii wuxuu yiri yaa yidhi Qaadigu xalaal kuma dhalan markaasaa kii sadexaad yiri aniga, wuxuu qaadigii yiri adigu dhaxalka waxba kuma lihid, markaasuu yiri ninkii maxay tahay sababta aanan waxba ugu lahayn dhaxalka , wuxuu ku yiri qaadigii Adigu meher ku horays ayaad tahay , wacilkuna wacilka isaguunba garta, waxay ku noqdeen hooyadood oo ay waydiiyeen arrintan waxa ka jira, waxay ku tiri hooyadood maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabihiin oo masjid ku tuganaya ilma yar la soo dhigay , wuu soo qaaday ,markaasuu keenay guriga Cabdullah ayuu isagan u bixiyey.

Dhamaad.

Asad ADaani Ibraahim